6/4/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Daahir Xaaji Cali: Xusuustii Xidiggii God Galay

Hassan M Huruse
Tuesday, May 12, 2020

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Waxa melegga laysaga qafilay mawdka iman doona
Dadka yaan muraayaduhu jabin maankuna isdhaafin!

Waxay tuducdaasi ka mid ahaayeen, gabay uu Alle ha u naxariistee Adeerkay Cumar Xaaji Huruuse ku sagootiyay walaalkii. Saakana waxa la ii soo sheegay oo xaqii oofsaday, Ilaahay hoygiisa  jannada Fardowsa ha ka dhigee abtigay, Daahir Xaaaja Cali Maxamed.

Kumuu ahaa Daahir?

Waa su’aal aan qorma kooban lagaga bogan karin, haddana aan dareenku aamus ku qancaynin. Waxa uu marxuum Daahir ka mid ahaa da’aadihii dhashay bilawgii dagaal weynihii 2aad ee adduunka. Waa sannadkii 1936kii sida aan mallaynaynno. Haddii ay sidaa tahay,  waxa uu tirsaday guyaal ku taariikhaysan 84 sano. Waxa uu ku dhashay baadiyaha magaalada Ceerigaabo, waxa uuna ku koray oo ku hanaqaaday magaalada Cadmeed. Halkaaas ayuu dugsi quraan iyo iskuul uu ka gaadhey fasallada dhexe ku soo qaatay. Waxa uu ilaa dugsigii hoose iyo dhexe ku qaatay, iskuul la oran jirey Saint Anthony. Kaas oo ay dhigan jireen kumanyaal ubad ah oo isugu jira jinsiyado kala duwan, sida: Hindi, Soomaali, Carab iyo Yurubiyaan.

Daahir, waxa uu aad u jeclaa akhriska waqtigii caruurnimo ilaa dhowaan oo uu wayeel noqday. Waxa uu goora badan iiga sheekeeyey raggii Masaarida ahaa oo uu akhriskooda ku ababay, macaansaday, oo uu ka xiisagoyn waayay, sida caalimkii indhoolaha ahaa ee Daaha Xuseen, iyo ninkii isagoo dhakhtarnimo loo tababaray u leexday cilmiga bulshada, kutubtiisuna 80ka ay kor u dhaafeen, ee la oran jirey Mustafa Maxamuud. Waxa uu marba qiso xiisa leh kasoo qaadan jirey maqaalada qoraagii jariidadda AL AHRAM caanka ku ahaa, ee la oran jirey Cabaas Maxmuud Al Caqaad, oo ahaa ninkii dadka wax akhriyaa safka u geli jireen qoraalladiisa. Guriga wax akhriska (maktabadda) u dhow xaafaddiisa ayaa hoy u noqday yaraantiisii. Marka maktabadda  la xidhayo ayaa shaqaaluhu raadin jireen si aan loogu dul xidhin, oo la oran jirey hala raadiyo Fa’arul Maktabah (Jiirkii Makatabadda), oo aah magac ay iyagu ula abxeen.

Waxa uu ka dhashay qoys ganacsi hanaqaad ah ku lahaa magaalada Cadmeed, xaafadda Tawaahi. Halkaas oo qoysku ku lahaa maqaaxi ama hudheel cunto.  Hudheelka Xaaji Cali Gurey waxa uu ahaa ganacsi tanaaday oo aad looga temedin jirey magaalada Cadan, weliba sanadihii 40meeyadii ilaa 60meeyadii.

Daahir waxaa koriyey oo gacanta ku hayey adeerkii Xaaji Cali Warsame, oo la wareegay  mas’uuliyadda 5 carruur ah oo  agoomoobey iyo hooyadood,  Alle ha u naxariistee Ardo Axmed Cawed oo uu xaajigu dumaalay ka dib markii aabbahood la dilay waqti lagu qiyaasayo badhtamihii sannadkii 1941, oo ah xilliga ay Soomaalidu u taqaan Baanddadii ama Weeradii. Waa xilligii Ingiriisku Gobolada Waqooyi dib uga qabsaday Talyaaniga oo haystay kana taliyey muddo hal sano ah.

Durbadiiba Daahir waa hanaqaaday. Iskuulkii dugsigii dhexe ka dib wuxuu galay iskuul xirfadeed oo lagu baran jirey farsamooyinka gacanta oo la oran jirey, APPRENTICE. Daahir, ayaa si dhaqsa ah wuxuu u noqday xirfadle koronto yaqaan ah oo aad loogu qancay farsamayaqaannimadiisa. Xirfaddiisaasi waxay u sahashay inuu si fudud shaqo uga helo shirkad iskuulkaas ku xidhnayd oo magaceeda  loo soo gaabin jirey  CRE.  Wuxuu mar labaad shaqo ka helay shirkad Ingiriisku lahaa  oo la oran jirey British Petroleum.

Muddo hadduu halkaa ka shaqeeyey, waxuu u soo guuray magalaada Xamar 1963kii, isagoo markan muraadkiisa weyni ahaa sahan ganacsi. Waxaa Xamar deganaa umado kala duwan oo Hindi, Carab, Faarsi iyo Soomaali isugu jirta. Wuxuu durbadiiba  ka dhex arkay fursado ganacsi oo dihin iyo doonistiisii magaalo cammiran. Xamar waxay ahayd meel kulansatay ilbaxnimada bulshooyin kala duwan iyo xorriyad curdin ah. Degdeg ayuu u furay dukaan aan Talyaani mooyiye Soomaalidu hore u hawaysan. Oo waa maxay? Waa dukaan lagu gado qalabka korontada, saabaanka farsamada iyo agabka dhismaha guryaha. In muddo ah ayuu debadeed ka dhexeeyey magaalooyinka Xamar iyo Cadan, si uu dukaan weyn oo Lubnaani ah uga soo jumladaysto badeecaddaas gaarka ah.

Muddo ayuu Daahir tartan kula jirey labo dukaan oo qalabka korontada iyo saabaanka farsamada iibiya, oo ay lahaayeen hantiilayaal Talyaani ah. Waxay legdintaasi u dhexaysey Daahir oo xorriyad baarka fidhanaysa haysta iyo hadhaadigii gumaystihii oo weli u sii muhanaya nolol uu waa arki jirey, haddase waqtigu ka daba yimi. Halka ay hantiilayaasha Talyaanigu  ka keeni jireen qalabka ay wershadahoodu soo saaraan, Daahir wuxuu xidhiidh ganacsi la samaynayey duni cusub oo rabta qalab tayo leh oo qiima jaban inay suuqyada adduunka ku hantido. Wuxuu xiriir la lahaa shirkadaha National, Panasonic, Sony, Hitachi iyo qaar kale. Sannado kooban gudahood, tartankii gancsi waa soo gebageboobay: dukaamadii nimankaa ajnebi albaabbadaa loo laabay, Xamarna way ka guureen muddo yar ka dib.

Magaalada Xamar oo aad u dhismaysay, safaarado soo degayeen, xafiisyada dawladdana la qalabaynayey, waxaa kor u kacay ganacsiga Daahir. Wuxuu qaadan jirey qandaraaska koronto gelinta oo cid ku gaadhaysaa Xamar ku yarayd. Durbadiiba wuxuu tababaray nin dhalinyaro ah oo ka mid ah dadkii degaanka, ninkaas oo la oran jirey Mustafa Cumar. Gacanyarahan ducaysani intii hore waxa uu ahaa caawiye, oo sallaanka iyo saabaanka ayuu u qaadi jirey Daahir, ilaa uu markii dambe ku fillaaday shaqadii.

Daahir waxuu Cadan u sii socdo oo dukaankii Lubnaaniga ahaa u sii safraba, wuxuu daah furay ganacsi labaad. Wuxuu yagleelay istuudiyo la magacbaxay LIGHT & SOUND (IFTIIN & DHAWAAQ) oo cajaladaha lagu kala duubto. Waxaa u yaallay cod-duube ilaa shan cajladood halkii mar kala duubi kara. Waxa uu cod-duubuhu waagii hore ahaa phonograph ama qalab loo yiqiinay jiira disc,  kaas oo ku shaqayn jirey suxuuntii balballaadhnayd ee berigaa  dunida ka socday.

Ogow xilligaas waa 60meeyadii. Waa markii dunida inteeda badan dabaylaha xorriyadeed gilgilayeen. Waa markii isbeddel xoog lihi ka aloosnaa carra edeg hareeraheeda, oo da’ayar fara badani is dhexgal iyo furfurnaan u jeellanayeen, kaas oo lid ku ahaa dabcigii gumaysigii iyo is faquuqii. Dadka hibada fanka, qoraalka iyo suugaanta noocyadeeda badan ku galladan ayaa dunida gees ilaa gees ka orinayay oo isu baaqayay. Maadaama Daahir lahaa ilbaxnimo uu ku oddorosi karay baahida shabaabka ee casrigaas cusbaa wuxuu u kabo illaday sidii uu dadka da’yarta ah uga haqabtiri lahaa baahiyahooda hal-abuur iyo muusig.

Wuxuu la xidhiidhay shirkad maraykan ah oo la oran jirey Columbia Records. Waxayna shirkaddu suuqgayn jirtey muusiggii xilligii dhaqdhaqaaqii xorriyaddoonka, siiba muusiggii halgamaayadii hibadooda isku xorraynayey ee Madow Ameerikaanka, kuwaas oo xagga hore kaga jirey dhaqdhaqaaqii xuquuqraadiska madaniga (Civil Rights Movement). Suugaantaa qalaad iyo muusiggaa ay da’yarta xilligaasi u heellanayd ayaa Daahir  waxay u noqdeen il uu ka cokanaysiiyo dhallinyaradii Soomaaliyeed ee dunida hore u guuraysa dareenka la wadaagaysay.

IFTIIN & DHAWAAQ  wuxuu noqday xarun ay ku soo hirteen hoballadii Waaberi ee u qalabqaatay curinta suugaantii Soomaalida u dhayaysey boogihii gumaysigu kaga tegey.  Waxa uu  IFTIIN & DHAWAAQ noqday meesha lagu kala hufo, oo lagu kala haadiyo, suugaanta qaybaheeda kala duwan. Istuudiyuhu wuxuu noqday meel ay dhalintu soo temediso, oo ay saf u soo gasho suugaantaas qaarna dunida ka kala timid, qaarka kalena gudaha dalka sidii ilo burqanaya uga soo baxaysay. Istuudiyahaas warkiisu wuxuu gaadhey dalka dibaddiisa, siiba waddamada deriska ah.

Daahir wuu guursadey,  gooro dhowr ah,  wuxuuna yeeshay ubad wiilal iyo hablaba leh.

Wuxuu mawjadaha ummad xiiseheeda leh dhex mushaaxaba waxaa la soo gaaray masiibadii weynayd ee Soomaali ku habsatay, ee qaarna gallaafatay, qaarkii soo hadhayna qarniyada dib u celisay, oo in bandan debedmeerka ka dhigtay. Wuxuu waddanka ka soo baxay bishii 2aad, 1991,  wuxuuna bilowgii galay dalka Suuriya. Maadaama oo uu lahaa hibo luqadeed, siiba afafka Carabiga iyo Ingriisiga, wuxuu wadashaqayn fiican la yeeshay madaxdii reer Suuriya. Wuxuuna isu qorsheeyey inuu u noqdo ummaddiisa hoggaan u sahla martinimadooda, mar haddii ay soo barakaceen. Wuxuu noqday Sheikhul Somaal  ama wakiilkii  bulshada Soomaaliyeed ee soo qaxday.

Si kastaba ha ahaatee, muddo kooban waxa uu yaqiinsaday inaanay Soomaalidu ka toobad keenin nacii iyo qabyaaladdii ay waddankoodii ku soo burburiyeen; oo in dib loo laabtaana riyo tahay. Mar haddii ay sidaa tahay waxaa uu talo ka badinwaayey in aanu sii eegan magac xumo aanu u lahayn itaal uu wax kaga qabto.  Wuxuu markaas go’aansaday inuu hijradiisa sii wato ilaa uu ka soo gaaray dalka  Denmaark. Meeshaas oo 27kii  sannadood  ee ugu dambeeyay uu joogayna maanta ayuu xaqii ugu yimi. Dhanka kale,  isagoo ah da’a 60 naad ah waxa ku soobaxday hiba sugaaneed oo ku laabudnayd. Burburkii aan waxba hambayn oo ku dhacay dalkiisa iyo dadkiisa waxa uu ka tiriyey gabayo tiiraanyo iyo damqasho leh. 

Labadan tixood, oo ka mid ah suugaantii uu tiriyay xilligii colaadihii sokeeye, aan ku soo afmeero taariikh nololeedkii Daahir:

Siciidoow Sifaalaha adduun sebenba waa cayne
Wixii aan sannado dhaqay markaan samir ka bayhoofay
Soonfur baan ka soo kacay arladi subax sagaalaade
Sidataalna waxan silic mutaba Suuriyaan imiye

Soorada habeenkii saqdhexe samafalkaw taagan
Santigay ka soo ururiyeen suuqa Yurub oo dhan
Selled soogan nimankaa ku dilay hooyo saxariirsan

Saf balaadhan nimankaa u galay gabadhyar oo suubban
Sinji xumada Soomaalidaan goor xun selelaaye
Saqajaan ileen kama siqsiqo calalka mayd saran!

***

Einstein Mugdiga diid markuu guday mahiigaane
Musqul buu ka helay benisaliin muhandaskeediiye
Marcedesna waa laba nin oo maanka kaashadaye
Madiix maale iyo jaahil baan maarra loo heline
Manaafaca adduunyada rag baa meel walbaw maraye

Maxaa niman mareeg furi karayn maqaddim loo doortay
Maxaa macaf wax tuugsada la yiri waa muftigi reerka
Maxay maato taag daran dhaxleen muudalkiyo tuugtu!

Sharaxa magacyada

Albert Einstein: saynisyahan ku xeel dheeraa cilmiga fiisigiska
Penicillin: nooc dawada ka mid ah
Mercedes Benz: nooc gawaadhida ka mida 

Ugu dambayntii, faataxada ha kaga masuugina Alle haw raxmee, Abtigay aan aadka u jeclaa, marxuum Daahir Xaaji Cali.

Naf nooliba geeri way dhadhamin!


Qalinkii, Hassan M Huruse



 
Click here