Ahmed Al-Matary
Monday, September 01, 2008
Kaddib markii sanadkaan ay ka caroodeen koobkii Somali week ayay ku cara-baxeen koob aad uga adag , kan Somali week oo ay dowlado badan oo carab ahi kasoo qayb galeen. Sharafna usoo hoyeen guud ahaan soomaalida oo dhan meel kasta oo aay joogaanba.
Haddaba ciyaarahaas ayaa lagu qabtay magaalada Windsor oo dhexmaray 6 dowladood oo carab ah waxaana Final isug soo baxay kooxda Soomalida Windsor iyo kooxda Kaldaaniyiinta Windsor oo la magic baxday “AC Kings”, kooxdaas oo ah koox ka tirsan Windsor Ontario League aadna u adag khibradna leh.
Ciyaarta ayaa waxay kusoo gabagaboowday 1-1, goolashaas oo ay kala dhaliyeen Laacbika Cali Baashi (Soomaaliya), iyo Xaamid (kaldaaniyiinta).
Kaddib markii la is mari waayay ayaa waxaa la isula tegay Rigoorayaal, Labada Goolli ee kooxaha ayaa si fiican u caabiyay rigoorayaasha intooda badan, balse waxay kusoo gabagaboowday 2-1, oo ay soomaalidu ku adkaadeen, koobkiina ku xambaarsadeen.
Dadwayne badan ayaa farta ku hayay laadka ugu dambeeya markuu laadayay xuseen numeeri, balse narkuu shabaqa ku hubsaday ayaa soomaalidoo dhan sawaxan la kaceen dushana isaga wada boodeen.
Laacibka Cali Baashi ayaa isugu ugu yaraan 3 Koob la qaaday kooxda Somalida Windsor ciyaar khuraafi ahna ciyaaray, oo uu ku mutaystay inuu isku helo 3 koob oo isaga u goonni ah, kuwaaso kal ahaa Toutnament MVP, Team MVP iyo Top Goal Scorer (4Goals).
Jamaahiirata faraha badan oo Carabta ah oo garoonka joogtay ayaa la yaabay xirfaddiisa iyagoo iswaydiinayay, ninkaani kooxda uu u ciyaaro, balse soomaalida ayaa ugu jawaabtay ninkaani waa laacib Qaran, wuxuuna ka tirsan yahay laacibiinta waddanka Soomaaliya, qaarkood ayaa ku jawaabay “ AR MIYAANAN GARAN”.
Sidoo kale laacibka maxamed itoobiya ayaa qaatay billad ah difaacii ugu fiicnaa kooxaha meesha isugu yimi, isagoo ka ciyaaray LAST MAN (Sweeper).
Mar la waydiiyay laacibka Cali Baashi su-aal ah “ had iyo jeer ciyaaraha waad ka dhex muuqataa laacibiinta balse markaad kooxdan Windsor u ciyaaraysid waxaad u ciyaarta si aan caadi ahayn maxay ku dhacday?” wuxuu ku jawaabay meeshaan waxaa jooga dhalinyaro isugu jiro soomaali iyo qaar ajnebi ah oo uu ka mid yahay Benjamiin oo u ciyaara kooxo Windsor league ku jira, laakiin intaas waxaa sii dheer kooxdaan waxay haysataa rag howsha dhan sahal iiga dhigaya oo ay ka mid yihiin Yaasir, Maxamuud Immigration iyo Faragaab, oo runtii anigaba iga yaabsaday sida ay u ciyaarayaan. Raggaas markaan jaanta isla helno difaac kasta waan dilaynaa ayuu yiri Cali Baashi. Wuxuu intaas ku daray in soomaalida kale markuu ka dhex ciyaarayo aysan u famin sidaas raggaasi u fahmaan taasoo ay ugu wacantahay khibradda badan oo ay ka haystaan ciyaartaaas kubadda cagta.
Kooxaha kasoo qayb galay ayaa kala ahaa Somaliya, Libya, Lebanon, Iraq iyo ACKings oo iyagu ahaa kaldaaniyiinta waddanka Iraq.
Haddaba halkaas ayaa soomaalida lagu guddoonsiiay koobkii iyo miidaaliyiidkii dahabiga ahaa, kooxda ACkingsna miidaaliyaadkii silverka ahaa.
Waxaa warbixintaan magaalada Windsor nooga soo diray
Ahmed Al-Matary
E-mail: [email protected]