By Axmed Bashir
Sunday June 26, 2022
Doorashadiisii ka dib, Madaxwaynaha
Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamud wuxuu safarkiisii ugu horreeyay ku aaday dalka
Imaaratka Carabta, iyadoo aan wali la dhisin golihii wasiirada.
Safarkaas waxaa la filayay inuu qaato
labo maalmood, laakiin waxaa dhacday in Madaxwaynihii muddo usbuuc ku dhow
warkiisii la waayo. Taasi waxay dhalisay shaki iyo warar aan la hubin oo
sheegaya inuu safar qarsoodi ah ku tagay Israel, ama uu saraakiil sare oo ka
socda Israel si qarsoodi ah ugula kulmay Dubai. Madaxtooyada Soomaaliya way
beenisay warkaas.
Ma
la rumaysan karaa beeninta Madaxtooyada?
Maya. Lama rumaysan karo. Waayo hadda
ka hor sannadkii 2016-kii, sidaas oo kale bay Madaxtooyada Soomaaliya u
beenisay in MW Xasan Shiikh Maxamud uu si qarsoodi ah ula kulmay Ra’iisul
Wasaarahii Israel, Benjamin Netanyahu iyo sarakiil sare oo ka socda dawaladda
Israel, fiiri halkaan https://www.timesofisrael.com/somali-leader-who-met-netanyahu-returns-to-power-and-some-see-hope-of-normalization/
Maxaa loo qarinyaa xiriirka Xasan Shiikh la
leeyahay Israel?
Maadaama aysan Soomaaliya ka jirin
dawlad leh awood siyaasadeed, mid ciidan, iyo mid dhaqaale oo adag, isla markaana
dadka waddanka hoggaamiya aysan lahayn aqoon iyo khibrad siyaasadeed oo ay ku
hoggaamiyan waddanka, wax kasta oo xasaasi ah oo ay rabaan inay sameeyaan,
waxay u sameeyaan si shaksi ah oo aan la soo marsiin golaha baarlamaanka iyo
golaha wasiirada, midna.
Aan
u soo laabano su’aasha ah Soomaaliya xiriir ma la samaysan kartaa Israel?
Intaynaan ka jawaabin su’aashaas, bal
marka hore aan iswaydiino tirade waddamada xiriirka la leh Israel iyo kuwa aan
la lahayn, ka dibna aan u bar-bar dhigno inta waddan oo Qaramada Midoobay ku
jira.
Qaramada Midoobay waxay ka
koobantahay 193 waddan. Israel waxay xiriir
la leedahay 166 waddan oo ku jira Qaramada Midoobay. 27-ka waddan ee soo haray oo aan xiriirka la
lahayn Israel, 14 ka mid ah waxay ku jiraan ururka Carabta, 13-ka kalana waxay isugu
jiraan waddamo ku jira ururka Islamka iyo kuwo ah haraadigii shuuciyaddi Midowga
Soviet-ka, sida Kuuba, Waqoyiga Korea, Venezuela, iwm.
Waddamo
Carab iyo Islam ah oo xiriir la leh Israel
Waddamada ku jira ururka Carabta
iskuma raacsana in la qaadaco Israel, ama aan la aqoonsan oo safaarado la is waydaarsan,
Passoprt-koodana lagu geli karin Israel. Waxaa jira dhowr waddan oo Carab ama
Islam, sida Masar, Jordan, UAE, Saudi Arabia, Bahrain, Oman, Turkiga oo xiriir diplomaasiyadeed
oo toos ah ama mid qarsoodi ah la leh Israel.
Ma
jirtaa dhib toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Israel?
Diin ahaan iyo siyaasad ahaan Soomaaliya
iyo Israel waxaa u dhexeeya faraq muuqda, laakiin waddamada caalamka intooda
badan sidaas oo kale bay Soomaaliya u kala duwan yihiin xagga diinta,
siyaasadda, dhaqanka, midabka, luqadda, iwm, oo taasi ma aha wax Israel gaar ku
ah. Sidaas oo ay tahayna Soomaaliya xiriir bay la leedahay waddamo badan oo aan
nooga dhowayn Israel, marka laga eego diinta, siyaasadda, midabka, iwm.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo waligeed
uusan jirin xiriir toos ah oo dhex maray labada dal haddana xiriirka Soomaaliya
iyo Israel wuxuu aad u sii xumaaday markii Soomaaliya ku biirtay ururka Carabta
iyo markii dawladda Soomaaliya ay haysay guddoonka ururkii OAU-da, xilligaas oo
ay Soomaaliya ol-ole wayn u gashay sidii waddamada ku jira ururka midowga Africa
looga jari lahaa Israel. Ol-olahaasna waxaa dabada ka riixayay ururka Carabta
ee ma ahayn fikrad ka timid Soomaaliya.
Sababta Soomaaliya aysan xiriir ula
lahayn Israel marna ma ahayn dhib labada waddan toos u dhex yaalay ee waxay ahayd
siyaasad ku salaysnayd qadiyadda Falastiin iyo mowqifka ururka Carabta iyo kan ururka
Islamka oo ay Somaaliya ka mid ahayd, mowqifkaas oo ilaa iyo hadda ah: inta
Israel haysato dhul Carbeed ama magaalada Quddus in aan xiriir lala yeelan lana
aqoonsan. Mowqifkaas waxba kama beddalin qaddiyadda Falastiin, tan Qudus, iyo dhulka
Israel ka haysato Syria sababta oo ah badanaa waddamada Carabtu daacad kama
ahayn qaddiyadahaas.
Tan kale, waxaan is leeyahay haddii waddamada
Carabtu xiriir toos ah la lahaan lahaayeen Israel waxaa dhici kartay in dagaal la’aan
wax walba lagu xallin kari lahaa sidii Masar iyo Israel ay u xalliyeen qaddiyaddii
Siinaay, ka dibna xiriirkii labada waddan u hagaagay oo uu hadda gaaray heer Gaaska
Israel loo dhoofiyo Masar si loogu sifeeyo isla markaana looga sii dhoofiyo
dalka Masar.
Waxaa kale oo jirta in ilaa 1974-tii
wax badan is beddaleen, oo Israel sii xoogaysatay dhaqaale ahaan, ciidan ahaan,
iyo siyaasad ahaan, halka Carabtii iyo waddamadii Islaamku sii bur-bureen oo sii
kala fogaadeen siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan. Sidoo kale, waddamadii Carbta
ayaa iyagoo aan xiriir toos ah la lahayn Israel haddana u kala dhuuntaan oo ugu
tartamaan sidii ay si qarsoodi ah u la kulmi lahaayeen siyaasiyiinta iyo madaxda
Israel. Mararka qaarkood waxaay waddamada Carabta qaarkood la samaystaan Israel
xiriir loo ekaysiinayo mid ganacsi laakiin uu ku hoos jiro mid diplomaasi.
Sidoo kale, maadaama qaar ka mid ah
waddamadda ururka Carbta ugu awood badan xag dhaqaale, xag siyaasadeed, iyo xag
ciidanba ay xiriir toos la leeyihiin Israel, qaarna la leeyihiin xiriir aan toos
ahayn haddana qarsoonayn, maxaa kallifay in Somaaliya ku sii dhaqanto siyaasad waddamadii
hormuudka u ahaa aysan ku dhaqmin?
Waxaa aniga ila habboon in dawladda Somaaliya
dib u samayso daraasado looga baaraandegayo sida ugu wanaagsan oo loo hormarin
karo danaha Soomaaliya iyo xiriirrada ay
la leedahay waddamada caalamka oo dhan, iyadoo aan waddana gaar u takoorayn. Ma
aha inaan si indho la’aan ah isaga daba joogno siyaasad aan waqtigaan hadda la
joogo macne samaynayn, gaar ahaan iyadoo laga wada ogyahay in qaarka mid ah
waddamada Carabta ay rabaan inay kala jar-jaraan Soomaaliya.
Taas macnaheedu ma aha in haddii Soomaaliya
xiriir la yeelato Israel aysan ka hadli karin qadiyadda Falastiin ama maqaamka Quddus,
ama dhulka Israel ka haysato Siiriya, laakiin waxaan hubaa inaan hadda Israel xoog
wax looga qaadi karo jirin, balse ay suurtagal tahay in haddii cilaaqaad wanaagsan
iyo xiriir toos ah lala yeesho Israel ay dhici karto in la isu soo dhowaado, ka
dibna xal waara laga gaaro qaddiyadaha taagan oo dhan.
Waddamada Carabta ee hodanka ah
maanta iyagaa ah cadowga kowaad ee Carabta iyo kan caalamka Islaamkaba. Iyaga
ayaana ka shaqeeya danaha Israel iyo isu soo dhowaynta Israel iyo waddamada
Carabta iyo kuwa Islaamka. Somaaliyana inay kuwaas iska dabo joogto wax dan ah
kuma jirto ee waxaa dantu ugu jirtaa inay iyagu toos ula macaamiltaman dalkay
rabaan.
Waxaa laga yaabaa in Israel uga waxtar roonaato
Somaaliya 21-ka waddanoo kale oo ku jira ururka Carabta oo dhibaatada ku
fiirsanayay ilaa 1991-dii markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay bur-burtay.
Kenya, Itoobiya, waddamo Carab ah, iyo
waddamada Afirka badankoodu xiriir bay la leeyihiin Israel, marka waa in Soomaaliya
ku samayso arrintaan daraasad cilmiyaysan, ka dibna ay ku dhaqaaqdo waxa dantu
ugu jirto Soomaaliya.
Haddii ay u aragto in dantu ku jirto
in xiriir lala samaysto Israel, yaysan danta Soomaaliya u baabi’in waddamo aan
iyaguna daacad isu ahayn, Soomaaliyana daacad u ahayn.
Ugu dambayn, waxaan aaminsanahay goor
ay noqotaba in Soomaaliya aysan huri doonin inay xiriir la samaysato Israel,
waayo siyaasadda dameeri dhaan raacdayda ah ee la iska daba joogo waddamo
iyaguba u kala dhuunta Israel, ma aha danta Soomaaliya.
Xiriir waddankii aan la yeelanayno
iyo waaddankii aanan la yeelanayn, waa inaan ku salayno danta Soomaaliya. Siyaasadda
arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah waa inay ka madax banaanaadan aragti
dhow oo aan maslaxad ugu jirin Soomaaliya, laakiin u danaynaya waddamo kale.
Sidaas awgeed waxaa habboon in hadda
la sii bilaabo daraasadaha maadaama ay dhowr sano qaadan karto in si buuxda loo
dhamaystiro daraasadahaas, sidoo kalena loo baahan doono in laga feejignaado
wax kasta oo qaldami kara, gaar ahaan maadaama aysan Soomaaliya lahayn noocyada
kala duwan ee ciidamada, gaar ahaan kuwa sir-doonka oo waddanka ka ilaalin kara
khataraha ka imaan kara waddamada shisheeyaha.
W/Q: Axmed Bashir
[email protected]