Isniin, October 27, 2025 (HOL) - Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn Xalay ka dhacday magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe oo lagu dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab.
Duqeynta ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa saaxiibbada caalamiga ah ayaa lagu dilay horjooge magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cabdi Xaamud oo loo yaqiinay Jacfar Gurey.
newsinsideHorjoogaha duqeynta Xalay lagu dilay ee Jacfar Gurey ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa asaasayaasha kooxda Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale saaxiib dhow lasoo ahaa horjoogayaasha ugu sareeyay hogaanka kooxda sida Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye oo uu mudo dheer la soo shaqeeyay.
Horjoogahan ayaa la tilmaamay inuu horay u soo qabta6 xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxa amniga Dibadda, madaxa amniga madaxda Al-shabaab, iyo madaxa Dabagalka, dhamaan xilalkaas ayaa ah kuwa la xiriira howlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada, iyo dilalka arxan darrada ah ee fuliso Al-shabaab.
"Dhagarqabahan ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee kooxda, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo ay ku wada jireen horjoogihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka Al-Shabaab" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in howlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xureeyo kooxaha argagixisada ah.