7/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Soomaaliya: Sababaha Xagal Daaciyay Dadaalka Madaxweyne Dr. Xassan Sheikh Maxamud

By Dr. Maxamud M. Culusow
Thursday June 27, 2024

 

Doorashada Labaad Dr. Xassan Sheikh Maxamud Xilka Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) waxay aheyd dhacdo taariikhi ah, dadweynaha soo dhoweeyay si Soomaaliya uga gudubto xaaladda dowladnimada tabarta daran ee ragaadisay. Sababaha loo soo dhoweeyay doorashada labaad ee Madaxweyne Xassan waxaa ka mid ah:

1.    In Madaxweyne Xassan ballanqaaday inuu ka digtoonaan doono dhammaan qalalaadkii, dhallilihii, iyo maamulxumadii aafeeyay muddo xileedkiisii koowaad, taaso sababtay in dadweynaha Gobolka Benadir ay u dabaal-degaan guldarradisii doorashadii 2017, kuna farxaan doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo. Madaxweyne Xassan wuxuu ballan qaaday go’aan qaadasho dhellitiran, xulashada la taliyayaal (rakaab) sumcad iyo karti wanaagsan, iyo hadal iyo ficil is waafaqsan.

2.    In Madaxweyne Xassan xubin firfircoon ka ahaa mucaaradka dowladdii Madaxweyne Farmajo oo si joogta ah u tilmaami jiray maamulxumada, tacadiyada, iyo u shaqeynta dowlado shisheeye (puppet), sida ku keydsan warbaahinta Soomaaliyeed.  Muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo (2017-2022) waxaa xoogeystay damaca xukun kelitalisnimo joogto ah ee ku dhisan amar ku taakleyn, isbaheysi argagixiso, musuqmaasuq, iyo kala qaybinta bulshada. Aragtida dadweynaha waxay aheyd in xubin kasta ee mucaaradka ka mid aheyd ay ka fogaan doonto dambiyadi lama iloobaanka ahaa ee lagu eedeeyay Dowladdii Madaxweyne Farmaajo, lana dhirrigelin dono dhaqanka dowlad wanaagga iyo wax qabad dhab ah oo kalsoonida dadweynaha kor u qaada.

Labo sano kaddib, guuxa dadweynaha oo kooxo kala duwan afqaad u yihiin, wuxuu tilmaamayaa in dadaalka iyo ballanqaadkii Madaxweyne Xassan ay xagal daaciyeen sababo ay ka mid yihiin:

1.    Tixgelin La’aan kalsoonidarrada Shacabka Soomaaliyeed ka qabay Madaxda Sare iyo Xildhibannada Dowladda Federaalka (DFS) iyo rajoxumida hanaqaadka Dowlad waxtar ah. 20 Juun 2024, Wiil Taksiile ah oo 33 jir ah wuxuu ii sheegay “inuusan rajo ka qabin muddada noloshiisa iyo nolosha caruurtiisa in Soomaaliya ka dhalan doonto Dowlad wanaagsan, karti leh oo ka shaqeyneysa danaha dadka iyo dalka Soomaaliya.”  Tixgelinta kasbashada kalsoonida dadweynaha waa tiirka dhexaadka dowladnimada Soomaaliya.

2.    Kala fogaanshaha waxqabadka gaabiska ah, khilaaf abuurka ah ee DFS iyo Bartilmaameedka Higsiga 2026 oo ah “Soomaaliya oo ah dal mid ah, leh xukun baahsan, mideysan, dimoqradi ah, horumarsan, sharciga loo siman yahay, lugihiisa (awoddiisa) ku taagan, ka dhaceyso doorasho qof iyo cod, xilliyeysan, xor iyo xalaal ah.” Sababta loo aaneynayo kala fogaanshahaas waxay tahay tixgelin la’aan baaxadda iyo muhimadda dhammaan howlaha dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya iyo raacid la’aanta tilmaamaha dastuurka iyo maangalka toosan ee hogaaminaya howlahaas ballaaran ee dowlad dhiska shirkadda lagu yahay.

3.    Wax Ka Qabad La’aan Fowdada ka dhex jirta Hay’adaha Amniga DFS. Ma jiro isku xir shaqo wadaag iyo hogaamin ka dhexeysa hay’adaha Amniga her federal. Sidaa darted, sababta ugu weyn ee dib u dhaca gulufka ciribitirka Al Shabab waa fowdada hogaaminta dagaalka, is curyaaminta hay’adaha Amniga, iyo jiritaan la’aanta qorshe mideysan.

4.    Qalqalka Siyaasadda Arrimaha Dibedda DFS. Saddex dhacdo oo hoos ku faahfaahsan, caleemasaarka horjoognimada Kenya, saameynta Cutubka VII ee Axdiga QM, dhul iyo bad boobka Ethiopia, xiriirka iyo danaha is diidan ee dowladaha khaliijka ka leeyihiin Soomaaliya iyo geeska Afrika, Is dhinka deeqaha deeq-bixiyayaasha, Xasaradaha Adduunka ka socda, dhibaatooyinka haysta Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxay qalqal-gelinayaan madaxbannanida jaangoynta Siyaasad wax ku ool ah ee Arrimaha dibedda Soomaliya. Saddexda dhacdo waxay kala yihiin: I) Hadalkii Khadka telefoonka (1 Juun 2024) ku dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken iyo Madaxweyne Xassan Sheikh, kuna saabsanaa danaha amni ee ka dhexeeya labada dal sida qaboojinta xiisada Ethiopia iyo Soomaliya, ku howlanaanta la dagaalanka argagixisada, dhammeystirka qorshaha cidda beddeleysa ATMIS marka ay dalka ka baxdo, iyo tixgelinta ahmiyadad Xafiiska UNSOM; II) Ka qayb galka Madaxweyne Xassan Shirkii Oslo Forum ( Juun 11-12, 2024) kuna saabsan dhexdhexaadinta lama huraanka ah (Mediation Against All Odds), oo lagu xalaaleyay dhexdhexaadinta Al Shabab iyo DFS, ayadoo Madaxweyne Xassan 2 sano ka hor diiday taladaas, haseyeeshe Shirka hortiisa looga xaqiijiyay inuu oggol yahay dhexdhexaadintaas la filayo in dowladaha Qatar, Norway, iyo QM  hormud ka noqon doonaan;  iyo III) ka qaybgalka Madaxweyne Xassan Kulanka Guud ee ku saabsana Nabadda Ukraine ee lagu qabtay Geneva, Switzerland, 15-16 Juun 2024. Soomaaliya waxay ka mid aheyd 77 dal oo taageray Warmurtiyeedka Kulanka, halka 15 dal sida Sacuudiga, Imaraadka, India, South Africa ka gaabsadeen. Ruushka iyo Shinaha kama qaybgelin Kulanka ay dowladda Mareykanka horboodeysay, loogana soo horjeeday dagaalka u dhexeeya dowladda Ruushka iyo Ukraine. Waxaan shaki ku jirin in  Soomaaliya kala kulmi doonto cadaadis iyo dibin daabyo dalalka ka soo horjeeda  shirkaas.

5.    Tixgelin la’aan ra’yiga, cabashada, iyo guux maalmeedka dadweynaha oo tilmaan ka bixinaya falcelinta xilgudasho xumida DFS. Wax ka qabasho la’aanta guuxa dadweynaha waxay sababeysa niyad xumo, quus, iyo curyaamin. Bankiga Adduunka wuxuu dhowaan Soomaliya ka hirgeliyay Sahan Ra’yi (Country Opinion Survey) si uu u ogaado aragtida Daneeyayaasha (stakeholders) isugu jira Soomali iyo Ajnabi ay ka qabaan shaqada Bankiga Adduunka ka wado Soomaaliya.  Afarta arrimood ee sahanku ku saabsanaa waxay kala yihiin: 1. Aragtida guud ee Daneeyayaasha ka qabaan xaaladda Soomaaliya; 2. Dareenka guud ee laga qabo Bankiga; 3. Aragtida Daneeyayaasha ay ka qabaan waxtarka, natiijada, shaqada, shaqo aqoonta, iyo daahfurnaanta Bankiga; 4. Aragtida Daneeyayaasha ka qabaan kaalinta mustaqbalka ee Bankiga. Haddii Bankiga Adduunka sahminaayo ra’yiga Soomaalida iyo Ajnabiga ka qabaan xilgudashadiisa, maxaa la gudboon Madaxda DFS?

6.    Tixgelin la’aan itaal-darrida iyo dhib u dhaca dhismaha dowladnimada Soomaaliya ku sugan tahay. 12 sano waxaa qabyo ah dhismaha nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Shanta (5) guulo ee DFS ka sheegato fagaarayaasha, kuwaasoo kala ah deyn cafinta, qaadista cunaqabteynta hubka, ku biiridda Ururka dalalka Afrikada Bari, iyo doorashada kursiga Golaha Ammaanka 2025-2026, gulahaasoo mudan aqoonsi, haddana waa guulo aan waxba ka beddelin xaaladda aadka u liita ee Soomaaliya ku sugan tahay xagga nabadgelyo xumida, maamulxumada dowladnimo (bad governance), argagixisada caalamiga ah, shaqo la’aanta, iyo saboolnimda. Adduunka wuxuu ku mashquulsan yahay in Soomaaliya loo helo Ciidammo nabad ilaalin ah iyo gargaar bani’aadannimo gaaraya $1.6 bilyan. Wakiilka Xoghayha Guud ee QM wuxuu Soomaalida ugu baaqay wada hadal, wada shaqeyn ku xallinayaan khilaafadkooda, kuna gaarayaan heshiis wadareed. Waxaa loo baahan yahay dhaqan dowladeed hadalka u beddeleya wax qabad xaqiijinaya midnimada, nabadgelyada, horumarka iyo maamul wanaag Soomaaliya. Sidaa darted, gguusha dhabta ah ee wax ka beddeleysa xaaladda liidata ee dalka oo muraayadiisu tahay Caasimada Muqdisho waxay ku xiran tahay dhismaha dowlad karti leh ee xaqiijisa higsiga 2026.

7.    Ku tilmaamidda DFS “Madax Ka Nool,” One-Man Government.” Safarrada Madaxweynaha JFS aan caadiga aheyn waxaa ka dhashay kala soocid la’aan xilalka Madaxweynaha, RW, Wasiirrada, Xoghayayaasha, Agaasimayaasha Guud, Agaasimayaasha, iyo La Taliyayaasha, iyo xilalka kala duwan ee hay’adaha dastuuriga ah, waxayna su’aal geliyeen baahida jiritaanka hay’adaha dowladda iyo takhasuska shaqo ee hay’ad kasta loo abuuray, iyo mas’uuliyadda jaranjaro iyo isku xirnaan ee shaqooyinka dowladda. Madaxweynaha JFS iyo Barlamaanka Federaalka ayaa u xilsaaran Jiheynta siyaasadda dalka, karti siinta hay’adaha dowladda, iyo mas’uuliyadaha dabagalka iyo la xisaabtanka Xilgudashada RW, Wasiirrada, Saraakiisha, Shaqaalaha, iyo Ciidammada dowladda si loo xaqiijiyo wax qabadka qof iyo hay’ad kasta ee dowladda.  Hagaajinta Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, hantida, shaqaalaha, Ciidammada dowladda ayaa asaas u ah la dagaalanka argagixisada, nabadgelyo xumidda, musuqmaasuqa, cadaalad-darrada, shaqo la’aanta, iyo fulinta shaqo-dowladeed ku saleysan sharci iyo habraac maamul ee loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Dr. Maxamud M. Culusow
[email protected]



 





Click here