![]() |
Ma jirto ilaa hadda cid si rasmi ah u sheegatay dilka marxuumka, hasse ahaatee mas’uuliyiinta maamulka gobollka ayaa ku eedeeyay dilka in ay ka danbeeyeen Xarrakada Al-shabaab.
Mas’uuliyiinta laamanaha nabad-galyada oo la hadllay HOL waxaa ay sheegeen in ay wali wadaan baaritaan, islamarkaana ay gacanta ku hayaan rag la tuhusan yahay.
Marxuumka ayaa ahaa shaqsi siweyn looga yaqaanay in badan oo ka mid ah gobollka dalka Soomaaliya, isaga oo ka qeyb-qaatay dhimaha garoomada Berbera, Balli-doogle, Gaalkacyo, iyo ugu danbeytii uu hadda gacanta ku hayay dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Caabud-waaq.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
