7/28/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Deegaan Doorasho Dhawr ah
by  Elmi Farah Nur Webi
Tuesday, July 13, 2021


Dastuurkii 20 Jun 1961ee ogol shacbigu ugu codeeyey 90.58% iyo xeer hoosaadkii doorashooyinkii JS waxa ay fursad siinayeen ama u ogolaanayeen in murashax kastaahi ka loolami karay isku xili dhawr doorasho deegaan doorashooyinkii dalkeena 1964 iyo 1969kii ee xiligii Dawladihii rayidka.
Bal ila eeg Siyaasiyiinta xeerkaa dabaqday waa kuwee?

1) Aun Shikh Ali Jumale Baraale.
2)Aun Abdirazaq Hagi Hussen.
3)Aun Abdulqadir Mohamed aden Zoope.

● Aun Shikh Ali Jumale wuxuu ahaa xildhibaan 1956/59/64/69kii,wuxuu noqday wasiir xiligii daakhiliga iyo gobanimadii kedib.
Wuxuu kula tartamay xilka madaxweynenimo 1961dii Aun Aden Cadde oo wareegii 3aad kaga guuleystay 2 cod oo qur ah.
● Aun Abdirizaq Hagi Hussen dhinaca xildhibaanimada wuxuu la mid ahaa Shikh Ali Jumale waxa aw noday wasiirkii arimaha gudaha iyo Raiisul Wasaare xiligii Aden Abdulle Osman..
● Aun Abdulqadir Mohamed Aden Zoope wuxuu noqday xiligii Aden Abdulle Osman wasiirkii maaliyada iyo arimaha gudaha.
Sadexdoodu waxay ahaayeen siyaasiyiin door firfircoon ku lahaa gobanimadoonkii.

Shikh Ali Jumale kedib guuldaradii tartankii MD 1961waxa ay isku dhaceen xukuumadii xiligaas debadeed waxa aw furtay xisbi mucaarad ah oo la oran jiray SNC kaasoo doorashadii 1964 ku guuleystay 22 mudane.
Shiikh Ali doorashadaas waxa aw xisbigiisa SNC murashaxa koowaad uga noqday degmooyinka Beledweyne iyo Buulo Barde (Hiiraan)dabcan waxa aw ku soo baxay labadii doorasho deegaan dabadeed wuxuu qaatay kursigii Beledweyne kii buulobarde waxa ku soo galay Barlamaankii  2 mudane ee ku xigay liiska murashaxnimada kedib markii xisbigu ka helay degmada Buulobarde 2 kursi.
Aun Abdirazaq iyo Abdulqadir Zoope doorashadii 1969 ka hor waxay furteen xisbi la oran jiray MPDA(DABKA) oo mucaarad ah kedib markii xukuumadii xiligaas ay ku kala irdhoobeen tartankii doorashadii 6 Julay 1967 ee Aden Cadde iyo Abdirashiid Ali Sharmaarke
Aun Abdirazaaq Hagi hussen waxa aw iska soo sharaxay march1969 Muqdisho,Gaalgacyo Iyo Eil,waxana aw ku guuleysyay kursigii GAALKACYO.
Aun Abdulqadir Zoope wuxuu geystay dokumentiga sharaxaadiisa 1969 Buurhakaba iyo Baydhabo ,nasiibdaro DC(gudoomiyihii) Buurhakaba waa ka qaban waayey codsigii,
waxa laga ogaaday in degmadaasi ka mid noqotay 5 degaan doorsho oo  SYL an lagula tartamin(lista unica)  halka Baydhabo oo qur ah uu ka tartamay ayadana kuma soo bixin oo dawladii xiligaas oo an taageero u hayn awgeed.
Baydhabo iyo Burhakaba Waxay ka mid ahaayeen degaano dhawr ah ee maxkamada sare loo gudbiyey dacwadooda hase yeeshee garsoore Soomaali ah kana tirsanaa markamada sare ayaa go'aan ka soo saartay in doorashooyinku ku dhaceen si daah furan.
Garsoorihii hor_istaagay cabashooyinkii doorashadii 1969 waxa xiray kacaankii 21 okt 1969,shaqadiisa waa laga joojiyey waxana loo furay dacwad criminal case ee an cadeyn.
1968 waxay ahayd markii koowaad ee nin soomaliyihi gudoomiye ka noqdo maxakamadii sare,laga bilaabo 1956 ilaa 1968 waxa maxamada sare gudoominayey garsooreyaal Talyaani ah ee aw igu dambeeyey Mr Aldo Peronaci oo shaqada looga joojiyey khilaaf dhexmaray dawladii xiligaas.
Sidoo kale waxa doorashada horteed shaqadii iska casilay taliyihii ciidanka booliska  Gen Mohamed Abshor Mussa kadib markii xukuumadii xiligaas isku qabteen doorka booliska iyo doorashada march 1969kii.

Maxay ahayd ujeedada siyaasiyiintaas ku kaliftay in dhawr doorasho deegaan kasoo tartamaan?
Dabcan Jawaabtu waa mid an qarsoodi ahayn ayaga & dawladihii xiligaas jiray oo ku kala aragti duwanaa sida dalka loo hagayo taasoo ay welwel ka qabeen in laga reebo doorashada sida ku dhacday Aun Abdulqadir Mohamed Aden Zoope.

Doorashadii 1969 waxa loo aqoonsaday mid wax isdabarin lagu sameeyey fursadaha tartamayaasha qaarkood,waxane ay saameyn ku yeelato dilkii Aun MD Abdirashiid Ali Sharmaarke iyo in ciidamadu la wareegaan taladii dalka 21okt 1969.
Sidoo kale Doorashadii 2016  waxay ayane  ahayd ama lagu suntay mid musuqmaasuq hareeyey laaluush iyo lacagihii ugu badnaa taariikhda dalkeena xilalka lagu doontay.

Maxaan ka baran karnaa dhacdooyinkaas hore & xaaladaha maanta ka jiro dalkeena?
Fadlan aragtidaada iyo wixii sixitaan ah waad ku kabi kartaa qormadaan.

Xigasho:
▪Kutub laga qoray taariikhda dalka.
▪Goobjoogeyaal markhaati ahaa xiligaas.
▪Somali archive iwm.

Dalka tariikho qarsoon baa weli jiro!

Elmi Farah Nur Webi
[email protected]


 





Click here