2/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
CIIL QABE Fahad Yassin oo ku sannifay Hiil Walaal Madaxweynaha Jabuuti Ismacil Cumar Gelle
By Dr. Maxamud M. Culusow
Tuesday February 6, 2024

 

Waxaan baraha bulshada ka akhriyay qoraal Ciil qabe Fahad Yaasin ku ihaaneynayo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Hiil Walaal Ismacil Cumar Gelle, qoraalkaasoo cinwaankiisu yahay “CIIL WALAAL ISMACIIL CUMAR GEELLE,” iyo jawaab celin dhalliil ah ee uu qoray Abukar Albadri, cinwaankiisu yahay “ FAHADOW! Wayso nin ay u dhawrneyd ayey ka jabtaa!!!”

Inta aanan wax ka oran labada qoraal, waxaan qabaa in akhristayaasha qoraalka Ciil Qabe Fahad Yaasin ay xaq ugu lahaayeen inuu siiyo qiraal daahfur ah “disclosure” ee ka run sheegaya gocashooyinka sababay qoraalkiisa, kuwaaso ay ka mid yihiin:

1. Inuu ahaa shakhsiga ku soo kordhiyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya xilka, awoodda, iyo magaca “Milkiilaha” oo ah shakhsi aan la dooran, haseyeeshe iska leh go’aanka kama dambeysta ah ee dowladda, kana awood sarreeya Madaxweynaha la doortay. Fahd Yaasin waxaa 2017-2022 loo yaqiin Milkiilaha Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo saddexda Dowlad Goboleed ee kala ah Galmudug, Hirshabelle, iyo Koofur Galbed. Waa adag tahay ka gudubka xanuunka luminta xilkaas ay adag tahay in mar dambe la helo.

2. Inuu ahaa wakiil/shaqaale (agent) dowlad shisheeye si aan qarsoodi aheyn oo dhaqaale, taagero diblomasi, iyo sir gelisay. Wuxuu ahaa lama arkaan sida hogaamiyaha Al Shabab, taaso khilaafsan nidaamka dowliga ah.

3. Inuu ahaa mas’uulkii hal subax dhammaan ciidankii NISA kala diray sharci la’aan, kaddibna qortay ciidan uu xushay si qalad ah, taaso ka baxsan dhaqanka dowladnimo ee ku tilmaaman dastuurka iyo sharciyada. Wuxuu kaloo mas’uul ka ahaa 5,000 dhallinyaro Soomaaliyeed oo si qarsoodi ah tababar ciidan loogu qaaday Eritrea. Waa takrifal abuuray mushkilado badan, una baahan baaritaan iyo saxitaan qaadanaya sanooyin.

4. In Dowladda Jabuuti oo tixgelineysa codsi uga yimid RW hore Maxamed Xussein Roble oo mas’uul ka ahaa dowladda federaalka xilliga kala guurka dhammaadka muddo xileeedkii dowladii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo, codsigaasoo ahaa in Fahad Yaasin ku soo noqon dalka, ay Jabuuti ku hakisay diyaaraddii uu saarna si looga reebo diyaaaradda, rakaabka kalena u gudbaan Muqdisho, haseyeeshe ugu dambeyn waxaa la doorbiday in diyaaraddii iyo rakaabkeeda oo dhan dib loogu celiyo dalka Turkiga. Sababtu waxay aheyd in xaaladda dalka mareysay meel halis ah. Kaddib markii uu aqbalay inuu joojiyo fidnada ayaa Dowlad Ajnabi ah Fahad keentay dalka.
RW Roble wuxuu Shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirrada ee dowladda federaalka May 2022 ka sheegay in dhibka iyo qalalaasaha gaaray dagaal sokeeye sabab u ahaa Fahad Yaasin oo ahaa Milkiilaha Xukunka Madaxweyne Farmajo.

5. Inuu kursi xildhibaan ka soo boobay Beledweyne oo ay joogeen Ciidammada Dowladda Jabuuti ee loo yaqaan “Hiil Qaran,” walow ugu dambeyn kursigaas laga celiyay. Shacabka reer Beledweyne waxay ilaa maanta iloobi kari la’yihiin in habeenkii 22 Maarso 2022 iyo subixii doorashada boobka ah ee kursiga Fahad Yaasin dhaceysay, magaalada Beledweyne la saaray bandow ayadoo meydad iyo dhaawac tiro badan meelo kala duwan daadsanaayeen qarax dhacay darted, qaraxaaso dadkii ku dhintay ay ka mid aheyd xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi oo u doodeysay marxuumad sarkaalad Ikram Tahlil oo dilkeeda lagu eedeynayay NISA. Waxay aheyd Arxan darro lama ilooban ah.

6. Inuu ahaa Maskaxda ka dambeysay dhismaha dowlad koox keligi talis ah, mayal adag hogaamineyso, ayadoo la adeegsanayo siyaasad ku dhisan aargoosi, maquunin, dil, iyo laalush, kooxdaasoo haysata taagero gaar ah ee diblomasi iyo dhaqaale ee dowlado ajnabi ah. Waxaa la gaaray isku dayga ka takhaluska madaxweynayaal, madax kale, iyo siyaasiin mucaarad ahaa, taasoo dhashay burburkii dowladdii federaalka iyo dagaal sokeeye.

7. Inuu Ciidammadii dalka, gaar ahaan NISA u qaybiyay milishiyad ( paramilitary) magacyo kala duwan wata, si aan loo dhisin ciidan tayo leh, mid ah, taaso ka soo horjeeda dastuurka iyo nidaamka dowladnimo. Wuxuu kaloo horseed ka ahaa u adeegsiga ciidammada arrimaha siyaasadda iyo isku milanka Shabab iyo Dowladda federaalka.

Taarikhda ayaa qoreysa dadaalka muddada qaadanaya ee hay’adda NISA dib loogu dhisayo si ay u gudato xilalka culus ee ku xusan dastuurka iyo sharciyada gaarka u ah. NISA waxay mareysa heer kala dambeynta iyo u hoggaansanaanta nidaamka dowladnimada ay meel fiican mareyso, walow culeysyo badan haystaan. NISA waxay ku mashquulsan tahay ku takhasuska gudashada xilalkeeda sirdoonka, la dagaalanka argagixisada, adkeynta nabadgelyada, iyo ka gudubka dhaqammada haraadiga ah.

Intaa kaddib, qoraalka Ciil qabe Fahad Yaasin wuxuu u qaybsan yahay labo qaybood: qaybta koowaad waxay ku saabsan tahay xeeladda shirqool ee Madaxweyne Ismaacil u allifay hirgelinta heshiiska sharcidarrda ee dhexmaray RW Ethiopia Abiy Axmed iyo Madaxweyne Muuse Biixi ee Maamulka Soomaliland oo sharciyan ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo fashilintiisa dambe iyo qaybta labaad oo Fahad ku ijaafeynayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismacil Cumar Gelle.

Qaybta koowaad wax ka soo qaad ma lahan, waayo waa sheeko quraafad ah oo aan marna laga fileyn shakhsi soo qabtay xilalka Fahad Yaasin soo qabtay 2017-2022 sida taliyaha NISA, La Taliyaha Amniga ee Madaxweynaha JFS, iyo Agaasimaha Guud ee Xafiiska Madaxweynaha JFS, iyo xilka ugu sarreeya dalka oo ahaa “Milkiilaha DFS.” Waa sheeko aan wax xikmad ah ku jirin, qof qaangaar ahna ka gariirayo, ka caroonayo. Heshiiska Abiy iyo Muse Biixi wuxuu halis ku yahay jiritaanka Jabuuti.

Abukar Albadri ayaa si fiican u ifiyay arrimaha faraha badan ee beeninaya eedeynta Fahad ee ah in Madaxweyne Ismacil mar walba doonayo in Soomaliya ku jirto qalalaase joogto ah. Ma jirto dan Madaxweyne Ismacil ugu jirta arrintaas.

Ciil Qabe Fahad Yaasin wuxuu u eg yahay shakhsi ku xeeldheer alifaadka sheekooyinka shirqooolka iyo mu’aamaraadka ah, waayo sheekada uu ka allifay heshiiska Abiy iyo Muuse waa mid caqliga caadiga diidayo. Waxa keliya ee wax ka soo qaadka leh waa dhammaadka sheekada qiyaaliga ah, dhammaadkaasoo ah in Madaxweyne Ismacil Cumar Gelle fashiliyay heshiiska Abiy iyo Muuse Biixi ayadoo uusan wax dhiig ah ku daadan.

Soomaali ayaa mas’uul ah maareynta danaheeda iyo Mustaqbalkeeda. Fahad ayaa ka mid ah shakhsiyaadka helay fursadaha ay wax ugu qaban karaan dadkooda iyo dalkooda, haseyeeshe ka doorbiday inay ku mashquulaan ku tumashada dastuurka, sharciga, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo si ay ugu nagaadan haysashada xukunka hab sharci darro ah.

Madaxweyne Ismacil Cumar Gelle wuxuu mar kasta ku dadaalaya ilaalinta danaha dadkiisa iyo dalkiisa oo ah waajib saaran. Isla markaa Madaxweyne Ismaacil, Madaxda iyo Shacabka Jabuuti waxay muujiyeen jeceylka ay u qabaan Shacabka Soomaaliyeed, waxayna xeyn daab adag u dhigeen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya. Jabuuti waxay u hiilisaa danta guud ee Soomaaliya, waxayna mar kasta heegan u tahay in Soomalidu soo hirsato markii dhibaato la soo gudboonaato. Jabuuti marna laguma eedeyn taageridda gooni u goosiga Somaliland iyo lugooyada Dowladda Soomaaliya. Go’annnada ku saabsan Soomaaliya waxay ka soo baxaan Golaha Ammaanka ee QM, dowladda Ingiriska ayaa ka ah qalin haye (Penholder).

Qaybta labaad ee Fahad ku eedeynayo Madaxweyne Ismaciil Cumar Gelle wuxuu cuskanaya shan (5) arrimood ee eedeyntiisa shakhsi saldhig u ah. Kow, Fahad wuxuu caddeynaya inuu qabo in taagerada Jabhadihii ka soo horjeeday dowladii AUN Madaxweyne Maxamed Siyad Barre ay aheyd dambi weyn. Fahad wuxuu dhashay 19 Luulyo 1978, ma aheyn shakhsi la socday, qiimeyn kara xaaladda Sooomaaliya ku sugneyd marxaladdas iyo sababaha ka dambeeyay kacdoonnada dhacay. Waxaase dhab ah in “Fahad Yaasin aad ugu dadaalay 2017-2022 soo nooleynta dhaqankii xukunkii kacaanka ee sababay abuuritaanka Jabhado hubeysan iyo burburkii qarankii Soomaaliyeed 1991.”

Qaladka u baahan saxitaan waxay tahay eedeynta la xiriirta in fikirka Shirkii Carta, Jabuuti ee 1999-2000 uu lahaa AUN Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ee Somaliland. Cid kasta oo wax garad ah waxaan garan kartaa in danta Soomaaliyeed ay ku jirtay shirka Carta, waayo dowladda Jabuuti ma qabin fikirka kala go’a Soomaaliya, isla markaana waxay aheyd dowlad xubin ka ah Qarammada Midoobay, kuna hawl gashay go’aanka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay.

AUN, Madaxwyne Cigaal wuxuu ahaa siyaasi bisil, daacad u ahaa dadkiisa uu madaxda u ahaa, u howlgalay si hagar la’aan ah dhismaha dowladda gooni u gooska Somaliland oo aan haysan aqoonsi caalami ah. Shir ka dhaca Boorama kama soo bixi karin midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo mataleysa Soomali oo dhan oo ay ku jirto Somaliland, isla markaana beesha caalamka aqoonsan tahay.

Hadallada socday 1999 iyo 2000 waxaa ka mid ahaa in Madaxweyne Cigaal marar badan loo jeediyay inuu noqdo Madaxweynihii ugu horreeyay ee dowladii KMG, isla markaana loo ololeeyo in Hargeisa ama magaalo Somaliland ka mid ah Caasimad laga dhigo, haseyeeshe Madaxweyne Cigaal diiday, waayo ma rabin inuu ku ballan furo shacabka Somaliland oo ku dhawaaqay gooni u istaag ama goosasho.

Mucjisooyinka la yaabka ah ee dhacaya waxaa ka mid ah in Fahad Yaasin oo sida Abukar Albadri tilmaamay “aysan wayso u dhawrneyn,” ahaa, welina ah shaqaalaha dowlad shisheeye iyo sharci diide, isla markaana huwanaya shaar dan Soomaaliyeed iska dhaadhiciyay inuu baacsado Madaxweyne Ismacil Cumar Gelle oo 25 sano ka shaqeynayay hiilka Ummmadda Soomaaliyeed si ay u hanato maamulka iyo difaaca dadkeeda iyo dalkeeda. Shanta (5) sababood ee raqiiska ah ee Ciil qabe Fahad Yaasin cuskaday ayaa muujinaya in Madaxweyne Ismacil Cumar Gelle ka hufan yahay hagardaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Haddii Soomaali ka bixi weysay is qabqabsi, xukun maroorsi, musuqmaasuq, cadaalad darro, waxaa qasab ah in mar kasta la raadiyo xal loo arko badbaado iyo shiddo yari. Xilka dowladda Jabuuti oo ka mid ah beesha caalamka wuxuu yahay raadinta xal la isla oggol yahay oo lagu badbaadiyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya oo weli dheelineysa.

Midnimada iyo horumarka dhismaha dowladnimada, nabadgelyada, iyo dhaqaalaha Soomaaliya waxay ku xiran yihiin Shacabka Soomaaliyeed oo hela hogaamiyayaal daacad ah, wadaniyiin ah, karti iyo aqoon leh, aamin ah, xilkas ah, u hoggaansan awaamirta diinta islaamka iyo shuruucda lagu heshiiyay.

Waa in xukunka Soomaaliya laga ilaaliyo kuwa la siiyay ama helay fursado ay ugu adeegaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed haseyeeshe ku takrifalay awooddii la siiyay, kana leexday dariiqa saxa ah ee toosnaa.

Ciilka uu qabo Fahad Yaasin waxay aheyd inuu u jiheeyo RW hore Maxamed Xussein Roble oo asagoo ahaa Milkiilaha Dowladda ka qaaday xilka Taliyaha NISA amar diido darted kaddib dilkii Sarkaalad Ikram Tahlil oo hay’adda NISA lagu eedeeyay.

Madaxweyne Ismaciil Cumar Gelle iyo Madaxda iyo Shacabka Jabuuti waxay Ummmadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin mahadcelin badan, abaal hayn, xushmad, iyo kalgacal joogta ah ee taarikhda gala.

Dr. Maxamud M. Culusow


 





Click here