4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Cantuugo jiilaal canba can buu bidaa!

Maxaa laga baran karaa qaab-dhismeedka  golaha wasiirrada?

Dr. Abukar Y. Warsame
Monday August 8, 2022


Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda R/Wasaare Xamse Cabdi Barre


Laga soo bilaabo waqtigii xornimada la qaatay ilaa bishan Agoosto 2022 horraanteeda oo lagu dhawaaqay golaha wasiirrada cusub ee dawladda federaalka Soomaaliyeed waxaa mar walba jiray eedeymo sadbursi iyo saluug ku suntan oo hareeya qaabka golaha wasiirrada loo soo magacaabo. Eedeymuhu waa wajiyo badan yihiin oo waa nala qadiyey haddaan beel hebel nahay ama waa nala quursaday oo qabiilkayaga wasaarad u qalanta lama siin ayey badanaaba qayladu u badan tahay.  Waxaa xusid mudan in wasaaradaha badanaa bulshadeennu u taqaan wasaaradaha “A” ay la soo bilowdeen golihii wasiirada u horreeyey ee ku meel-gaarka ahaa ee 22 July 1960 oo ka koobnaa 12 xubnood. Afarta wasaaradood ee kala ah; Difaaca, Maaliyadda (oo lacagta loo aqoon jiray), Arrimaha Dibedda, iyo Arrimaha Gudaha waxa ay ahaayeen kuwa ay qeybsadaan afarta beelood ee maanta min halka buuxa ku suntan halka beesha shanaad waqtigaasna wasaarad noocey ahaatayba laga soomiyey.   Isqab-qabsiga iyo qaylada qabiil ee maanta taagan mid la mid ah ayaa  qasabtay in golihii wasiirrada labaad ee 27ka July 1961 ee beddelay  kii ku-meel-gaarka ahaa la beddelo afar bilood ka dib oo isku shaandheyn iyo wax ka beddelidba lagu sameeyo. Intaas waxaa dheer in qayladu aysan ku koobneyn qaybsiga wasaaradaha   ee qabiilka guud  ee  beel walba ay kooban tahay beelo badan oo aan  wax isu oggoleyn ama heshiis ku aheyn qoondada kaga soo aadda wax qaybsiga guud. Waxaa kaloo intaas sii dheer damaca siyaasiga beel kasta baarqabka u ah ama kii weel-wadaag la ah qolada awoodda  qeybineysa  inuu isna wax ka beddeli karo miisaanka sida  wasaaradaha loo qaybsanayo. 

Ogsoonow in qaylada iyo buuqa ay hore u jireen iyadoo tirada golaha wasiirradu ay ahaayen tiro kooban oo wasiirro iyo ku xigeenno isugu jira kuwaasoo furihii ansixntooda uu qoorta ugu jiray 121 xildhibaan oo keliya. Bal qiyaas inta uu le’eg yahay culeyska ka imaanaya qaylada iyo is-qab-qabsiga qabiileysan ee gole wasiirro oo 70 kor u dhaafaya oo qunbe caddaha lig-liggiisana ay gondaha heystaan 275 xildhibaan iyo gorgortanka dheeriga ah ee ka imaanaya aqalka sare, madaxda maamul-goboleedyada, iyo maal-qabeenno jeebkooda dugsanaya?

Akhristow mar haddii dudmadii iyo diidmadii awood-qaybsiga golaha wasiirradu ilaa xornimadii (marka xataa lagu daro xilligii kacaanka) uusan ka soo rayneyn inuu ka sii daro ma ahane saw in la is weydiiyo ma mudna dhowrkan su’aalood ee soo socda:

  •    Maxey ku saleysan tahay qiimeynta wasaarad iney noqoto A, B, ama C?
  • Maxey tahay sababta dhowr wasaaradood ilaa 1960 ay weli dadkeennu ugu aqoonsan yihiin in ay yihiin wasaaradaha muhiimka ah ee “A” ku suntan iyadoo qaarkoodna labo wasaaradood loo kala jaray ama wasaaradihii kale ka manfac ama maqaam fiican yihiin?
  • Caqli-gal ma tahay in wasaarad 7 ama 10 jeer ka miisaaniyad badan wasaarad kale haddana wasaaraddaas ay “B” bulshada ugu suntan tahay ama beeshii wasiirkoodu qoondada u helay lagu dhaliilo inuu qaatay soor-quureed?
  •  Macquul ma tahay in baahida iyo abaaraha bulshadeenna aafeeyey xal waara loo heli lahaa haddii 4ta wasaaradood ee aan haldoorka “A” u naqaanno ama kuwa aan muhiimka aheyn sida Warfaafinta miisaaniyaddooda la dhimo oo loo wareejiyo miisaaniyaddaas wasaaradaha wax-soo saarka sida Beeraha, Xoolah, iyo kuwa la midka ah?

Su’aalahan iyo qaar kaloo badan oo la xiriira arrinkaasi waxey igu dhaliyeen inaan dib u eego qoondadii miisaaniyadda wasaaradaha ee 2022 bal si aan u helo jawaabo dadku ku qanci karaan. Runtii waxaan is tusay inaysan jirin faham lagu mideysan yahay oo wasaaradaha qaar ka dhigaya A ama B ama C balse dadka qaarkiis magaca wasaaradda ee heybad iyo awood muujinaya ay u yaqaannaan iney "A" tahay iyaga oo aan miisaaniyadda ka eegeyn. Halka qola kale ay ka eegto miisaaniyadda wasaaradaha loo kala qoondeeyey iyo sida sadbursiga dhaqaale ama midda maamulka hoose ee wasaaraddaas.

Haddaba waxaan isku dayey bal inaan fiiriyo sida ay noqoneyso miisaaniyadda wasaaradaha hoostaga shanta beelood ee golaha wasiirradu ka kooban yahay. Si ku talagal ah ayaan 5ta qabiil magacyadoo ugu soo koobay A ilaa E taasoo aan uga dan leeyahay:

1- 1 - Inaan ku muujiyo ineysan jirin wasaarad qabiil gooni ah leeyahay ama yeelan karo balse qofkii wasaaraddaas madaxda looga dhigay oo aan isagu dooran qabiilka uu ka dhashay ay dartiis wasaaradaha qaarkood isku qoondo u noqdeen.

2-  2 - Inaan ku tusaaleeyo in qofka tuhunsan in qabiilkiisa la gacan bidixeeyey ama loo roonaaday ay dhici karto in wasaaradaha qabiilkiisa guud ay heleen ay ku sadbursadeen ama laga sadbursday oo cabbirkiisu qaldan yahay.

Sida ka muuqata masawirka sare, beel ka mid ah beelaha ayaa nasiib u heshay iney hesho in ka badan qoondada 50% miisaaniyaddii 2022 ee wasaaradaha dawladda. Beeshaasi waxay heshay hal wasaarad oo kuwa bulshadu “A” u taqaan balse wasaarad ka darajo hooseeysa oo miisaaniyad badan leh ayey isku qoondo noqdeen oo is cuskadeen. Waxey tani ku tusineysaa in wax micno ah aysan sameyneyn sida Wasaaradaha tunka weyn loo qeybsaday oo aysan jirin wasaarad qabiil ama beel gooni ah u khidmayneysa ama shaqaalaheedu hal beel yihiin balse ay muhiim tahay in la isu miisaamo wasaaradaha.

  • Tusaale ahaan haddii wasaarad B oo hadda ka mid ah qoondada Beel C ay ka mid noqon laheyd qoondada Beel E waxaa macquul ah in boqolleyda Beel E sare u kacdo oo ay la mid noqoto kuwa beelaha kale.
  • Talo kale oo meesha ka soo baxeysa ayaa waxey tahay in wasaaradaha qaarkood siiba laba wasaaradood ay hoos tagaan mashaariiicdii muhiimka u aheyd wasaaradaha kale oo haddii mashaariicdaas si toos ah loo hoos geyn lahaa wasaaradaha ay khuseeyaan ay dhici laheyd in saamiga boqolleyda ee awood qeybsiga wasaaradaha ee shanta beelood noqdo mid isu dheelli-tiran. Sidoo kalana wasaaradaha wax-soo saarka ay helaan awood toos ah oo ay ku maamulaan mashaariicdaas muhiimka u ah bulshada. 

Si aan wax uga ogaado magaca guud ee wasaaradaha ka sokow sida duxda iyo dufanku ugu kala badan yihiin wasaaradaha ayaan miisaaniyaddii wasaaradaha iyo kharashaadkooda hoos ugu degey. Saddexdan arrimood ee soo socota oo aanan horey wax uga ogeyn ayaa ii soo baxday oo aan is leeyahay si uun bey u saameeyaan loollanka qabiilyesan ee wasaaradaha iyo horumar la'aanta xagga wax-soo saarka ee waddankeenna heysata.

1- 1 - Qoondada afarta wasaaradood ee wax-soo-saarka (Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Kalluumeysiga, Ganacsiga iyo Warshadaha) marka la isku daro waa 13 milyan oo doollar.

2- 2 - Qoondada Kharashka Socdaalka iyo Shirarka (code 221) ee hey'adaha dawladda oo ay ku jiraan saddexda qaybood (Fulinta, Sharci-dejinta, iyo Garsoorka) waa 24 milyan oo wax yar dhimman.

3-  3 - Wax loogu magac daray qoondada Khidmadaha Hawl Fududeynta (code 2243) marka la isku daro hey'adaha dawladda oo ay ku jiraan saddexda qaybood (Fulinta, Sharci-dejinta, iyo Garsoorka) waxey noqotay 9.7 milyan.

Bal aan is weydiinnee sidee baan abaar iyo baahi uga bixi karnaa haddii miiisaniyadda inta badan wasaaradaha ka midka ah kuwii wax-soo-saarka ay ka yar tahay qoondada loogu talagalay kharashka ku baxaya Socdaalka iyo shirarka ama Khidmada Hawl Fududeynta ee hay'adaha dawliga midkood? Aqool xumo abaar ka daran!

Beeshii la rabo ha la siiyo wasaaradda ay quuddareynayso ama mudan tahay balse waxaan rajeynayaa in wasiirrada loo magacaabay wasaaradaha ay noqdaan kuwo leh aqoontii iyo kartidii ay ku gudan lahaayeen masuuliyaddaas loo idmaday oo aysan fikrikan qabiileysan ee wax loogu qoondeeyey aysan ka dhigan midkii ku hagi lahaa hawl-maalmeedkooda.


Fiiro gaar: Miisaaniyadda waa midda sannadka 2022 ee wasaaradaha iyo mashaariicda hoos yimaada. Wasaaradda cusub ee Cimilada waxaan ka soo qaaday in lagu beddelay wasaaraddii Gargaarka halka wasaaradaha Caddaaladda iyo Dastuurkana la isku daray. Xisaabta guud waxaa ka maqan miisaaniyaadda guddiyada gaarka ah, iwm. Wixii qaladaad ka muuqda ama farriinta qoraalkan xambaarsan yahay anaa ka masuul ah ee qof kale ama qabiil kuma metalo!

Dr. Abukar Y. Warsame
Email:  [email protected]



 





Click here