Maraykanka oo beeniyay in ciidamadiisu weerar dhulka ah ku qaadeen kooxda Daacish ee ku sugan Baallade

Sabti, November 29, 2025 (HOL) - Milatariga Maraykanka ayaa beeniyay warar sheegayay in ciidamadoodu weerar dhulka ah ku qaadeen kooxda Daacish ee weli ku sugan togga Baallade, iyagoo caddeeyay in aanu jirin howl-gal noocaas ah oo ay sameeyeen. Maraykanku waxay laba jeer ku celceliyeen in wararka sheegaya weerar dhulka ah ay yihiin kuwo aan sax ahayn.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in weerarkii ugu dambeeyay oo dhacay todobaadkii hore uu u ahaa duqeyn ay sameeyeen diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper, taas oo hoobiyeyaal ku tuurtay gudaha god weyn oo ay ku jireen xubno ka tirsan Daacish.

Ilo amni  ayaa sheegaya in la beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah oo ISIS ah, lana rumeysan yahay in sarkaal sare oo ka tirsan kooxda la dilay ama la qabtay, halka illaa 10 dagaalame kalena la toogtay. Ma jiraan warar xaqiijinaya khasaaro soo gaaray ciidamada Maraykanka.

Weerarkan wuxuu qayb ka yahay silsilad howl-gallo milatari oo Maraykanku ka wadaan Soomaaliya, kuwaas oo lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah, gaar ahaan Daacish iyo Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa u sheegay Fox News in duqeynta ugu dambeysay laga fuliyay meel koonfur-bari kaga beegan Boosaaso, isagoo intaasi ku daray in sanadkan uu Maraykanku fuliyay 101 duqeyn, oo 59 ka mid ahna si gaar ah loogu beegsaday Daacishta Soomaaliya, iyagoo kaashanayna Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tirada duqeymaha cirka ee Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya sanadkan ayaa kor u kacday in ka badan toban jibbaar, marka la barbar dhigo howl-galladii la sameeyay sanadkii 2024 intii uu xilka hayay Madaxweyne Biden. AFRICOM ayaa xaqiijisay in sanadkii 2024 ay fuliyeen 10 duqeyn, halka sanadkan ay gaareen in ka badan 100 duqeyn.