
Arbaco, December 3, 2025 (HOL) - Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 17-aad oo uu shir guddoomiyey guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Aadan Madoobe.
Kulankan ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya waxay uga hadleen qodobo dhowr ah oo xasaasi ah oo uu ugu weyna Heshiiska Aas aasida ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika.
Kulanka ayaa ahaa mid Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya akhrinta sedaxaad ay ku marsiiyeen Heshiiska Aas aasida ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika.
Warbixinta akhrinta sedaxaad ee heshiiskan waxaa Mudanayaasha Baarlamaanka u faahfaahiyey Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ka tirsan Guddiga Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka.
Intaa kadib Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Heshiiska Aas aasida ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika, waxaana ogolaatay 144-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay laba Xildhibaan.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo kulanka khudbad ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ansixintooda ku aadan heshiiskan, isagoo ku tilmaamay talaabo muujinaysa go’aanka iyo himilada Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, nabadda iyo iskaashiga gobolka.
Wasiiru Dowluhu ayaa sidoo kale tilmaamay in ansixinta heshiiskan uu kusoo beegmay xilli Soomaaliya sanadkan markii ugu horeysay ay martigelisay Shirka 34-aad ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka EASF, taasoo muujisay kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ku leedahay nabada iyo amniga gobolka.