8/17/2022
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Waxaan Fuulay Buurta Afrika ugu Dheer ee Mount Kilimanjaro
Jaamac Ibraahim
Tuesday August 2, 2022



Bishii July 16-kii, 9:45kii subaxnimo waxaan anagoo ah koox 15 qof oo rag iyo dumarba leh korka uga istaagnay Buurta Kilimanjaro ee Africa ugu dheer, oo ku taal wadanka Tanzania. Intaanan ka sheekeyn wixii naga qabsaday, aan idiin sheego sababta nagu kaliftay arintan.

Waxaa isku dubariday fuulimaadkan hay’ada lagu magcaabo Give to Learn to Grow Foundation (GTLTG) oo ay asaaseen Dega Naalaye iyo wlaasheed Barwaaqo Naalaye, oo labduba la dashay saxafiyadii Hodan Naalaye ee lagu diley Kismayo dhowr sano ka hor.

Inkastoo Hodan (Allaha u naxariistee) loo nisbeeyey dilkeeda argagexisada dadka Muslimka ah ku gumaada Soomaaliya, hadana cida dishey cadayn sugan looma helin. Walaaleheedan ayaa hadafkeedii ahaa inay wax u qabato dadkeeda iyo dalkii hooyo halkii kasii waday oo dugsiyo casriya ka dhisay tuulooyinka Adhicadeeye iyo Galbarwaaqo oo u dhow Laascaanood. Si iskuuladan loogu aruuriyo dhaqaale lagu asaaso qolalka kombiyuurada (computer laps) ayaa waxay hindiseen safarka Kilimanjaro oo ka qaybgalayaasha lagu kalifey inay lacag ugu aruuriyo mashruucaas.

15 qof ayaa ayaa ka qaybqaatay oo kala yimid Maraykanka iyo Canada, oo ay ku jiraan 7 Soomaali ah oo aan kujiro. Kooxo badan oo kale ayaa sidayada u imaaday Kilimanjaro oo ka socdey Europe, Maraykan, South America, India, Japan, Khaliijka Carabta, iyo meelo kaleba. Ma arag Soomali kale oo aan intayada ahayn. Alxamdulilah labadii hadafba (lacag ururintii iyo fuulimaadkiiba) guul bay noogu dhamaadeen.


Kilimanjaro waa Buurta Africa u dheer, Buuraha aduunkana waa tan AFRAAD dhererka. Dhererkeedu waa 19345 feet (ama 5895 mitir (meters). Barta ugu sareysa buurta waxaa la dhahaa Uhuru Peak, waxayna nagu qaataday lix (6) maalin oo inaan kor loo socdey iyo hal maalin iyo bar oo dhaadhac ah. Waxay noo ahayd waayo aragnimo cajiib ah. Wax yar maaha in usbuuc dhan aad buur kor ugu socoto, maalin walba, ilaa 8 sacaadadoo iyo kabadan oo isdabajoog ah. Xanuunka muruqyada waxaa ku lamaanan dhaxan, hordo xumo iyo nadaafad xumo. Dhibta ugu weyn ee laga cabsoodo waa xanuun lagu magcaabo altitude sickness (jirrada ka dhalata koritaanka meel aad u saraysa). Waxaad dareemeysaa jaahwareer, aragti xumo, madax xanuun iyo qaar matag, waxaana dhici karta in neefta kugu dhegto sabatoo ah oxygen/ogsijiinka oo kaa sii yaraado markaad ku u sii kacdo.

advertisements
Bilowga koritaanka iyo Uhuro Peak  waxaa u dhexeeya 5 camp (xeryo ama degaan) oo habeen walba mid lagu nasanayo, oo lagu magcaabo Machamo Camp, Shira, Baranco, Karang aiyo Barafu. Kaampku (ama xeradu) wuxuu ka koobanyahay teendhooyin yar yar oo laba qofba mid wadaagaan. Habeen walba inta kooxdu aanay gaadhin degaanka/xerada waxaa ka sii hor mara shaqaale la dhahoPorters (ama xamaaliin) oo dusha ku sida waxkasta oo degaanka/xerada loogu baahanyahay, ay ku jirto teendheeyinka, cuntada, biyaha, kuraasta, musqusha, iwm. Waa rag iyo dumarba oo aan wax la mid ah la arag. Subaxkasta marka kooxda dhaqaaqoodu bilowdo xerada/kaampka oo dhan way furfuraan oo dusha ku qaadaan. Markaan kaampka/xerada ku xigta gaadhno wax kastaaba waa diyaar xataa cashadii. Kooxda waxaa horkacaya shaqaale la yiraahdo Guides (ama hageyaal). Guides-ka iyo Porters-kuba sanado ayey tababar ku qaataan siday shaqadan u heli lahaayeen.

Maalintii fuulimaadka u dambeeysey socodku wuxuu bilowday 12kii habeenimo. Sababtoo ah waxaa la rabey in aan gaarno Uhuru Peak qorax soo baxa waaberi. Wax badan habeenkaa maanan seexan, waayo isla maalintaaba 8 saacadoo oo socod iyo kuris ah ayaan soo dhameynay si aan u gaadhno Barafu Camp oo ah midka ugu dambeeya kaamamka (deegaanada). (Barafu waa Sawaaxili macnaheedu la midyaya baraf , sida af Soomaaliga). Casho deg deg ah markaan afka ku hubsanay, oo la hubiyey qoftka ogsijiin-kiisa iyo dhaqdhaqaaqa wadnaha ayaan isku daynay inaan yara seexano. Nasiib daro aniga habeenkaas hordadu way iga xumaatay. Waxaa qofkastaaba ka welwelsanaa tolow ma gaadhi doona Uhuru Peak. Habeen barkii baa dhaqaaqu bilowday. Fuulimaadkan wuu ka dhib badnaa maalmihii hore, oo waxaa la korayaa dedeb sare oo dhagax iyo dhooqo lagu siibanayo kor loogu socdo. Waa mugdi oo madaxa waxaa kuugu xidhan toosh/nal yar (head torch). Markaa wixii kaa horeeya uun baad arkaysaa. Mar aan dedebkii buurta anoo ku taagan dib u jaleecay waxaan arkay khad dheer oo nalal is dabajooga oo dhowr kiilo mitir isku xidhan. Anaka keliya maaheyne kuli koxihii u socday Uhuru Peak, khad bay ku wada jireen sida geel isku xidhiidhsan.

Qadar laba saacadood ka dib markii fuulintaankii bilowday gabadh naga mid ah ayaa oxygen/gosijiin la'aan u dhacday. Markiiaba oxygen ayaa afka loogu xiray. Markay xoogaa soo roonaatay waxay goosatay inay dhameystirto koritaanka. Nasiib daro iyada iyo gabadh kale xanuunkii altitude sickness iyo oxygen/ogsijiin la'aan ayaa ku dhuftay oo waxay noqotay in hoos loo celiyo. Labadan hablood waxay muujiyeen geesinimo cajiib ah, waayo wuxuu xanuunku ku bilowday maalintii ugu horeysey socodka. Hase yeeshee way diideen inay socodka joojiyaan. Laakiin aakhirkii ogsijiin la’aan ayaa ku dhacday. Alxamdulilah labadii gabdhoodba iyagoo caafimaad qaba ayaan ugu hoos ugu tagnay.

Intayadii kale waxaan Uhuru Peak cagta dhignay 9:45 subaxnimo. Waxay nagu qaadatay ilaa 9 saacadood. Markaan Uhuro Peak gaarney dad badan baa filanwaa la ilmeeyey. Sababtoo ah sahal maaha in dad jirkoodu u bartay socod yari, oo meelkasta ku gaara baabuur iyo gaadiid kale ay fuulimaadkan dhameystiraan. Waxaan arkay haweeney Sacuudi ah oo la socotey koox Khaliijka ka timid oo farxad la ilmaynaysa. Anigu markaan kor cagta dhigay dhinacbaan u dhacay oo daalkii oo dhan baa igu soo baxay.

Uhuru Peak waxaax filayey inay baraf tahay. Laakiin hada barafkii wuu ka dhamaaday buurta inteeda badan. Sababtoo ah cimilada aduunka oo isbedeshey. Waxaad keli arkaysaa daruuraha oo kaa hooseeye sida markaad diyaraad saarantahay iyo derbi wada baraf ah oo meel xooga u jirta buurta ka muuqda. Waxaa naloo sheegay in 20 ilaa 30 sano ka hor buurta oo dhan baraf ku malaasnaa. Dabcan haday sidaa ahaan lahayd way ku adkaan lahayd inay dadbadni korkeeda gaaraan.

Markii sawiro aan Uhuru Peak iskaga qaadnay, waxaa markiiba bilowday hoos u dhaadhacii. Dhowr qof oo naga mid ah markay isa soo tageen Uhuru altitude sickness baa ku dhuftay. Isla markiiba hoos bay u degeen. Nasiib wanaag aniga iguma dhicin xanaankaas, laakiin aniga iyo qaar kale hoos u dhaadhicibaa nooga darraa fuulitaankii. Dhibka naga qabsaday waa wadadii oo sulux (steep) ah, anigoo muruqyadaydu daciif markaa yehiin oo ka dhashay 9-dii sacaadood ee aan kor u socday, isla markaana si xad dhaaf ah baan u siibanayey. Nasiib wanaag guides-kii baa igarab galay. Dhaadhicii wuxuu nagu qaatay ilaa 3 saacadood. Markaad buurta ku istaagan tahay waxaa kuu muuqda Barafu Camp, oo aad moodid inuu dhowyahay, laakiin aan dhoweyn. Markaan Barafu gaadhney, aan cuntaynay markiiba waxaa bilooday safarkii si aan u gudubno Camp kale oo 3 saac noo jira. Maqribkii baan soo gaadhnay Mweka Camp, iyadoo dhaxan iyo roob nagu dhuftay. Habeenkii baan ku u hoyaney halkaas. Subaxdii hore ayaan u dhaqaaqnay dhinacaa iyo iridii dhamaadka oo aan gaadhney ilaa 4 saacadood kadib. Halkaasoo noogu dhamaaday socodkii iyo fuulidii Kiliminjaaro. Waxaan halka ka raacnay bas nageeyey magaalada Moshi.

Dhowr wax oo muhiim ah ayaan ka faa’iidey fursada fuulitaanka Kilimanjaro. Waxaan garawsaday in jirkaaggu duruufo badan uu xamilikaro. Af ingriisiga waxaa ha dhahaa “mind over matter” ama maskaxda ayaa xakameysa jirka.  Inta badan maanka ayaa haga jirka, oo ku qanciya wuxuu qaadi karo iyo intuu qaadi karin. Jirkaagu markuu kuu sheego inaadan meeshan dhaafi karin, maanka ayaa ku qanciya inaad kari karto. Mida kale waxaan aad uga mabsuuday shaqaalihii nala socday oo runtii muujiyey maamul iyo nidaam habaysan, karti iyo akhlaaq wanaagsan oo aan dad Afrikaan ah ku arag. Dadkaasi waxay tuseen kooxihii meelkasta aduunka ka imaaday in dadka Afrika si heersare ah u maamuli karaan shaqo kasta. Waxay na tuseen maamul wanaag, dhowrista waqtiga, ixtiraamka dadka iyo aaminimo. Ugu dambayn, waxaa arin lagu faano ah in dad Soomaali abuulkeeda lahaayeen. Waxaana mahad iska leh walaalahay ilma Naalaye iyo Deeqa Geele oo abuubulay safarkan, waqti badan iyo juhdina ku bixiyey, isla markaasna hadafkii loo igmadey gaadhey.

Jaamac Ibrahim, Garyaqaan ku nool magaalada Atlanta,USA
Email: [email protected]


 





Click here