
Sabti, November 29, 2025 (HOL) - Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta fariin digniin oo culus u jeediyay xildhibaanada aan si joogto ah u soo xaadirin kulamada Golaha, kuwaas oo marar badan sababay in fadhiyo muhiim ah u baaqdaan kooram la’aan.
Guddoomiye Abshirow, oo maanta shir guddoominayay fadhiga Golaha Shacabka, ayaa shaaciyay in kulankii maanta uu mar kale u baaqday kooram la’aan, xilli xildhibaanada qaarkood iyo wasiirro xildhibaanno ah oo gudaha Muqdisho ku sugan ay weli soo xaadiri waayeen.
Waxa uu maqnaanshahooda ku tilmaamay mid aan loo dulqaadan karin oo dhaawacaya shaqada Baarlamaanka.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Guddoomiye Abshirow wuxuu sheegay in muddo badan dulqaad lagu muujinayay maqnaanshaha, balse dulqaadkaas uu sii xumeynayo anshaxa shaqo ee Golaha.
“Waa dulqaadanay, laakiin dulqaadkeenu waxa uu sababay in xildhibaanadu ay iska maqnaadaan, Xeer-hoosaadkeenna ayaan dabaqeynaa.” ayuu yiri Guddoomiye Abshirow.
Guddoomiyuhu waxa uu shaaciyay in laga billaabo Bisha soo socota gunnada laga jarayo xildhibaan kasta oo fadhiga ka maqnaada, isla markaana aysan jiri doonin in magacyada laga yeeriyo sida hore loogu samayn jiray: “In maalin walba magacyadooda la yeeriyo taas ayaa ka fiican, Jeebkooda ayay ka arki doonaan xildhibaanadii kulamada ka maqnaada.”
Digniintan cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli dhowr jeer oo xiriir ah ay u baaqdeen fadhiyada Golaha Shacabka, arrintaa oo dhalisay dhaliil ballaaran oo ku saabsan mas’uuliyadda xildhibaanada aan ka qeybgalin shaqada Baarlamaanka.