By Adam Abdulle
Thursday June 2, 2022
“Nin dukaday dul adagaa, biyo
daadis badanaa, ma duunyaan ka ooneyn”.
Waa
oraah ay dhihi jireen Soomaalidii hore ee reer guuraaga ahaa. Soomaalidu waxa
ay ahaayeen dad Muslimiin ah oo salaad badan oo waxa ay taarikhdu sheegtaa in
Soomaalidu Diinta Islaamka qaateen waddamo badan oo Carab ah ka hor, balse
waxaan is leeyahay waxaa hadalkaa khalafsan/adag ka keenay abaaraha ku soo
noqnoqday geyiga ay Soomaalidu degto oo ah dhul kulul maadaama uu xariiqa
dhulbarahu maro.
Erayga
abaar Af-soomali ahaan waa marka biyo la’aan ka jirto deegaan dadka degan iyo
duunyadoodu (xoolahoodu) ay ku nool yihiin biyaha, taas oo ay sabab u tahay
roob la’aan ama roob yari ka dhacday deegaankaas. Nolosha aadanaha, tan
duunyadooda iyo beerahooduba waxa ay ku xiran tahay in la helo biyo dadka iyo
xooluhu cabaan, beerahana lagu waraabsado. Haddii biyo la’aan dhacdo waxaa hoos
u dhac ku yimaadaa waxsoosaarka beeraha iyo dhirta, taasina waxa ay sababtaa in
ay adkaato kobaca iyo sii socoshada nolosha aadanuhu.
Abaarta
sida ugu wanaagsan ee loola tacaali karo waa in marka hore loo diyaar garoobo,
markii ay dhacdana si deg-deg ah looga jawaabo. Sidoo kale, waa in abaarta
kadib la diiwaangeliyo khasaaraha ay abaartu u geysatay dadka, xoolaha, dalaga,
bay’ada, dhaqaalaha dalka iyo casharradii laga bartay abaarta si waayo-aragnimadaas
loogu isticmaalo la tacaalidda iyo yareynta saameynta abaaraha mustabalka dhici
doona.
Dadka
Soomaaliyeed ee u baahan gargaar bini’aadamnimo waxaa lagu qiyaasayaa 7.7
milyan. Waxaa kale oo la saadaalinaya in 1.4
milyan oo carruur ah ay soo wajihi doonto nafaqo-darro ba’an, halka 4.8 milyan
oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay soo food saari doonto cunto yari/la’aan. Sidoo
kale, 4.9 milyan ayay caga-cageynayaan dadka ay saameeyeen abaaruhu, halka in
ka badan toddoba boqol oo kun oo qofood ay abaartu ka barakaceen guryahoodii (QM,
Maarso 2022).
Abaartu
waa ay ka duwan tahay musiibooyinka kale ee dabiiciga ah sida duufaannada iyo
daadadka. In ka badan 15 boqolkiiba waxyeellada iyo khasaaraha masiibooyinka
dabiiciga ah waxaa sababa abaarta. Sidoo kale, abaartu waa halista ugu weyn ee
dabiiciga ah taas oo saameysa xoolaha. Tusaale, abaartu waxa ay sabab u tahay
85.8% xoolaha dhinta (Ururka Cuntada iyo Dalaga).
Abaaraha
waxaa loo qaybiyaa dhowr siyaabood, waxaana ka mid ah:
1. Abaarta
Saadaasha Hawada (meteorological drought): Abaartani waxa ay dhacdaa marka uusan
da’in roob ama roobka da’ay uu ka hooseeyo qaddarta caadiga ah ee xilli roobaadkaas
la sugaayay.
2. Abaar
biyood (hydrological drought): Abaarta biyo la’aantu waxa ay dhacdaa marka ay
roob la’aantu sii socoto waqti dheer, taas oo ugu dambeyn sababta in ay qallalaan
webiyadu ama uu hoos u dhac weyn ku yimaado qaddarta biyaha ceelasha ku jira
ama oogada dul saaran –haraha iwm.
3. Abaarta
Dalaga/Beeraha (Agricultural drought: Abaartani waxa ay bilaabataa marka biyo
la’aantu sababto in uu yaraado qoyaanka ciid beereedku, taas oo marka dambe
sababta in uu dalagu dhinto.
Dunida
weli lama hindisin saacado ama qalab digniineed kaas oo warbixin buuxda ka siin
kara aadanaha khatarta iyo mugga abaarta inta aysan imaan kahor. Balse, taasi
kama dhigna in aanan qorshe laga yeelan karin ama aan la qaadi karin
tallaabooyin lagu yareynayo waxyeellada abaaraha ka hor inta aysan dhicin,
marka ay billaabato ama marka ay abaartu dhacdo kadib. Tusaale, waddamada qaar
waxa ay leeyihiin Xarunta Qaranka Ee Ka-hortaga Abaaraha taas oo dadka ka
caawisa in ay dejistaan qorshe abaareed inta aysan abaartu dhacin kahor si sare
loogu qaado awoodda ka jawaabidda abaarta.
Abaaraha lagama hortegi
karo waayo waa musiibo dabiici ah, balse waa lala tacaali karaa oo waxaa la
yareyn karaan saameynteeda.
Qaababka ama
siyaabooyinka loola tacaali karo abaarta waxaa ka mid ah:
§ In
biyo dhaamin loo sameeyo dadka ay abaaruhu sameeyeen.
§ In
dadka ay abaaruhu saameeyeen loo qodo ceelal, barkado, ama loo hagaajiyo
harooyinka ay biyuhu galaan xilli roobaadka.
§ In
loo daabullo/raro calafka ay xooluhu cunnaan.
§ In
dib u dejin loo sameeyo dadka abaaraha ka soo qaxa, marka ay magaalooyinka soo
galaan.
§ In
la baro ama laga caawiyo qaababka ay xoolaha ugu beddelaan karaan lacag –si aysan xooluhu ugu dhammaan abaarta,
haddii ay dhacdana loo helo hanti nolosha lagu sii maareyn karo.
§ In
dib u celin loo sameeyo dadka abaaraha kasoo barokacay abaarta kadib, iyada oo loo gadaayo xoolo dhedig u
badan wixii la awoodo, illeen nolosha baadiyaha lagama maarmo –dhaqan iyo dhaqaale ahaanba e.
§ In
qoysku isku qaybiyaan qaar miyiga degan iyo qaar magaalada degan, si kuwa
magaalada degani u caawiyaan kuwa miyiga degan xilliga abaaraha iyo markii
baahi jirto, ama ay qoysku isku qaybiyaan xoola-raacato/dhaqato, beeraleey iyo
kalluumeysato –waa haddii ay suurtogal
tahay e.
§ In
biyo-xireenno la sameeyo si looga faa’ideysto biyaha roobka ay togaga iyo
webiyadu wadaan ama in dayactir lagu sameeyo kuwii horay u jiray.
§ In
la xalliyo khilaafaadka dhex yaalla dadka deegaan wadaagta ah, si ay nabad ugu
wada cabaan biyaha ama ay ugu hayaamaan/guuraan meelaha laga heli karo biyo iyo
daaq markii ay abaari jirto iyaga oo aan u baqeyn naftooda iyo duunyadooda.
§ In
heshiisyo lala galo waddamada ay biyahu nagala dhexeeyaan ama aan biyo wadaagta
nahay.
Tusaale,
labada webi oo ay nolosha Soomaalidu inta badan ku tiirsan tahay biyo ahaan waa
webiga Jubba iyo kan Shabeelle. Labaduba waxa ay ka yimaadaan waddanka Itoobiya
(surface water) oo ah dal aan deris nahay. Itoobiya oo qaatay siyaasadda isku
filnaanshiyaha cuntada, waxa ay ku howlan tahay in ay fuliso mashaariic waaweyn
oo biyo-xireenno ah, si ay kor ugu qaadaan waxsoosaarka beerahooda, taasina
waxa ay dhib weyn oo biyo la’aan ama biyo yaraan ah ku keeni kartaa Soomaalida
ku nool biyahaas (dad iyo duunyo). Waddamadda ay biyahu nooga yimaadaan haddii
aanan lala saxiixan heshiisyo qeexaya sida loo isticmaalayo biyahaa waxa ka
imaan kara cawaaqib ay adag tahay in laga soo kabsado, dhanka Soomaaliya ayayna
u sii darnaa doontaa maadaama aan innagu nahay kuwa ku nool darafta hoose (down-stream)
biyuhuna ay ka yimaadaan xagga sare (up-steream) ee Itoobiya. Marka, waan in
aan dalalka ay biyo wadaagta nahay sida Itoobiya iyo Kenya la gaarno heshiiska
Isku-dhafka Kheyraadka Biyaha (Integrated Water Resources Management) kaas oo qeexaya
sida ay waddamada biyo wadaagta ahi si caddaalad ah ugu isticmaali lahaayeen,
una horumari lahaayeen kheyraadka biyaha ee ka dhexeeya.
§ In
la sameeyo habab biyaha wasaqeysan ama horay loo isticmaalay dib loogu nadiifiyo
si mar kale dib loogu isticmaalo (Water Recycling).
§ In lala yimaado qaabab
biyaha cusbada ah ee dhulka oogadiisa saaran ama badda ku jirea –oo lagu tiriyo biyaha
ugu badan (97%), loo cusba saari lahaa oo looga dhigi lahaa biyo macaan oo la
cabi karo ama beeraha lagu waraabsan karo (Desalination).
§ In dadka lagu dhiirriggeliyo
in ay isticmaalaan qalabka biyaha keydiya – sida in tubbooyinka ku shaqeeya
dareenka aadanaha la isticmaalo maadaama ay keydin karaan biyo badan oo khasaari
lahaa.
§ In siyaasad laga yeesho
sidii loo yareyn lahaa wasaqoobidda biyaha, waayo haddii ay biyaha oogada
dhulka saaran ama dhulka hoostiisa ku jira (ceelasha) wasaqoobaan waxaa adkaan
doonta in la isticmaalo xilliga abaaraha hadii la isticmaalana waxaa ka dhalan
karan cudurro dilaa ah oo dadka iyo duunyadaba galaafta.
§ In
sanduuq lacageed loo sameeyo la tacaalidda iyo wax ka qabashada abaaraha.
§ In
sare loo qaado isku danqashada iyo isku diir-naxa dadka Soomaaliyeed dhexdooda
si ay isku caawiyaan xilliga abaaruhu dhacaan.
§ In
la dhiso ama la tayeeyo hay’adaha ka shaqeeya la tacaalidda ama yareynta saameynta
abaaraha.
§ In
la talaalo/beero dhir fara badan, lana sameeyo keymo gacan ku sameys ah.
§ In
la talaalo dhirta asalka u ah waddanka (native) waayo dhirtani waxa ay u baahan
tahay biyo ka yar kuwa ay u baahan yihiin dhirta dibadda laga keeno ee aan asal
ahaan ka bixin geyiga Soomaalidu degto.
§ In
qaabka ay wax u beertaan beeraleydu wax laga beddelo iyada oo la barayo beeraleyda
qaababka kala duwan ee wax loo beerto iyo xilliyada dalag kasta la beerto.
Tusaale, waa in beeraleyda lagu dhiirriggeliyo in ay beertaan dalaga adkeysiga
u leh kuleylka iyo abaaraha xilliga ay abaartu jirto ama la saadaalinayo. Sidoo
kale, waa in lagu baraarujiyo beeraleyda in ay beertaan dalaga ku habboon xilli
cimileedka markaa lagu jiro si waxsoosaarka sare loogu qaado (mono-agriculture).
§ In
laga hortego jaritaanka iyo xaalufinta dhirta taas oo Soomaaliya ka dhigeysa
dhul lama-degaan ah haddii aan si deg-deg ah wax looga qaban.
§ In
la sameeyo ilo tamareedyo kala duwan sida korontada laga dhaliyo qorraxda, biyaha
iyo in la isticmaalo gaaska dabiiciga ah ee wax lagu karsado si looga maarmo in
isticmaalka dhuxusha.
§ In
la xoojiyo mamnuuca dhoofinta dhuxusha maadaama dhuxusha Soomaaliya 80% loo
dhoofin jiray dibadda taas oo sababtay in la jaro in ka badan 8 milyan oo geed intii
u dhexeysay 2011-2017. Si loo xoojiyo mamnuuca dhuxusha waa in ciqaab sharciga waafaqsan
la marsiiyo cid kasta oo ku xadgudubta arrinkan.
§ In
la dhiirriggeliyo hay’adaha aan dowliga aheyn iyo ururada bulshada ee u ololeya
ilaalinta deegaanka.
§ In
la mamnuuco wasaqda lagu shubo biyaha ooga dhulka saaran (haraha, webiyada, badaha)
iyo kuwa dhulka hoostiisa ku jira (ceelasha iwm). Sidoo kale, waa in la
mamnuuco wasaqda iyo qashinka lagu shubo deegaanka.
§ In
la abuuro Hindisaha Siyaasadeed ee Maareynta Abaaraha Qaranka (National Drought
Management Policies Initiative).
§ In
la dhiso ama la tayeeyo Xarunta Saadaasha Cimilada (Climate Prediction Center).
§ In
la sameeyo ama la tayeeyo Nidaamka Digniinta Deg-dega ah ee abaaraha (Early
Warning System) kaas oo dadka ka caawiya in ay helaan xogaha ku saabsan abaaraha
xilliga ugu macquulsan.
§ In
la diiwaangeliyo saameynta ay abaartu ku yeellatay dadka, xoolaha, dalaga, iyo dhaqaalaha,
iyo deegaanka IMW.
§ In
la sameeyo Qariiradda Qaranka Ee Abaaraha (National Drought Map) taas oo
qeexeysa meelaha ay abaartu u badan tahay iyo heerka ama nugeylka abaareed ee gobol/degmo
walba oo ka tirsan waddanka.
§ In
la sameeyo Siyaasadda u Diyaargarowga Abaaraha (Drought Preparedness Policy).
§ In
iskaashi iyo wadashaqeyn lala yeesho hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya
arrimaha abaaraha, dowladaha gobolka iyo waddamada kale ee caalamka si loo helo
xogta, khibradda, iyo kaalmada loo baahanyahay si loola tacaalo ama loo yareeyo
saameynta abaarta.
§ In
Alle Weyne loo noqdo, la duceysto, roob-doon la sameeyo, Qur’aan badana la
akhriyo si Rabbi dhibta iyo abaaraha nooga dul qaado.
Waxaa
xiriir dhow ka dhexeeyaa abaaraha, fatahaadaha, iyo isbedelka cimilada –oo ah khatarta cusub ee aadanaha oo dhan
la tacaalida uga baahan waqtiga la joogo. Kolka, si loola tacaalo abaaraha waa
in si dhow loola socdaa isbeddelka cimilada lana aas-aaso hay’ado ama wasaarad
qaabilsan isbedelka cimilada. Sidoo kale, waa in jaamacadaha dalka lagu
baraarujiyo in ay manhajkooda waxbarashada ku soo daraan ama ay tayeeyaan takhasusyada
lagu barto isbeddelka cimilada, beeraha, xannaaneyta xoolaha iyo la tacaalidda
musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, fatahaadaha, duufaanada, dabeylaha
iwm.
Dhanka
kale, waxaa jiri kara qaabab kale oo loola tacaali karo abaaraha basle qormadan
waxaan ku soo uruuriyay intii aniga igu soo dhacday ama aan ku ogaaday
baaritaanka iyo akhrinta aan ku sameeyay mowduucan.
***
Ummaddii
harraad baa jariyo halas abaareede
Halistiyo
colaadahan allow ka hinjiyoo dhaafi
Nabad
baa hoyaad lehe rabboow nagu hanuun khayrka
Rabboow
roobka soo hooriyoo harada noo buuxi
Cirku
heego malahoo dhulkii waa halwanayaaye
Hogoshii
gu’sooriyo la waa hilinkii dayreede.
–Maxamuud Axmed
Cabdalle (Shiine)
W/Q: Adam Abdulle
Bare & Cilmibaare