12/7/2021
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Sida ay TPLF mandaqada Geeska ugu mudday mudacyada mariidka leh

W/Q Xasan Yuusuf Waal

Saturday - November 6, 2021

 

Itoobiya waxay noqotay dalka saddexaad ee dalalka adduunka dadkoodu ka badan yahay 10 malyuun ee tacabka waxsoosaarkoodu aad u kobcay inta u dhaxeeysay sannadihii 2000 ilaa 2018. Horumarkaa dhaqaale ee Itoobiya gaadhay waxaa garwadeen ka ahaa madaxdii TPLF (Jabhada Xoreeynta dadka Tigrayga). Si la mid ah, TPLF waxay horseed ka ahayd hagardaamooyin halbowle-goys ah oo loo geeystay dad badan oo ku nool Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya.

Jeel Ogaadeen waa xabsi ku yaalay magaalada Jigjiga oo xad-gudub xuquuqul insaan iyo gaboodfalyo daran loogu geeystay Soomaali Galbeed. Waa goob tusaale loo soo qaato marka la tilmaamayo tacaddiyada sida kufsiga, jirdilka, qofkoo ceegu lagu dilo, hurdo u diidid, cuno iyo daryeel caafimaad la’aan iwm oo ay TPLF kula kacday maxaabiis badan oo aan dacwad lagu soo oogin. Waxaa jira dad badan oo ka badbaaday dulleyntii taalay Jeel Ogaadeen oo inta aanan loo soo dhaa-dhicin xabsiga si dhaqso leh loo dilay. Warbixin ka kooban 130 bog, oo ay soo saartay Human Right Watch sannadii 2008 ayaa sheegeeysa in dad badan oo rayid ah lagu xasuuqay saldhigyada militeri ee ciidanka Itoobiya ee ku yaala magaalooyinka Wardheer, Dhagaxbuur, Duhun, Hamaro, and Shilaabo.

Durduro geelbaa ku jabay! Damaaciga dheeraadka ah ee TPLF ma aha mid seeran. Wuxuu si xawlli ah u jiidhay xudduudka Itoobiya. Wuxuu gondaha gooyay kuwii iyaga, dadab iyo toosba (EPLF/Eriteriya iyo Soomaaliya) shalay garabka u ahaa , markii ay goobahayeen gobannimadda. Haddaba, waa maxay ujeedka dhabta ah ee TPLF?

Aasaas gurracan

Sida ku qoran TPLF manifesto, mabaa’diida lagu aasaasay ururka TPLF sannadkii 1975-tii waxaa bud-dhige u ah laba arrimood oo kala ah: dhul-balaarsi iyo gooni-isutaag ama in qoomiyada Tigrayga oo boqolkiiba 6 ah tirada guud ee dad-weynaha reer Itoobiya ay hesho madax-bannaani iyo dal u gaar ah (Repuplic of Greater Tigrai). 

Saadaasha dadyoow badan ee ku aadan ka miro-dhalka himilooyinkii TPLF waxay ahayd mid ka fog suurtagalnimada. Dad badan uma muuqan markaa in jabhad yaroo ku bilaabantay ku dhufoo ka dhaqaaq ay u babacdhigi karto xukunkii Mengiste Xaayle Maryam oo saaxiib la ahaa dalal awood leh. Balse garwadeenka TPLF waxaa ka go’ neeyd ka guul-gaarida hadafkooda iyaga oo u maraya wadiiqo kasta oo ay wax ugu hagaagayaan (xoog, xeelad, xaq iyo xaqdaraba!).

Marar badan ayaa lagu eedeeyay TPLF dembiyo dagaal iyo in ay xasuuqeen dad rayid ah. Tusaale, sida ku cad macluumaad ku daabacan xogsaabka Global Terrorism Database, bishii Octoobar 1984  laba boqol oo qof  oo caruur iyo haween u badnaa ayay TPLF si arxan-daro ah ugu gumaaday magaalada Lalibeela ee gobolka Amxaarada.

1989kii TPLF waxay sameeysay dalad macmil ah oo la yiraahdo EPRDF (Ethiopian Peoples’ Revolutionary Democratic Front). Waxaa daladaan  ku bahoobay jabhadaha; TPLF (The Tigray People’s Liberation Front), EPDM (Ethiopian Peoples’ Democratic Movement), OPDP (Oromo People’s Democratic Organization) iyo SEPDM (Southern Ethiopia Peoples Democratic Movement).

Yagleelida gaashaanbuurtan waxay ahayd xeelad ay TPLF ku kasbanayso taageero dal iyo dibedba ah, ka dib markii ay soo ifbaxday fursad ay ku qabsan karto xukunka dalkoo idil.   Magacii Tigray People’s waxa ay ku bedashay Ethiopian Peoples’ . halka mad-habtii Marxism ay ku bedashay dimoqraadiyad kacaan ah (Revolutionary democracy).

Intaa waxaa dheer, gaashaanbuurta EPRDF waxay ahayd xoog loogu babacdhigayo labadii jabhadoodoo kale ee xooga u hubeeysnaa: OLF (The Oromo Liberation Front) iyo EPLF  (The Eritrean People's Liberation Front).

Si ka duwan Soomaaliya, Itoobiya waxaa laga badbaadshay burbur baahsan. 27dii bishii Meey 1991, waxaa ku kulmay London kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibeda ee Maraykanka, Herman Cohen iyo TPLF, OLF, EPLF iyo ergo ka socotay Mengiste si looga baaqsado balaayo sal-dhigan weyda. Si fudud ayaa lagula kala wareegay xukunkii dalka. Mengistana magangelyo siyaasadeed ayaa laga siiyay Zimbaabwe.

Fedaraal ku dhisan qoomiyad (Ethnic Federalism)

Labadii Juun 1991 waxaa laga dhisay Itoobiya dowlad ku meel gaar ah oo ay hogaaminayso EPDRF. Durbadiiba, EPDRF waxay qabatay bishii Luulyo 1991 shir qaran oo ay ka soo qayb galeen 27 urrur oo mucaarad ku ahaa dowladdii Dergiga iyo wakiilo ka socday beesha caalamka.  Waxaa shirkaa ka soo baxay in la sameeyo Axdi ku meel-gaar ah (Transitional Period Charter) oo markii dambe u xuub-siibtay Dastuur Fedaraal ah oo la sharciyeeyay 8dii December 1994, dhaqan galayna Juun 1995. Dalka waxaa loo qaybiyay 9 gobol oo gobol kastaa loo bixiyay magaca qoomiyada ugu badan gobolkaa. Isla shirkaa waxaa Eriteria loo ogalaaday ismaamul gaar ah iyo afti madaxbannaani.  

Dastuurka Federaalka Itoobiya waxaa ku xusan laba qodob oo abuuray dood  xasaasi ah: qodobka 39aad iyo qodobka 40aad.  Qodobka 39aad wuxuu dhigayaa in gobol kastaa xaq u leeyahay aayakatashigiisa iyo in uu noqon karo dal madaxbannaan(The right to secession).  Halka qodobka 40aad ogalaanayo  in dhulka gaar loo yeelan karo(shacabka gadan karaan dhulka- The Right to Property). Ogoow, waxa la fulinayo waa himilooyinkii TPLF; madaxbannaani iyo dhul-balaarsi. Intaa waxaa dheer, TPLF waxa ay u isticmaali jirtay Qodobka 40aad ee lahaanshaha dhulka awood siyaasad-dhaqaale oo ay ku muquuniso mucaaradka, muxaafadkana ay ku naasnuujiso. 

Qodobka 39aad ee aayakatashiga wuxuu ahaa qorshe loogu talo galay TPLF oo kaliya oo cid kale aan loo oggolayn. Si aysan ugu hanqaltaagin goosasho ama madaxbannaanni, ururka Oromada (Oromo Liberation Front (OLF), waxaa bilowgiiba lagu laaluushay in lasiiyo kuraasta ugu badan Golaha Wakiilada marka laga soo tago EPDRDF (EPDRDF 32 kursi, OLF 12 kursi). Inta aysan dhicin ka hor doorashaddii 1992 ee gobolada (kilil), iyo degmooyinka (wereda) Itoobiya, TPLF waxa ay wiiqday awoodii siyaasada iyo militeriga ee ururka Oromada. TPLF waxa ay hubka ka dhigtay 20000 oo askartii Oromada ah. Siddaa darteed, OLF waxay qaaddacday doorashadii Itoobiya ee 1992, waxayna bilowday dagaal hubeeysan oo ka dhan ah TPLF.

Si la mid ah, horaantii 1994 wuxuu baarlamaanka cusub ee dowlad deggaanka Soomaalida ku dhawaaqay in afti dadweyne loo qaado aragtida aayakatashiga sida qodobka 39aad ee Dastuurka Fedaraalku qeexayo. Balse arrinkaa waxaa si aan gabasho lahayn uga horyimid TPLF. Xisbiga ONLF oo uu hogaaminayay AUN Xasan Jire Qalinle waxaa lagu bedalay ESDL (Ethiopian Somali Democratic League). Dad badan ayaa la xirxiray. Febaraayo 22 1994, 81 banaan-baxayaal ah ayaa lagu xasuuqay magaalada Wardheer. ONLF dibadda ayay u baxday waxayna dib u bilowday dhaqdhaqaaqii xornimo u dirirka.

Dhanka kale, Qodobka 40aad ee dastuurka cusub ee Itoobiya wuxuu u sahlay TPLF in ay dhacaan dhul badan iyaga oo ku tagrifalaya xukunka iyo xoolaha dadweynaha.

Maarso 2005 Human Rights Watch waxay soo saartay warbixin 64 bog ah oo cinwaan looga dhigay “Waxaa la ugaarsanayaa dadka reer Anuwaak”.  13kii Diseember 2003 waxaa dad badan oo qoomiyada Anuwaak lagu xasuuqay gobolka Gambela ee Galbeedka Itoobiya. Waxaa dadkaas loo laayay si ay u barakacaan (FG. Waxaa loogu gabaday mashruuc magaaleen oo logu magacaabay “Villagisation or commune programme”). 

Cilmi-baaris la soo saaray Agoosto 2011 oo ay maalgalisay DFID (Department for International Development, UK) ayaa lagu sheegay in EFFORT(The Endowment Fund for the Rehabilation of Tigray) ay qayb libaax ka qaadatay dhul badan oo ay madaxdii TPLF boobeen. Dhulka la boobay wuxuu u badan yahay deggaanada Benishangul-Gumuz,  Wollo iyo Gondor. EFFORT  waxaa  maamule ka ahaa Azeb Mesfin  oo ahayd marwada Ra’iisul Wasaarihii hore  ee Itoobiya Meles Zenawi.

Colaadda Itoobiya iyo Eriteriya

Xurgufta xudduudka ee Itoobiya iyo Eriteriya waxaa ka horeeyay dhiillo dhaqaale oo dhex martay labada dal.  Bishii Nofeember 1997 Eriteriya waxay shaacisay in ay sameeysatay lacag u gaar ah – NAFKA. Talaabadani waxa ay ahayd mid ay Eriteriya kaga maarmeeyso lacagta Itoobiya iyo  qorsheeynta maaliyadeed(Monetary policy) ee Addis Ababa. Sidaa darteed, TPLF waxa ay cunaqabateen saartay dhuuniga loo dhoofsho Eriterriya.

Qorshahayaasha istraatiijiyadeed ee qarsoon ee TPLF waxaa ka mid ahaa in xoog ama xeelad gacanta loogu dhigo mid ka mid ah dekadaha Casab iyo Massawa ee Eriteriya. Horaantii 90-aadka TPLF waxa ay biloowday mashruuc dib loogu xadeenayo xudduudka Itoobiya iyo Eriteriya (Border Rectification Project). Waxaa la abaabulay maleeshiyo Tigreey ah oo ka hawl-gala soohdinta u dhaxeeysa labada dal si loo barakiciyo beeraleeyda iyo xoolo dhaqatada Erateriyaanka ah ku nool Badme iyo Tahiti Adibo. Badme waa magaalada xiisadda iyo xarbiga labada dal xudunta u ahayd.

Bishii Meey 06, 1998, waxaa magaalada Badme iyo agagaarkeeda ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya Eriteria iyo Itoobiya. Sidoo kale dagaalo ayaa ka biloowday magaalooyinka Burre iyo Zalambessa (Burre wajahada dekada  Casab, Zalambessa wajahada dekada  Massawa). Dagaalka wuxuu socday laba sano. Waxaa ku naf waayay dad gaaraya 100,000 oo qof oo labadda dhinac ah. Dagaalka wuxuu kaloo sababay burbur iyo barakac.

Bishii April 13, 2002 The Eritrea-Ethiopia Boundary Commission wuxuu Badme u xukumay Eriteriya. Laakiin Badme waxa ay gacanta Eriteriya dib ugu soo laabatay ka dib markii sannadkii 2018 Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu aqbalay heshiiskii Algiers  ee sannaddii 2000 iyo xukunka EEBC. Arrinkani wuxuu sababay in dib loo soo celiyo cilaaqaadka labada waddan. Xalinta arrinta Badme awgeed, Abiy Axmed wuxuu ku guuleeystay biladda abaal marinta nabadda ee Nobel Peace Prize.

Xasuuqii Xamar

Hadal kooban, Agaasimahii hore ee Royal African Society Richard Dowden wuxuu yiri “Soomaaliya oo tabar-daran, oo qaybsan waxay dani ugu jirtaa Itoobiya”. Rag is galay kala galad la’. Waxa isweeydiinta leh ma’aha sababta ay TPLF u dhibaateeysay Soomaaliya, ee waa maxaa keenay in Soomaalidu gu’yaal farabadan ka   ogolaato TPLF gunnimo iyo gumaad? Arrimo badan ayaa loo sababeen karaa laakiin hal baa xaqiiq ah dad badana ay san ku baraarugsaneeyn in ay TPLF ku mijaxaabisay Soomaaliya mabda’ siyaasadeed oo ku dhisan qabiil (tribal fedarilism). 

Qaybi oo xukun! Markii ay TPLF ku guuleeysatay meel marinta Fedaraalka ku dhisan qoomiyadaha (ethnic federalism) ee Itoobiya, waxay is tuseen in si fudud Fedaraal ku dhisan qabiil (tribal federalism) looga hirgalin karo Soomaaliya. Shirar badan oo dib-uheshiisiin ayay TPLF u qabatay ururradii siyaadadeed ee ku dagaalamayay Soomaaliya (Addis Conference on National Reconciliation (1993) National Salvation Council (Sodere) (1996). Shirarkaa Soomaalida loogu qabtay Itoobiya ayaa lagu curiyay nidaam siyaasadeed oo sababaya in Soomaaliya aysan waligeed yeelan dowlad saldhigata (Federaal ku dhisan hayb qaybsi xaqdaro ah – The 4.5 formula). 

Halka TPLF ay ka maleegeeysay mu'aammaradda, waxaa mar walba jiray dadaalo dib loogu soo ceshanayo sharafkii iyo qaranimadii Soomaaliyeed. Nasiibdaro, fursad kastoo dalka lagu xasilinayo waxaa fashilinayay TPLF. Shirkii Nabadeynta Qaran ee Soomaaliya (SNPC) ee lagu qabtay Carta, Jabuuti sannadii 2000, wuxuu ahaa mid ay Soomaalida oo dhami ay taageertay maadaama labeentii bulshada Soomaaliyeed ay qayb ka ahaayeen.  Waxaa ka dhashay dawlad qaran oo kumeel gaar ah (TNG) oo ku dhisan nidaam dowlad dhexe oo awood leh (unitary structure), in kastoo awood qaybsiga uu ahaa mid beelo iyo foormulada 4.5 lagu saleeyay!

Maadaama qorshihii Federaalka lagu fashiliyay shirkii Carta, TPLF waa ay ka hor timid ‘Bayaankii Carta’. Waxay abaabushay koox ka soo horjeeda shirka iyo waxa ka soo baxay oo ay shirar ugu qabatay magaalooyinka Ceelbarde iyo Awasa (Itoobiya) horaantii sannadka 2001. Bishii Maarso 23 2001 waxaa Addis Ababa lagaga dhawaaqay Gole ama xisbi ay ku mideysnaayeen qabqablayaal dagaal (Golaha Dib u-heshiisiinta iyo Dib usoo nooleynta Soomaaliya (SRRC).  SRRC waxay u qalabqaadatay burburinta dowladdii kumeelgaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta. TPLF oo kaashanaysa Kenya waxay Oktoobar 2002 ku kulansiisay magaalada Ceeldhooreed (Eldoret process) ee Kenya qolyihii ka soo horjeeday dowladdii kumeelgaarka ahayd. Kulankani wuxuu ahaa bilowga hirgilinta nidaamka Federaalka ah oo ay Soomaaliya hadda isku xukunto.

Waxa ay TPLF xoog dagaal kala hor tagtay Kacdoonkii Maxaakiimta ee sannadkii 2006. Si la mid ah Dowladdii Carta, Soomaalidu waxay aad u soo dhaweeyeen dhaqdhaqaaqii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga. MMI waxay xoog uga  saareen  hoggaamiye kooxeedyadii magaalada Muqdisho. Waxa ay dib usoo celiyeen amniga  iyo kala dambeeynta. Waxay dib u howl-galiyeen  garoonka iyo dekedda Muqdisho.

Inta u dhaxeeysay Maarso iyo Abriil sannadkii 2007, TPLF waxay ku xasuuqday Xamar kumanaan kun oo dad shacab ah. “Human Rights Watch waxaa ay diiwaangelisay kiisas muujinaya in ciidamada Itoobiyaanka ahi ay si ula kac ah u toogteen una dileen dad rayid ah”.

Weeydiimaha warcelinta u baahan waxaa ka mid ah in  ninkii amray Xasuuqii Xamar(Col. Gebre Egziabher Alemseged, oo loo yaqaano Genaral Gabre) , u faradhuudhuubnaado hawlaha siyaasada gudaha iyo debedda, dhaqanka iyo bulshada ee Soomaaliya! Sida Africa Intelligence ay qortay Gabre oo kaashanaya wasiirkii hore ee arrimaha debedda ee Itoobiya Tedros Adhanom Gebreyesus(hadda ah madaxa WHO) wuxuu muddo toban sano ah ku hawlanaa gardaadinta gurbood soomaaliyeed oo daacad u noqota danta TPLF ee Soomaaliya.

Mahadhooyinka beermay

Ka dib dibadbaxyo xooggan oo daba dheeraaday, 2018-kii ayaa ugu dambeyn laga faramaroojiyay TPLF xukunka iyo dhaqaalaha ay maamulayeen muddo ku dhow 30 sano. Halka TPLF ay ogalaan lahayd hogaaminta Abiy Axmed iyo kuwa kale, waxay doorbiday dagaal iyo in ay doorasho iskood ugu qabtaan gobolka Tigray. Waana sababta dhalisay dagaalka ka biloowday gobolka Tigray Noveember 2020-ka oo ilaa iyo hadda socda ee u dhaxeeya dowlada fedaraalka iyo TPLF.

Waxaa la dilay ama nolol lagu qabtay 47 ka mid ah 167-da qof ee ugu sareeysa hogaanka TPLF. Madaxda TPLF ee ku dhintay dagaalka waxaa ka mid ah Seyoum Mesfin- wasiirkii hore ee arimaha dibada Itoobiya.

Dhib aan dhamaad lahayn ayaa laga dhaxlay xukunkii TPLF.  Soomaaliya weli kama soo kabsan faragelintii TPLF. Dabayaaqadii bishii Nofeember 2020 waxa ay TPLF gantaalo ku riday magaalada Casmara ee Eriteriya, iyada oo ku eedeeneeysa Eriteriya in ay taageereeyso dowlada federaalka. Itoobiya waxaa ka socda dagaal sokeeye oo khatar ku ah degganaanshiyaha gobolka iyo ka shishay. Talaado 2, Nofeember 2021, Golaha wasiirada Itoobiya waxay ku dhawaaqeen in gabi ahaan dalka  lagu soo rogay xaalad deg deg ah(nationwide state of emergency).



 





Click here