5/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
AMBAQAADKA TAARIIKHDA IYO TARANKA XOOGGA DALKA
-Dulmar Kooban: Saraakiil iyo Ciidan-
London, 12/04/2024 (Hiiraan Online)



 

HORDHAC

Muddada daraasaddu waxay ku kooban tahay 1961-kii iyo kahor, sabab aan hoos ku sheegidoono awgeed. Cid kasta damacda in ay war ka qorto tariikhda iyo taranka “Xoogga Dalka” kama gaabsan karto in ay dib u milicsato wixii dhankaas ka qabsoomay kahor Gobanimada 1960-kii iyo midoowgii labada Gobol:

Waqooyi iyo Koofur.

Maamulkii Fashiistaha Talyaaniga

Qorshaha Dawlaaddii Fashiistaha Talyaaniga ayaa ahaa in awoodeeda ay ku ballaariso Geeska Afrika: Somalia, Eritrea iyo Abisiiniya.

Si Talyaanigu damacaas uga dhabeeyo, isla markaana dagaalka guul uga gaaro wuxuu qortay oo diyaarsaday ciidamo Soomaaliyeed ku caanbaxay magaca “Duubcad” oo haddii magaca si kale loo dhigo noqonaya “Ciidankii madax-duubka caddaa”.  Asagoo intii dagaalku socday qaab abaabul dagaal (War mobilization) u qortay ciidamo kale loo bixiyay “Baando”.

Qorshahaasi Talyaaniga waa u hirgalay, kadib dagaal socday 3-dii Oktoobar 1935 ilaa 5-tii Maajo 1936, taasoo ah maalintii meel fagaaro ah magaalada Rooma looga dhawaaqay in Itoobiya ay si buuxda uga mid noqotay Boqortooyada Talyaaniga Geeska Afrka (East Africa Italian Empire).

Talyaaniga damaca iyo qorshaha qabsashada Itoobiya waxaa u dheeraa inuu, si xasuusreeb ah, uga jawaabo jabkii iyo guuldaradii kasoo gaartay dagaalki buuraleyda Adwa (waqooyiga gobolka Tiray) 1-dii maarso 1896, kadib markii uu Itoobiya kasoo weeraray dhanka Eritrea. 

 Talyaanigu kadib markii uu ku qancay kartida dagaalka iyo adkeysiga ciidanka “Duubcad” oo ka koobna adhallinyaro kasoo jeeda dhamaan dhulka Soomaalidu degto, ayuu si rasmi ah ciidankaas uga mid dhigay ciidamada u diwaangashan (Italy colonial troops). Fikradda aasaaska ciidanka “Duubcad” waxa lahaa “Cesare de Vecchi” Maamulihii (Governor) Soomaaliya intii u dhaxesay 1923-1928.

Koofurta Soomaaliya iyo Maamulkii “AFIS”

Maamulka AFIS (Amministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia), waa Hay’addii Qaramada Midoobay (UN) u xilsaartay diyaarinta iyo gobanimo-gaarsiinta koofurta Soomaaliya, ayadoo muddo toban sano ah (1950-1960), dalka iyo dadka koofurta Soomaaliya laga dhisayay, dhanka:

1) Aqoonta

2) Kaabayaasha dhaqaalaha

3) Xirfadda gacanta iyo waayo-aragnimada

4) Haykalka dawladnimo iyo tiirarka uu ku taagan yahay

5) U bislaynta ummadda hanashada Maamul Dawladeed dhameystiran.

Talyaanigu wuxuu xilkaas la wareegay 1-dii Abriil 1950, hase yeeshee Maamulka AFIS wuxuu si buuxda, rasmi ah u hawlgalay 22-kii Disheembar 1951.

Dib-u-dhaca hawl-galka Maamulkii AFIS, waxaa sababay arrimo isbiirsaday, sida:

1) Diyaarinta heshiiska damaanadda Talyaaniga iyo Qaramada Midoobay oo waqti qaatay.

2) Dhibaatooyin ka jiray dalka Talyaaniga gudihiisa xagga Siyaasadda iyo dhaqaalaha (Waxay ka guureen habka Boqortooyada lagu bedelay Jambuuriyad).

Intaasi, arar ahaan noogu filan inaan sawir guud ka haysano xaaladdii ka jirtay dhanka koofurta iyo labadii marxaladood ay soo martay, si weyn uga duwanaa Maamulkii Ingiriiska ka jiray dhanka Gobolada waqooyi.

DULUCDA DARAASADDA

Koofurta Soomaaliya

Maamulkii Talyaaniga AFIS imaantinkiisi koofurta Soomaaliya wuxuu la yimid Ciidan tiro ahaan aad u badnaa si weyn u qalabaysnaa, waayoo wuxuu shaki weyn ka qabay in dhanka Xabashida uu kala kulmi karo xiiso colaad iyo dagaal.

Talyaaniga iyo Itoobiya waxaa u horeeyay dagaallo (kii 1aad Buuraleyda Adwa, kii 2aad 1935) iyo muran dhanka xuduudda ah oo dacwadiisu meelo fog gaartay.

Sidaas awgeed, qorshihii iyo waxqabadkii ugu horeeyay Maamulkii “AFIS” waxaa ka mid ahaa inuu Xarun tababar Ciidan ka dhigtay saddexda degaan kala ahaa:

Warshiikh, Cadale iyo Dhanaane aan dhamaantood ka fogeyn Xamar, labada hore xeebta ka saran dhanka waqooyi, halka Dhanaane ay xeebta ka saran tahay dhanka koofureed, kadibna:

a) Wuxuu dib u soo xareeyay (u yeeray) Ciidankii Soomaliyeed ka qaybgalay dagaalkii 2-aad Talyaaniga iyo Itoobiya (Second Italo-Abyssinian War) sanadkii 1935. Ciidankaas, tiro ahaan, badnaa wuxuu Talyaanigu ka xushay intii qancisay xagga da’da iyo aqoonta.

b) Wuxuu baafiyay inuu qoranayo ciidan cusub asagoo tababarayaal ka xushay ciidaankii dib loogu yeeray (fiiri xarafka sare “a”).

Sidaana waxaa ku dhismay ama ku hanaqaaday Ciidan loo bixiyay “Ciidanka Ammaanka”, Soomaalidu u taqaan “Xiisaanlay”.

Magaca Xiisaanlay wuxuu ka yimid ayadoo labiskooda uu ka mid ahaa maro “Xiisaan” suunka hoostiisa ugu duuban, waa nooc maro ka samaysan dun u qaab eg  midda “Shaalka”.

Xiisaanlay wuxuu ahaa Ciidan Milateri lahaa tiro, aqoon iyo tabar fiican, kaasoo xilli dambe lagu sameeyay dib-u-habayn iyo tiro-dhimis ay kalliftay duruufo dhaqaale ka jiray dhanka Dawladda Dhexe Talyaaniga.

Ugu dambayn Ciidanka Xiisaanlay waxaa lagu soo koobay saddex Urur: 

- Ururka 1-aad: Xaruntiisa Muqdisho, wuxuu lahaa Xiisaan guduudan (casaan).

- Ururka 2-aad: Xaruntiisa Baidhabo wuxuu lahaa xiisaan cagaaran.

- Ururka 3-aad: Xaruntiisa Beledweyne wuxuu lahaa xiisaan huruud ah (yellow) leh diilimo ama mardimo is jaraya (zig-zag) guduud iyo bluug ah.

Muddo kadib, Hay’adda “AFIS” ayadoo ogolaasho ka haysata Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo midda GaashaandhiggaTalyaaniga, ayaa Maamulihii Koofurta Soomaaliya Mudane Enrico Anzilotti soo saaray saddex Dakareeto 16, 17, 18 ay ku caddahay in laga bilaabo 1-da Jannaayo 1956:

1) Ciidanka Xiisaanlay la baabi’iyay.

2) Ciidanka Talyaaniga la hawlgalayay Ciidanka Xiisaanlay dib loogu celinayo dalkiisa.

3) Ciidanka Xiisaanlay ku biirayo Ciidanka Booliska, ayadoo la raacayo awaamir,

hab-dhaqan iyo tilmaamo gaar ah, kasoo bixidoona Xafiiska Maamulaha Koofurta Soomaaliya.

Magacii hore Booliska ahaa “Corpo di Polizia della Somalia” waxaa la siiyay eraybixin cusub ah “Forza di polizia della Somalia” asagoo ka kooban laba qaybood kala ahaa:

1) “Polizia Territoriale” Booliska degaanka, leh Talisyo heer Gobol iyo Degmo, hadda loo yaqaan “Booliska istiishimada ama Booliska Nabadgalyada Gudaha”. 

2) “Polizia Mobile” waa noc u qalabeysan qaab milatari, leh awood uu ku dhaqaaqo kuna hawgalo “Rapid action Force”.

Waxaa xusid mudan in Ciidankii loo yaqaanay “Xiisaanlay” kahor inta aanay ku biirin Ciidanka Booliska, Maamulkii AFIS fuliyay labo arrimood:

a- Waxaa la ruqseeyay kuwii gaboobay (da’ ahaa) u badnaa Sarkaal xigeyn, gaar ahaan Xarigleyaal (Isbatoore). 

b-Intii soo hartay waxa la kala dooransiiyay labada Boolis midda ay jecel yihiin inay ku biiraaan.

Hase yeeshee, fursadaas kala doorasho lama siin kuwii aqoonta u lahaa ama ku qornaa hubka miisaanka dhexe ama culus, balse, ayagu waxay ku qasbanaayeen inay ka mid noqdaan “Polizia Mobile”.

Ciidanka loo bixiyay “Polizia Mobile” asagoo tiro ahaan gaaraya, qiyaastii, ilaa 1,500 ayuu bud-dhig u noqday dhismaha “XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED”, aasaaskiisu ku taariikheysan yahay 12 Abriil 1960.

Waqooyi “British Somaliland”

Dhismaha Ciidanku wuxuu ku bilawday cutubyadii loo yaqaanay “Camel Corps”, Ingiriisku qoray 1914 si ay uga qayb qaataan sugidda xasiloonida degaanka.

Tiro ahaan waxaa la sheegaa in, xilligaas, ay ahaayeen 554 dhallinyaro degaanka laga soo xulay. Waxaa loo qaybiyay affar Horimood kala ahaa:

- Hal Horin Rakuubley 

- Saddex Horin ciidanka lugta

Sanadkii 1948 ayaa Ingiriisku qoray ciidan cusub ayadoo magacii Ciidanka loo bedelay “Somali Scout”, sidoo kale, Ingiriisku wuxuu 1957 qoray ciidan kale.

Intii aan la gaarin xilligii gobanimada 26 Juunyo 1960, Dawladda Ingiriisku waxay Ciidanka  “Somali Scout” kala dooransiisay inay ruqso rabaan, ayadoo la xaqsiinayo, iyo inay Ciidanka ka sii mid noqonayaan.  

Ciidanka Gobolada Waqooyi, gobanidama iyo isku darkii labada Gobol kadib, ka mid noqday Xoogga Dalka waxaa tiradiisa lagu sheegaa ku dhawaad 1,000.

CIIDAMADA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED (CXDS)

Sida aan marar badan ku xusay qoraaladeyda, runtii la iskuma diidana doodina kama taagna in, guud ahaan, CIIDANKU yahay udub dhaxaadka jiritaan:

1) Dawlad awood leh

2) Sharci laga baqo loona hoggaansamo.

3) Ka difaacidda dalka iyo dadka, cadawga dibadda iyo gudaha.

4) Daryeelka, taakuleynta iyo gurmadka bulshada marka ay jirto masiibo Rabbaani ah, sida abaaraha, fatahaadda iyo duufaanada ama mid dadku sababay sida colaad beleedka ku saleysan aano qabiil, daaq iyo degaan.

Mar haddii aan si kooban u qodobeyay u sheegay doorka iyo mudnaantiisa, aan siiyo qeexitaan kooban, waxa uu yahay CIIDAN?

“Waa awood wadareed ka kooban Dad, Hub, Qalab iyo Xeer adag, si habeysan, tab iyo aqoon leh, loogu diyaariyay fulinta waajibka ugu culus shaqsi qaadi karo oo ah in nafta loo huro Qaranka loo dhartay difaaciisa”.

Ururadii asalka u ahaa dhismaha Ciidamada XDS

Xoogga Dalka wuxuu ku bilaawday qaab-dhismeed Ciidan baaxaddiisu ku siman tahay heer Urur (battalion). Waxaa ka mid ahaa:

- Muqdisho: Ururka Gama’diid

- Hargeisa: Ururka Birjeex

- Burco: Ururka Guulwade

- Beledweyne: Ururka Qaybdiid

- Baydhabo: Ururka Libside

- Gaalkacyo: Ururka Dayax

Ciidankii Cali Boobaaye 1960

Soomaalidu waxay tiraa: “Nin geedo tiriyay oo GALOOL ka tagay waxba ma sheegin”.  Haddaba, Xooga Dalka ayaan wax ka qorayaa mana xusayo Ciidankii la magic-baxay “Cali Boobaaye”, ma aha mid la garwaaqsan karo, akhristuhu iga ogolaanayo.

Marka laga fiiriyo xagga tirada dhiboow isku mar la qoray iyo tayada qofeed lagu xushay, Ciddanka “Cali Boobaaye” wuxuu noqday bilicda ilqabatinka leh iyo

udub-dhexaadka dhismaha Xoogga Dalka.

Waxay ahayd xilli gobanimadi soo dhawaatay, dhallinyarada miyigu si weyn u danayneysay isbedel nololeed, ayagoo u arkayay in nolosha magaalo tahay mid ka fudud kana fiican midda miyiga, ayadoo laga filan karay ididiilo iyo mustaqbal fiican. 

Ra’iisul Wasaare Cabdullaahi Ciise Maxamuud ayaa 12/04/1960 u asteeyay inay noqoto maalinta Ciidanka Xoogga Dalka, asagoo 06/04/1960 saxiixay dekereeto ku saabsan dhismaha iyo magac-bixinta “Xoogga Dalka Soomaaliyeed”.

Ciidankaas oo tiro guud ahaa 2,000 (laba kun) waxaa laga soo qoray degmooyinka koofurta Soomaaliya, ayadoo xulashada lagu saleeyay shuruudo iyo hab-raac adag xagga: “Da’da, caafimaadka, dhismaha jirka, joogga (dhererka), ballaca xabadka iwm”. Qoridda iyo qaadashada dhallinyaradaas waxaa la bilaabay bishii nofeembar 1959, isla markaana waxaa dhammaantood xereda “Bottega” hadda loo yaqaan “Xalene” lagu soo xareeyay 1-dii Janaayo 1960.

Waxa loo qaybiyay 8-di Horimood, ayadoo mid walba loo magacaabay Taliyaha ku feer qoran (hoos kala soco).

Guud ahaan, waxa Xarunta tababarka xereda “Bottega” taliye ka ahaa G/le Dhexe Maxamed Caynaanshe Guuleed.

Siddeedii Sarkaal loo magacaabay in ay noqdaan Taliyeyaasha dhibawgii “Cali Boobaaye” waxay kala ahaayeen:

- Horinta 1-aad: Dhamme Maxamed Cali Samantar

- Horinta 2-aad: Dhamme Salaad Gabeyre Kadiye

- Horinta 3-aad: Dhamme Maxamed Faarax Xasan (Caydiid)

- Horinta 4-aad: Dhamme Cilmi Nuur Tareey

- Horinta 5-aad: Dhamme Cabdalla Maxamed Faadil

- Horinta 6-aad: Dhamme Abuukar Gacal Muudeey

- Horinta 7-aad: Dhamme Abuukar Xasan Weheliye (Suulaleey)

- Horinta 8-aad: L/Xiddigle Cabdulqaadir-dheel Cabdulle Islaan

Sagaal bilood hawl adag ah, kadib, waxaa tababarkii la soo gunaanaday bishii Oktoobar 1960.

HOGGAAMINTA XOOGGA DALKA SOOMAALIYEED

 - Saraakiil-

Laga soo bilaabo 12-kii Abrille 1960, ku suntan dhismaha iyo magac-bixinta Xoogga Dalka, waxaa heerarkiisa kala sareeya si firfircoon majaraha hoogaaminta u qabtay, isla markaa la dhihi karaa waxay ahaayeen shubka adag ee aasaaska XDS (Army basement concrete building) Leyli Sarakiishii dibadda iyo gudaha wax ku bartay

1961-kii iyo kahor.

Sababta aan mudnaan gaara u siiyay 1961-kii iyo kahor waxay tahay:

1) In Africa uu ka jiray, xilligaas, dhaqdhaqaaq gobanimadoon baahsan.

2) In qofka Soomaaligaa dareenkiisa ku waynayd Gobanimo iyo Soomaaliweyn mid ah, taasina u baahnayd awood Ciidan iyo Saraakiil tab iyo aqoon ku hoggaamisa.

3) In Saraakiishaasi tusaale ku dayasho leh iyo dhiirigalin u noqdeen in dhallinyaradii waxbaratay, intoodi xilligaas ugu fiicnayd, dooratay kaalinta ama doorka Sarkaalnimo ee hoggaaminta Ciidanka.

Runtii ma sahlana in la helo Saraakiishaas tiradooda iyo magacyadooda oo dhammeystiran, sababo la xiriira xaaladda iyo marxalad-taariikheedka dalku soo maray ku suntan burbur aan waxba hambayn.

Taas awgeed, kaashiga qoraalka hoose wuxuu, intiisa badan, ku salaysan yahay wareysiyo aan la yeeshay shakhsiyaad kooban aan ku tuhmayay xasuus iyo

xog-ogaalnimo, kuwaasoo aan xiriir kala sameeyay Qaarado iyo degaano kala fog. Waxaa halkaan hoose ku xusan, magacyada qaar ka mid ah, Saraakiishii muddada qormadu ku saabsan tahay (1961 iyo kahor), u qoran:

1) Liiska magacyada Leyli/Sarkiil wada socday.  

2) Sanadka bilawga tababarka 

3) Dalka loo aaday waxbarashada   

 

1) CIIDANKA DHULKA

KOOFUR:

Leyli Saraakiishii Gobanimada kahor, intii u dhaxeysay 1952 ilaa 1959, Tababar Layli/Sarkaal dibadda iyo gudaha ku qatay, waxay ahaayeen:

Kooxda 1-aad: 1952

Ayagoo ahaa Sarkaal Xigeen Boliis ayey Tababar Leyli/Sarkaal u aadeen dalka Talyaaniga. Hase yeeshe, aasaaskii Xoogga dalka Soomaaliyeed 12 Abriil 1960 ayey kasoo wareegeen Booliska, isla markaana doorweyn ku yeesheen dhismaha iyo hoggaaminta Xoogga Dalka. Waxaa ka mid ahaa:

1) Daa’uud Cabdulle Xersi   

2) Maxamad Siyaad Barre  

3) Maxamed Caynaanshe Guuleed

4) Maxamed Ibrahim Axmed (Liqliqato)

5) Qamiis Cabdalla (Sudani)

Waxaa xusid mudan in kooxdaani Tababarka Ciidan kusoo qaateen Dugsiga Ciidanka Talyaaniga loo yaqaan “Carabinieri” ama “Karabinyeeri” ah sida Soomaalidu ugu dhawaaqdo magaca.

Nooca Ciidan uu yahay “Karabiniyeeri”, Wasaaradda uu hoos tago iyo tababarka ay kooxdu qaadatay dib ayaan si kooban uga hadli doonaa (*).

Kooxda 2-aad: 1953

Ayagoo ka tirsanaa Ciidankii Militariga Soomaalidu u taqaanay “Xiisaanley”, jiray xilligii “AFIS”, isla markaana ahaa Sarkaal/Xigeen ayey Tababar Leyli Sarkaal ku qaadeen dalka gudihiisa.

Waxaa ka mid ahaa:

1) Jaamac Aw Muuse

2) Maxamed Cali Mire (faroole)

3) Cabdulle Barre Qalaaye

4) Cali Cilmi Barre

5) Cismaan Sabriye Cali (Sokor)

6) Ismaaciil Maxamed Eritereya.

Kooxda 3-aad: 1954

Waxay tababr Leyli/Sarkaal u aadeen dalka Talyaaniga - Dugsiga Ciidanka Lugta Cesano (Roma). Waxaa ka mid ahaa:

1) Maxamad Cali Samantar

2) Salaad Gabeyre Kadiye

3) Maxamad Faarax Xasan (Caydiid)

4) Cilmi Nuur Tareey

5) Cabdalla Maxamad Faadil

6) Abuukar Gacal Muudeey

7) Abuukar Xasan Weheliye (Suulaleey)

8) Cabdulaahi Yuusuf Axmad

9) Ibrahim Rooble Warfaa (Dooyaale)

10) Nuur Caddoow Cali

11) Maxamad Nuur Maxamad Baarqab

12) Maxamad Cali Sharmaan

13) Xasan Maxamuud Sabriye (Gaamuur)

14) Maxamad Jamac Xarbi - kadib boliiska u wareegay.

Waxaa xusid mudan in kooxdaani soo dhamaysatay laba sano tababar Milatari,

hase yeeshee, dalka kusoo noqotay 1956 ayadoo Ciidankii Milatariga “Xiisaanley” la baabi’iyay oo lagu daray Booliiska.

Tababar gaaban la xiriira hawlaha iyo waajibaadka Booliska ayey ku qaateen Muqdisho, kadibna ka hawgaleen Saldhigyada Booliiska.

Muddo saddex sano ah kadib, waxay 1960-kii fursad u heleen in aqoontoodi Ciidan (Military) dalka ugu adeegaan, sidaana hormuud ka noqdeen dhismaha iyo hoggaaminta Xogga Dalka Soomaaliyeed.

Kooxda 4-aad: 1956

Waxay tababr Leyli/Sarkaal u aadeen dalka Talyaaniga - Dugsiga Ciidanka Lugta Cesano (Roma). Waxaa ka mid ahaa:

1) Cabdulqaadir-dheel Cabdulle Islaan

2) Maxamad Sheekh Macoow

3) Maxamad Ragis Maxamad

4) Axmed Ismaaciil Boqor

5) Tawaad Dhallin Fiidoow

6) Cismaan Cabdulkqaadir

Kooxda 5-aad: 1959

Waxay ahaayeen saddex arday, markii ugu horeysay Leyli/Sarkaalnimo loogu diray kulliyadda Modena Dalka Talyaaniga ee Ciidanka Dhulka.

Waxaa ka mid ahaa:

1) Maxamuud Xersi Muuse (Cadde Muuse)

2) Muuse Xasan Sh. Cabdulle 

3) Maxamuud Ghelle Yuusuf

Kooxda 6-aad: 1960

- Masar-

Waxaa ka mid ahaa:

1) Cadirisaaq Maxamed Abuubakar

2) Cismaan Maxamed Jeelle

3) Cismaan Sheikh Maxamed

4) Cilmi Axmed Sharmarke

5) Shamsuddiin Maxamed

6) Maxamed Adan Dhurwaa

7) Cabdiraxmaan Salmadhige

WAQOOYI

Layli Saraakiishii Gobanimada kahor

Waxaan u kala qaaday labo:

- Kuwii kasoo baxay - British Royal Academy “Sandhurst”.

- Kuwii kasoo baxay Kulliyadaha Dalalka Carabta, sida: Masar, Ciraaq, Siriya.

Kuliyadda Ciidamada “Sandhurst” (British Royal Academy)

Kooxda 1-aad: 1957

Waxaa ka mid ahaa:

1) Xasan Cabdulle Walanwal (Xasan Keyd)

2) Maxamad Cabdulaahi (Maxamad Awr) 

Kooxda 2-aad: 1958

Waxaa ka mid ahaa:

1) Ismail Cali Abubokor

2) Maxamad Cali Shire

Kooxda 3-aad: 1959

Waxaa ka mid ahaa:

1) Axmad Soleymaan Cabdulle (Dafle)

2) Ibrahim Ahmad Ismaaciil

3) Cadulaahi Saciid Caabi

4) Maxamad Maxamuud Saciid “Bidixle”

5) Saciid Cali Giir

6)Huseen Ali Ducaale (Cawil)

7) Feysal Xaaji Jaamac

8) Daa’uud Cali Yaxye

9) Maxamad Maxamuud Khaawe

10) Maxamad Cabdiraxmaan Xaaji Jaamac (Lugooyo) 

11) Xasan Faarax Mataan (Xasan Yare)

Kooxda 4-aad: 1960

Waxaa ka mid ahaa:

1) Muuse Rabiile Good

2) Cabdixamiid Cali Yuusuf

L/SARAAKIISHII WAQOOYIGA, AADAY DALALKA CARABTA 1960 IYO KAHOR:

- Masar-

Sanooyin kala dambeeyay, waxaa ka mid ahaa:

1) Cabdulaahi Aadan Diiriye (Cabdulaahi Koongo) 1957

2) Faarax Wacays Dhuule 1958

3) Axmad Maxamuud Faarax 1958

4) Axmad Cali Yusuf (Siigeeyste) 1958

5) Axmad Xasan Muuse 1960

CIRAAQ: 1960

Waxaa ka mid ahaa:

1) Maxamad Cumar Gees

2) Ibrahim Muxumad Sacmaal

3) Cismaan Dacas

4) Cabdiraxman Jiis

5) Maxamad Muumin Dacay

Afeef iyo Cudurdaar:

Waxaa adag, aan sahlanayn in si sax ah oo dhamaystiran loo helo liiska iyo magacyada leyli/Saraakiisha aaday dalalka Carabta, Koofur iyo Waqooyi labadaba, wixii ka horeeyay 1961-kii, sababtoo ah waxaa ka mid ahaa:

1) kuwo ayagu is dabiray oo qaab tahriib qiireysan (wadaniyaddu riixayso) ku tagay dalalka Carabta, kadibna halkaas ka galay Kulliyadaha Ciidamada.

2) Kuwo kale, ayagoo digta Jaamacadaha dalalka Carabta, qaab kasta ha ku tagaane, ku wareegay Kulliyadaha Ciidamada.

 

LAYLI SARAAKIISHII GOBANIMADA KADIB

- Ciidanka Dhulka-

Markii ugu horeysay ayaa Jumhuuriyadda Soomaaliya 1961-kii Layli Saraakiil u dirtay deeq waxbarasho dibadda ah, halka qaar kale gudaha ku qaateen Tababarka.

Guud ahaan, sanadka 1961 waxaa la qaatay 7 (toddoba) Koox, sida hoos ku xusan:

 Kooxda 1-aad: 1961

Kulliyadda Talyaaniga Modena:

1) Abshir Cismaan Xuseen

2) Maxamuud Casayr Maxamad

3) Cabdulaahi Diiriye Nuur

4) Nuur Xersi Cali

5) Axmed Xaaji Yuusuf

Kooxda 2-aad: 1961 

Kulliyadda “Sundhurst Royal Academy”:

1) Cabdullaahi Cabdi Faarax (Deyr)

2) Xuseen Maxamad Bulaale (Daqare)

3) Maxamad Maxamuud Raghe

4) Yuusuf Axmad Kibaar 

5) Maxamad Warsame

6) Cabdi Yuusuf

7) Maxamad Sh. Muuse

8) Axmad Xaaji Diiriye

9) Cabdi Haaruun

10) Saciid Oogle

11) Cabdi Dhalac Cabdi

12) Cabdikariim Canshuur

13) Cabdi Cali Xuseen “Cabdi Xabashi”

14) Yuusuf Talan Ali

Kooxda 3-aad: 1961

Dugsiga Ciidanka Lugta Cesano (Roma) Talyaaniga:

1) Giama Ali Giama

2) Aweys Jaylaani

3) Maxamed Ismaaiil Ibrahim (007)

4) Maxamed Axmed Caalim

5) Xasan Maxamuud Rooble

6) Maxamed Xasan Bare Tooxow

7) Maxamuud Cali Hawiye Gacamey

8) Maxamed Sh. Aadan

9) Cabdullahi Axmed Shire (Shaxam)

10) Awes Sh. Maxamed

11) Maxamed Sh. Maxamuud (Qaamow)

12) Yuusuf Axmed Salxaan

13) Cabdirashiid Sh. Xuseen

14) Ciise Cabdi

15) Bashiir Yuusuf Cilmi

16) Cabdulqaadir Ciise Cali

17) Cabdi Maxmed Gaawiido

18) Ismaciil Muxiyadiin

19) Saadaq Maxamed

20) Maxamuud Xuseen Daa’uud

21) Cabdicasiis Xasan Woomo

22) Cabdi Warsame Isaaq

23) Cismaan Maye

24) Cumar Xaaji Maxamed (Masale)

25) Abuukar Maxamad (Aftooje)

26) Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (Masale)

Labada ugu dambeysa (lambarka 25 iyo 26) waxay tababarka L/Saraakiil ku qaateen Xamar maadaama aqoontoodu ahayd Afka Carabiga

Xasuusin:

Labada kooxood sare (Kooxda 2-aad iyo kooxda 3-aad), tiro guud ahaa 40, isku mar ayaa la qaatay. Kadibna loo kala diray Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Kooxda 4-aad: 1961

Waxaa loo diray Masar

1) Maxamed Xaaji Aadan Cossoble (Beercune)

2) Cali Xaaji Jaaburi

3) Cabdiraxmaan Warsame Cilmi (Caarre)

4) Maxamuud Maxamed Liibaan (Aftooje)

5) Cabdulqaadir Cabdulle Barkaan

6) Maxamed Xaaji Cali

7) Axmed Maxamed Canshuur

8) Maxamed Saciid Ciise (Afyare)

9) Cabdulle Xandulle

10) Cumar Xaashi

11) Ali Ismaaciil

12) Cumar Cismaan Diiriye (Canjeex)

13) Axmed Haaji Maxamuud Cismaan (Axmed Teerso)

14) Axmed Maxamuud Shiikh (Neero)

15) Maxamed Shiikh Cismaan

16) Cismaan Saalax Cabdikariim

17) Maxamed Abshir Cali (Weyrax)

18) Cabdiraxmaan Daarood Xuseen

19) Cabdiraxmaan Aw Maxamed

20) Cabdiraxmaan Khaliif Dhicis

21) Cali Imaan Guuleed

22) Shiikh Amiin

23)  Shariif Cabbaas Iimaan

24) Maxamud Sidiin Xersi Nuur

25) Maxamed Mayrane

Kooxda 5-aad: 1961

Waxaa loo diray Ciraaq, waxaa ka mid ahaa:

1) Maxamad Jamac Warsame (Fadhi ku salaan)

2) Maxamuud Maxamad Oday

3) Jamac Xaaji Cilmi

4) Xaaji Qurbawi

5) Cali Imaan

6) Adan Waris 

7) Cali Xaaji Maxamed

5) Axmed Xasan Axmed

Kooxda 6-aad: 1961

Ayagoo ahaa Saraakiil/Xigeen horay u soo qaatay tababaro la xiriira aqoonta ciidanka ayey tababar Leyli/Sarkaal ku qaateen Xamar, waxaa ka mid ahaa:

1) Cabdulle Cilmi Cabdi

2) Maxamed Nuur Galaal

3) Abshir Kaahiye

4) Mire Aware

5) Axmed Ilgiir

6) Abiikar Nuur

7) Ibarahim Xisbiyo

8) Axmed Ugaas Maxamed

9) Jambaluul

10) Axmed Sahal Cali (Axmed Ciriiri)

Kooxda 7-aad: 1961

Ayagoo ahaa Saraakiil/Xigeen leh waaya-ragnimo iyo xirfad tababar ciidan ayaa laga keenay Gobolada Waqooyi. Kadib tababar ay Xamar ku qaateen loo dalacsiiyay Saraakiil.

Waxaa ka mid ahaa:

1) Muuse Ismaciil Caraale

2) Xirsi Faahiye Caynab

3) Muxumed Caalin Cabdille

4) Maxamed Xasan Saciid (Qasbaaye)

5) Ibrahim Cabdi Nuur (Afgaab)

6) Maxamed Aadan Cigaal (Wadaad Yare)

7) Maxamed Cilmi Colow (Sanbalooshe)

8) Maxamad Cali Weerar

9) Maxamuud Faarax Cali (Mooto)

10) Faarax Cawaale Yuusuf (Cawaale Bustaale)

11) Haybe Axmed Guure (Haybe Laambad)

12) Cabdi Faarax Cabdi (Cabdi Maloow)

13) Cismaan Shanfool

14) Faarax Dhilacasir

15) Diiriye Hinig

16) Xasan Bakaal Jigle

17) Daahir Cige (Baadari)

18) Diiriye Wacays Xareed( Diiriye Cas)

19) Daahir Qaabil Wabar

20) Ibrahim Aare Shiil

21) Soleebaan Cali Qalaaf

22) Ladiye Rooble Xersi

23) Maxamed Xildiid Wacays

24) Xasan Waxays Obsiiye Bahdoon (Kuryeeri)

25) Soleebaan aadan Qadhadhow

26) Cabdirahmaan Cabdullahi Gudaal (Bedel)

27) Maxamuud Jaamac Magan (Indabalac)

28) Geedi Qayaad

29) Cismaan Timacadde

30) Jamac Yoonis Amare

31) Maxamed Muuse Colow

32) Ibrahim Cilmi

33) Sacuudi Xasan

34) Cali Cawl

35) Qawdhan

36) Hilaac

37) Ca nshuur

Cudurdaar:

Duruufo jira awgeed, waxaa dhaliisheeda leh in:

1) 37-ka Sarkaal kor ku tixan, qaar ka mid ah ay adkaatay in la helo magacyadooda oo buuxa (saddexan).

2) ay dhici karto in, hal ama labo, ka mid ah liiska, aanay ka mid ahayn kooxdii 1961, balse ay xilli dambe noqdeen Saraakiil.

 

2) CIIDANKA CIRKA

Kooxda 1-aad: 1954 

Waxay tababar Leyli/Sarkaal Duuliye ku qaateen Dalka gudihiisa, kadina 1956 dalka Talyaaniga u aadeen Tababar duuliyenimo dheeri ah.

 Waxaa ka mid ahaa:

1) Cali Mataan Xashi

2) Cali Jaamac Cali

3) Maxamuud Cabdulqaadir Barre (Feytaan).

4) Cabdullaahi Cilmi (Cabdulaahi Uuseey)

Kooxda 2-aad: 1956

Wuxuu Leyli/Sarkaal Duuliye ku qaatay Kulliyadda Ciidanka Cirka Talyaniga.

- Axmad Sheikh Macow

Kooxda 3-aad: 1960

Tababar Leyli/Sarkaal Duuliye, midwalba, ku qaatay dalka ku feer qoran:

1) Yusuf Xasan Ibrahim (Yusuf Dheeg) - Ciraaq

2) Dahir Kulane                                          - Masar

Kooxda 4-aad: 1961

Waxay Tababar Leyli/Sarkaal Duuliye ku qaateen Masar, waxaa loo yaqaan lixda Maxamed:

1) Maxamed Maxamuud Guuleed

2) Maxamuud Maxamed Baasaale

3) Maxamed Wehekiye Sheegoow

4) Maxamed Yusuf Cigaal

5) Maxamed Cabdulqaadir

6) Maxamed Jaamac (MJ)

 

3) CIIDANKA BADDA

Saddexda hoose waxay ka tirsanaayeen Hay’addii ama Ciidankii Talyaaniga ka hawgalayay Dekedaha koofurta Soomaaliya, kaasoo loo yaqaanay magaca “Capitaneria di Porto” u xilsaarnaa habsami-u-socodka hawlaha Badda iyo Dekedaha iyo bedqabka shaqaalaha ku hawlan.

Si ay kaalintooda uga qaataan dhismaha Ciidanka Badda ayaa tababar aqoon-kororsi loogu diray Dalka Talyaaniga sanadka, midkasta, ku feer qoran.

Tababarka kadibna loo dalacsiiayay Saraakiil. Waxay kala ahaayeen:

1) Khaliif Macoow Xasan 1958

2) Jeylaani Maxamed Nuur 1960

3) Maxamed Cismaan Xalane 1960

  Kooxdii 2-aad: 1962

Waxaa xusid mudan in Kooxdaan “Ciidanka Badda 1962” ay ka baxsan yihiin xadkii muddo-sanadeedka qormada lagu jangoyay oo ahaa 1961-kii iyo kahor.

Hase yeeshee, waxay mudan yihiin in tixgalin gaara la siiyo, waayoo waxay ahaayeen kooxdii ugu horeysay, tiro ahaanna badnaa ee Tababar Leyli/Sarkaal Ciidanka Badda u aaday dibadda (Masar). Waxaa ka mid ahaa:

1) Saciid Cabdalla Cumar (Saciid Marina)

2) Saciid Cagadable

3) Maxamed Maxamuud Haji Dayib

4) Maxamud Maxamed Karshe

5) Maxamed Axmed Xasan (Macawisle)

6) Maxamud Aaden Muuse (Dhagacadde)

7) Axmed Ismaciil Ali

8) Axmed Xaaji Gacal

9) Cabdiraxmaan Ciise

10) Cali Ibrahim (Cali Dhagey)

11) Cabdulaahi Ciise Aadan

12) Cabdulqaadir Moxamed Kheyre

13) Cali Haji Munye

14) Cabdulkadir Cadde Mugne

15) Maxamed Cumar Cismaan

16) Maxamuud Maxamed Xayd

17) Salad Farax Ismaciil

(*) FASIR KOOBAN

Waxaan Qaybta kore qormadaan ku sheegay inaan fasir dheerti ah ka bixindoono Ciidanaka Talyaaniga “Carabinieri” ama “Karabinyeeri”.

Waxaa dhawr jeer i soo martay inaan ka maqlo shakhsiyaad, gaar ahaan, bahda Warbaahinta, ayagoo si gaar ah farta ugu fiiqaya Kooxdii 1952 Tababarka Sarkaalnimo u aaday dalka Talyaaniga ay ka mid ahaayeen:

Daa’uud Cabdulle, Maxamad Abshir, Maxamad Siyaad, Caynaanshe, Liqliqato……… ayagoo dhahaya Saraakiishaas waxay soo qaateen tabar Boolis, waayoo waxaa soo tababaray “Karabinyeeriga Talyaaniga”.

Waxaa hadalkooda laga fahmayaa inay aaminsan yihiin in “Karabinyeerigu” yahay Ciidan ka mid ah Booliska Talyaaniga.

Haddaba, waxaan rabaa inaan si kooban qodobeysan u caddeeyo in Boliis iyo “Karabinyeeri” ay yihiin labo ciidan kala duwan, ka tirsan labo Wasaarad kala duwan:

1- Boliis waa Ciidan Ammaan iyo Nabadgalyo hoostaga Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Sida caadigaa, ku hawlan ka hortagga dhacdooyinka dambi, saamaynaya habsami u socodka nolosha dadweyanaha iyo meheradooda ee degaanka Ciidankaasi u xilsaaran yahay (waa Qeexid kooban).

2- Karabinyeeri (Carabinieri) waa Ciidan, wixii ka horeeyay sanadkii 2000 ka tirsanaa Ciidanka Dhulka Talyaaniga (Italian Ground Force), ayadoo loo yaqaanay Cutubka 1aad Ciidan Dhulka Talyaaniga (First Italian Ground Force Army).

Wixii ka dambeeyay sanakii 2000 waxaa laga dhigay Ciidan gaar u taagan, la siman Cidamada Dhulka, Cirka iyo Badda, asagoo, wali sidiisi hore u hoos imaanaya Wasaradda Gaashandhigga Talyaaniga.

3- “Carbinieri” waa Ciidan u dhisan sida Militeriga caadigaa, Saraakiishiisu ka soo baxaan Kulliyadda facaweyn Ciidanka Dhulka loo yaqaan “Modena Milatery Academy” iyo midda ka sii sareysa “Italian War College” ama “Scuola di Guerra” ku yaal Degmada Civitavecchia, Caasimadda Roma.

4- Waajibkiisu waa sugidda Ammaanka Gudaha heer Qaran, ka hortagga dambiyada abaabulan, baadigoobka iyo sharci horgeynta kuwa ay ku caddaato fal dambiyeed halis u ah Qoranka. 

5- Karabinyeeriga iyo Boolisku waa labo Ciidan Aqoon iyo Takhasus gaar ah u leh Shuruucda dalka iyo dhaqangalintooda si loo sugo Ammaanka iyo kala Dambaynta “Law and Order” (waa Qeexid kooban).

Waxa xusid mudan in, guud ahaan, Layli Saraakiishu, Ciidanka ay doonaan ha ku abtirsadeen (Milatari ama Boolis) muddada Tababarka Leyli Sarkaal waa qasab inay qaataan tababar Tabta dagaalka (Basic Military Art or Military Tactcs).

CUDURDAAR

Waxaan ka cudurdaarayaa ama aan ka garaabayaa khaladaadka ku jiri kara iyo qabyonimada qormada, xagga xogta qoraalka iyo liisaska Leyli Saraasha intaba.

Duruufo jira awgeed ma sahlana in 1961 iyo kasii hor la helo xog guud dhammeystiran.  Sidoo kale, ma sahlana in la helo magac buuxa, sanadka iyo dalka waxbarashada loo tagay, gaar ahaan, marka laga hadlayo Leyli/Saraakiishii aaday dalalka Carabta. Balse, waxaan rajeynayaa in qormadu noqoto ambaqaad fiican dhiirigaliya cid kasta damacda qabyotirkeeda.

GABAGABO IYO GUNAANAD

La iskuma diidana in Sarkaalku yahay:

1- Maskaxda hoggaamisa Ciidanka

2- Hal-abuurka, hindisaha iyo naqshadeynta Tayada Ciidanka.

3- qof leh hab-dhaqan, haybad iyo karaamo ku dayasho leh, ku kasbaday aqoon, urursanaan iyo anshax Sarkaalnimo.

Sidoo kale, waxaan, mar kale, hoosta ka xariiqayaa in Layli Sarakiishii 1961-kii iyo kahor dooratay nolosha Ciidanka iyo kuwii, kadib, go’aansaday inay raadkooda qaadaan ay suurtogaliyeen dhismo Ciidan awoodiisa dunidu si weyn ugu baraarugtay. Isla markaana, bahda warbaahinta adduunku ku mashquushay tabinta xogta ku saabsan kartida iyo awoodda Ciidamadaas, gaar ahan xilligii dagaalka ku caanbaxay “77” ee Soomaaliya iyo Itoobiya, asagoo (waa dagaalkaase) wariyeyaal matalayay warbaahinta addunka siiyay fursad ay kusoo caanbaxaan.

Dhanka kale, kahor iyo kadib Gobanimadii 1960 reer Galbeedku waxay si mideysan u qaateen fikradda dhahaysa Soomaaliya ma yeelan karto Ciidan Milatari awood leh, waxay u baahan tahay oo kaliya Ciidan suga Ammaanka Gudaha.

Waxa taa tusaale u ah:

1- Baabi’intii Ciidankii Xiisaanley 1956.

2- Deyradii iyo diidmadii loogu jawaabay Ra’iisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmarke, markii 27kii Nofeembar 1962 uu booqday Mareykanka, asagoo raadinaya taageero dhismo Ciidan Soomaaliyeed tiro iyo tayo leh.

Haddaba, in Soomaaliya yeelato Ciidam milaterti tiro iyo tayo leh, waxaa si geesinimo leh go’aankeeda u qaatay kana dhabeeyay, isla markaana magac iyo mahadnaq naga mutaystay, Ra’iisul Wasaare Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo Taliyihii Xoogga Dalka xilligaas Daa’uud Cabdulle Xersi oo si kadis ah dalka Ruushka safar aan horay loo qorshayn ugu dusay 1963kii, ayagoo halkaas kala kulmay sidii ay filayeen iyo soo dhaweyn aan saluug lahayn. 

Waxaa, sidaa, ku dhashay kuna hirgalay heshiiskii daahfurka:

“Taariikhda iyo Taranka Ciidamada Xoogga Dalka”.

MAHADNAQ

Suurtogal iima ahaa in aan halkaan ku tixo dhammaan magacyada shaqsiyaadkii aan la xiriiray ee xasuustooda iyo xogta ay hayaan ila wadaagay.

Balse waxa aanan ka baaqsan karin inaan xuso Marxuun Jeneraal Maxamed Jaamac Warsame (Fadhi ku salaan) aan Hargeysa kala xiriiray bilawgii baadigoobka

xog-uruurinta. Waxaan ugu ducaynayaa in naxariista Rabbi uu ku mutaysto: “Dambidhaaf iyo darajo sare Jannatul Firdawsa”. Aamiin

Qore: Dirir Cabdi Ibrahim (Goodax)

[email protected]

Tel: 00447960956384

London



 





Click here