
Arbaco, December 3, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta ay dowladda Soomaaliya uga aamustay hadallada xanafta iyo nacaybka leh ee uu maalmahan jeedinayay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo si toos ah ugu weerarayay Soomaali badan oo ku nool dalkaas.
Isagoo ka hadlayay Shirka Lixaad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka Dhalinyarada 2025, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladda aysan u arkin mid mudan in laga dhigo arrin muran siyaasadeed oo kobcisa hadallada Trump.
“Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in aan u jawaabno oo aan hadalkiisa micne u yeelno, waxaa ka dhib yar in aan iska dhaafno, Trump Soomaaliya kaliya ma aflagaadeyn ee dalal badan ayuu waxyaabo xun ka sheegay, Nigeria ayuu wax ka sheegay, South Africa ayuu wax ka sheegay, marka ma ahan wax weyn oo issue laga dhigo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Madaxweynaha Mareykanka tan iyo markii uu sii kordhiyay hadalada naceybka waxay cabsi ku abuurtay Soomaalida ku nool wadankaasi.
Hadalka Ra'iisul wasaaraha ayaa kusoo aaday saacado kadib markii uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu mar kale ku celiyay hadallo naceyb iyo kala-sooc ku dhisan oo uu si toos ah ugu weeraray bulshada Soomaalida ee ku nool dalkaas, isaga oo ku tilmaamay “qashin” aan mudnayn in lagu soo dhaweeyo Maraykanka.