9/29/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 3 , 2012
Madaxda DKMG ah oo u dhoofay Nairoib halkaasoo ay kula kulmayaan Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Madaxda dowladda KMG ah ayaa u dhoofay dalka Kenya, halkaasoo ay berri oo Sabti ah kula kulmi doonaan xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton oo booqasho ku maraysa dalal Afrika ku yaalla oo ay Kenya ka mid tahay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gallinkii dambe ka dhoofay Muqdisho, halka guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shalya gallinkii dambe dhoofay, sidoo kalena waxaa saakay dhoofay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali.

Kulanka madaxda Soomaalida iyo Clinton ayaa waxaa lagu soo qaadi doonaa arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo sidii xilliga KMG ah loogu soo afjari lahaa bishan 20-keeda oo ahayd waqtigii horay loogu qabtay, si ay Soomaaliya u yeelato dowlad dhameystiran.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa lagu soo qaadi doonaa qodidda shidaalka ay Puntland ka billowday deegaannada ay ka taliso, iyadoo Mareykanka uu xilliyadii ugu dambeysay aad indhaha ugu hayay Soomaaliya, isagoo ku talinayay in xasillooni lagu soo dabaalo.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo dhaweysay ansixintii dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, kaasoo maalin ka hor ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 621-ergay oo ka mid ahaa 645-ergay oo soo xaadiray kulankii lagu ansixinayay dastuurka.

"Waxaan hambalyo u diraynaa ergadii Soomaaliyeed ee ansixiyay dastuurka KMG ah, wuxuuna dastuurka saldhig u noqonayaa hannaan lagu dhisayo dowlad joogto ah oo ay Soomaaliya yeelato. Ansixinta dastuurkana waxay ahayd mid taariikhi ah," ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Madaxda Soomaalida ayaa waxay dadaal ugu jiraan inay 20-ka Ogoosto kusoo af-jaraan xilliga KMG ah, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda lasoo magacaabo xildhibaannada cuusb ee Soomaaliya, kuwaasoo dooran doona guddoomiye cusub oo baarlamaan iyo madaxweyne.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
8/3/2012 9:47 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Orodyahanadda Soomaaliyeed ee ka qaybgalaysa ciyaaraha Olombikada caalmaka ee ka socda London ayaa kaalinta tododbaad ka gashay orodka 400-mitir ee haweenka.

8/3/2012 7:41 AM EST
Kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiin,aqoonyahanno iyo waxgarad kale ayaa lagu taageeray maamul goboleedka Jubbaland oo kamid ah maamul goboleedyada deegaannadaas looga dhawaaqay.

8/3/2012 7:02 AM EST
Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa si kulul u weeraray doorashadii ka dhacday Galmudug ee lagu soo doortay Cabdi Qaybdiid.

8/3/2012 4:59 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Laascaabood ee gobolka Sool mas'uul ka tirsnaa maamulka gobolka kaasoo lagu magacaabi jiray, Cabdi Cawil Xasan.

8/3/2012 4:53 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Jen. Cabdi Qaybdiid oo maalin ka hor loo doortay madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa sheegay isagoo ka jawaabayay hadal uu warbaahinta kasii daayay Col. Caalin in doorashadii uu kusoo baxay ay ahayd mid ku dhacday si sharci ah.

8/3/2012 4:23 AM EST
Jimco, Ogoosto 03, 2012 (HOL) — Waxaa saakay lagu aasay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Alle ha u naxariisteen Inj. Cali Xaaji Shirwac oo maalintii shalay rag hubeysan ku dileen magaalada Baladweyne.