By Dr. Maxamud M Culusow
Wednesday May 29, 2024
Dowladda Federaalka Soomaliya
(DFS) ee Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud oo 2 sano jirsatay waxaa dul hoganaya
mowjado siyasadeed, dhaqaale, iyo nabadgelyo oo khatar ku ah geedisocodka Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya (JFS). Tilmaamaha mowjadahaas waxaa ka mid ah:
1.
Hakadka iyo Walaaca Xoogan ee laga qabo Gulufka
Ciribtirka Al Shabab wejigii kowaad ee Hirshabelle iyo Galmudug. Qiimeynno
ku saabsan natiijada gulufkaas oo caalamka lala wadaagay waxay taageeren saadaashii
guuldarro ee ay Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group) shaacisay
ka hor bilowga gulufka Ciribtirka Al Shabab. Hay’adda waxay saadaalisay in DFS
iyo Dowlad Goboleedyada (DG) aysan ka guuleysan karin Al Shabab sababo ay soo
bandhigtay. Is barbardhig Ciidammada Soomaliya iyo Al Shabab ee uu sameyay
Professor Paul D. Williams ( The Somali National Army Versus Al
Shabab – A Net Assessment)
bishii Abrile 2024 wuxuu sheegay in libintu raaceyso Al Shabab. Waa dib u dhac
laga tabaabushan karay.
2.
Waxtar Yarida Dowladnimada Soomaaliya. 12
sano kaddib, waxtarka dowladnimada Soomaaliya beesha caalaamka taagerayay weli
waa liita. Waxaa la saluugsan yahay shaqo fulinta iyo adeeg bixinta Dowladda
heer federal, dowlad gobol, iyo dowlad hoose iyo kala lahaanshaha iyo kala sarreynta awoodaha
sharci dejinta, fulinta, iyo garsoorka. Waxaa laga cabanaya ku takrifalka
awoodda Dowladda. Inkastoo la cuskanayo nidaamka federaalka, maalin kasta waxaa
kordhaya caqabadaha iyo dareenka wiiqaya rajada hirgelinta nidaamka federaalka oo
u baahan qeexid degdeg ah.
3.
Bixitaanka Ciidammada Afrika ee Nabad
Ilaalinta (ATMIS) iyo Kalsooni yarida lagu qabo hogaaminta, kartida,
iyo dishibiilinka Ciidammada DFS ee u xilsaaran Amniga iyo difaaca dadka iyo
dalka. Dalalka Deriska waxay caalamka u sheegeen inay cabsi weyn ka qabaan
khataraha ka imaanaya Soomaaliya haddii ciidammada Afrikaanka ah baxaan, taaso qiil
u siineysa faragelinta Soomaaliya si ay isaga badbaadiyaan khatarahaas.
Dowladda Mareykanka waxay ku tilmaantay heerka khatarka Soomaaliya 4 ayadoo
khatarka ugu sarreysa tahay 5. Daraasad ka soo baxday Machadka Siyaasadda ee
Imaraadka bishaan Maajo 24, 2024, ciinwaankeedu yahay “Expansion of the Islamic State in
Puntland: A New Round of Jihadist Infighting in Somalia” waxay
dhigeysa in Soomaaliya tahay goob ay ku dagaalamayaan labada garab ee Argagixisada caalamka ee ku
kala abtirsada Al Qaacida iyo Dowladda Islaamka iyo in Dowladda
Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland kala goosteen xiriirka, isla markaana
ay taag daaran yihiin. Arrimahaas waxay cudurdaar u yihiin adeegsiga Cutubka
VII ee Axdiga QM.
4.
Dhaqaale xumo ka dhalatay arrimo
isbiirsaday oo ay ka mid yihiin qalalaasaha adduunka ka
taagan oo dhaliyay sicir barar, gulufka Ciribtirka Al Shabab, dhibaatooyinka
isbeddelka cimilada, dagaallo sokeeye, khilaafaadka siyaasadda, burcad
badeedka, deeq bixiyayaasha oo ka daalay (fatigue) taageridda Soomaaliya, natiijada
deyn cafinta oo macnaheedu yahay cun deyntii laguu cafiyay, iyo cunaqabateyn ka
timada maamulxumada deeqaha dibedda. Dowladda waxaa laga sugayay dhismaha ciidan iyo maamul hanta nabadgelyada
oo kharaj farabadan u baahan.
5.
Dagaalka Laas Canood iyo Hargeisa oo
saameyn xoog leh ku mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya. Waxaa kaloo dagaalkaas
ku lammaan nooca xiriirka dowladnimo ee Muqdisho-Laas Caanood- Garowe-Hargeisa-
ayadoo la fiirinayo qodobbada 1 (JFS), 7(dhulka JFS) , 8 (shacabka Soomaaliyeed), 9 (Magaala Madaxda
JFS), 48 (qaab dhismeedka DFS), 49
(Tirada DG) , iyo 50 ( Mabaadi’da ee JFS) ee dastuurka kmg. Hirgelinta Nidaamka
Federaalka waa inay taagerta midnimada JFS.
6.
Khilaafka ka taagan dhammeystirka
dastuurka kmg iyo diyaarinta doorasho xor iyo xalaal ah.
Dhammeystirka dastuurka kmg waa arrin lel mudnaanta kowaad, hase yeeshe waa
howl u baahan dadaal, daacadnimo, daahfuran, degdegsiimo, aqoon dhinacyo badan
ku saleysan. Dal kama jiri karaan labo dastuur ama dastuur 4 cutub ah iyo
dastuur 15 cutub ah. Dastuurka waa hal dokumenti, hal sharci.
7.
Khilaafka la xiriira Madaxweynayaal (hogaamiyayaal)
DG oo muddo xileedkoodii dhammaday, welina xukunka haysta.
Muddo kororsi waa bilowga fowdo.
8.
Saameynta Siyaasiin Soomaaliyed oo marti
u ah Dowlado shisheeye ee ka mid ah taagerayaasha Beesha Caalamka ee DFS.
Arrintaas waxay saameyneysa Madaxbannanida siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan
9.
Madax Soomaaliyeed oo dano siyasadeed,
dhaqaale, iyo amni ku leh dalalka deriska la ah Soomaaliya, dalalkaasoo
Soomaaliya ka leh dano qaran, taaso wiiqeysa ilaalinta danaha qaranka
Soomaaliya.
10. Heshiiska
Is afgaradka dhexmaray Hargeisa (Somaliland) iyo Ethiopia ee ku saabsan dhul,
saldhig ciidan badeed, iyo deked Ethiopia ku qaadaneyso dhulka JFS si Ethiopia
ugu aqoonsato Hargeisa dowlad gooni u goosad ah ee ka madaxbannaan Soomaaliya.
Heshiiska waa waxba kama jiraan. Haseyeeshe, dowladda Ethiopia waxay ku mashquulsan
tahay hirgelinta danaheeda ayadoo aaminsan in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad
qaran ee ay ka jirto dowlad qof ama qabiil. Wasiiru Dowladaha DFS wuxuu
sheegay in dowladaha reer Galbeed u guuxayaan in Ethiopia hesho dhul iyo bad ka
mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya, qaab sulux ah. Waxaa xusid mudan in
Dowladda Kenya oo heshiis difaac la gashay Soomaaliya aysan aqoonsan go’aankii
Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda (ICJ) ee badda Soomaaliya, taaso ah arrin welwelkeeda
leh. Warar ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ka shaqeyneyso in Soomaliya ka
tanaasusho qayb ka mid ah dhulka iyo baddaa loo xukumay.
11. Khilaafaadka
iyo is qabqabsiga ka dhex aloosan Madaxda DFS dhinac ah iyo DFS iyo Dowlad
Goboleedyada oo dhinac ah, taaso dhaawacday kalsoonida iyo
karaamada DFS. Dad badan waxay aaminsan yihiin in khilaafka u dhexeeya Madaxda
DFS yahay mid raalli laga yahay. Madax ka mid ah DFS waxay ka shaqeeyan
kooxeysi iyo fidno qabiil.
12. Khilaafaadka
laga dhex huriyay beelaha Gobolka Benadir, kaaso qabsaday
baraha bulshada, kana soo horjeeda nidaamka dowliga ah. Waxaa muuqda walaac iyo
niyad xumo ayadoo bulshada isweydiineyso ujeedada laga leeyahay kala isku dirka, kala
fogeynta, iyo colaadda sokeeye ee bulshada Soomaaliyeed.
13. Xiritaanka
Xafiska UNSOM oo loo asaasay inuu Soomaaliya ka taagero, kalana
taliyo dib u heshiisiinta iyo dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.
Xafiiska wuxuu tiir dhexaad u yahay helitaanka dhaqaale xoog leh si DFS iyo DG
u gaaran heer Soomaaliya uga gudubto xaaladda burburka dowladeed ee kalliftay
adeegsiga Cutubka VII ee Axdiga QM. Waxaa isweydin mudan in “Soomaaliya ka
gudubtay xaaladda nabadgelyo xumo iyo burbur dowladeed ee ku xusan cutubka VII?”
Wax ka qabashada mowjadaha dul
hoganaya DFS waxay u baahan tahay:
(1) hogaamin geed fadhi ah, dareensan
mowjadaha ku meegarsan Soomaaliya iyo danaha caalamka ee is diidaya, aaminsan dastuurka
kmg iyo habraaca dejinta siyaasadda dowladda, ku dheggan danta guud, iyo
(2) adeegsiga maamul guud oo karti leh, u
xilsaaran qorsheynta iyo fulinta wax qabadka dowladda, ku xisaaabtamaya la
xisaabtan dhab ah, ilaalinaya sharciga iyo danta guud. Haybadda dowladnimada Soomaaliya
waxay ku xiran tahay hab dhaqanka wanaagsan ee Madaxda astaanta u ah.
Madaxweynaha dalka Kenya
wuxuu ku celcelinaya inaan loo dooran inuu ka shaqeeyo dib u doorashadiisa ee
loo doortay horumarinta dadkiisa iyo dalkiisa. Waa tusaale Wanaagsan oo mudan
ku dayasho iyo ku camalfal.
Dr.
Maxamud M Culusow
[email protected]