
Arbaco, January 7, 2026 (HOL) - Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, G/Sare Mahdi Cumar Mumin, ayaa maanta shaaciyay in laga mamnuucay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho gaadiidka xamuulka qaada ee ka badan xadkii sharciga, taas oo bilaabanaysa isla maanta.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo ammaanka waddooyinka iyo mida lagula dagaallamayo khataraha ka dhasha gaadiidka xad-dhaafka ah.
Taliye Mahdi ayaa sheegay in, “Gaadiidka sida xad dhaafka ah loo raray waa laga mamnuucay inay ka shaqeeyaan gudaha caasimadda.”
Ujeedada tallaabadan, ayuu taliyuhu sheegay, waa in laga hortago shilalka ka dhasha gaadiidka aan degganeyn ee xad-dhaafka ah, kuwaas oo halis weyn ku ah badbaadada dadweynaha.
Sawirro muujinaya gaadiid xad-dhaaf ah xamuul usoo qaaday sida dhagaxaanta ayaa lagu baahiyay baraha Bulshada, waxaana ka dashay falcelino ay sameeyeen dadka isticmaala baraha bulshada iyagoo ka digaya khataraha ay dhalin karaan, waxaana shacabka ay si weyn uga walaacsan yihiin halista ay keenaan mararka qaarkiis.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu boorriyey inay si degdeg ah u wajahdo arrintan si loo ilaaliyo dadka magaalada ku nool loona hubiyo in gaadiidka lagu wado si nabadgelyo leh.
Go’aankan ayaa ka turjumaya welwelka shacabka ee la xiriira amniga waddooyinka iyo gaadiidka culus.
Dad badan ayaa ugu baaqay in la adkeeyo xeerarka iyo kormeerka si khatarahaas si wax ku ool ah looga hortago.