Xisbiga KAAH ee Somaliland oo sheegay in aanu aqbali doonin in wadahadal dambe dhex maro Somaliland iyo Soomaaliya

 

Isniin, October 27, 2025 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ugu weyn ee  KAAH, ayaa sheegay in aanu doonayn in wadahadal dambe dhex maro Somaliland iyo Soomaaliya. Sidoo kale, waxa uu sheegay in maamulka Waqooyi Bari aanu noqon doonin maamul hirgala.

Guddoomiyaha Xisbiga KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa ugu horreyn sheegay in gobolka Sool la wada dago, isla markaana maamulka Waqooyi Bari aanu haysan dhul ku filan oo uu ka dhisto maamul buuxa.

“Gobolka Sool waa gobol ballaadhan, cid gaar ahina ma degto Sool, waxa wada dega qabaa’il kala duwan. Tallaabada ay dowlada Soomaaliya halkaas ka wadday waxay ahayd mid qaldan, oo aan bulshada walaalaha ah ee gobolka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed isku soo dhawaynayn,” ayuu yidhi Guddoomiye Xaashi.

Waxa uu sheegay in reer Sool ay xaq u leeyihiin in ay aragtidooda cabiraan, balse aanay haysan dhul ku filan oo maamul laga sameeyo. Wuxuu intaas ku daray in gobolku ka kooban yahay degmooyinka Laascaanood, Xudun, Taleex iyo Caynaba, isaga oo tilmaamay in Xudun la wada dego, halka Caynaba aanay degin beesha taageerta maamulka Waqooyi Bari, sidaas darteedna ay kaliya laba degmo si buuxda u haystaan.

“Ma aaminsanin wadahadal dambe oo toos ah oo Somaliland iyo Soomaaliya ay wada yeeshaan. Muumin laba jeer god lagama wada qaniino. Soomaaliya hore ayaanu u wadahadalnay, wadahadalo ayaa na dhex maray, balse qodobkii ugu horreeyay ayaanu isku dhaafi waynay,” ayuu yidhi Xaashi, isaga oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay aragtidooda ku aaddan wadahadalada.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhankeeda dhawaan ku dhawaaqday in ay gabi ahaanba meesha ka saartay wadahadaladii labada dhinac usoo socday mudada dheer, iyada oo ku sababaysay in dowlada Soomaaliya ay faragelisay dhul kamid ah Somaliland, taasoo ay ula jeeday dhismaha maamulka Waqooyi Bari.

Wadahadalada labada dhinac oo la bilaabay sannadkii 2012, oo markii ugu horreysay ka furmay magaalada London, ayaa lagu qabtay sidoo kale Turkiga, Imaaraadka iyo Jabuuti sannadihii xigay. Si kastaba ha ahaatee, lagama gaadhin natiijo wax ku ool ah ama heshiis la taaban karo.