Shirka Sanadlaha ah ee Dib u Eegista Waxqabadka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay


Sabti, October 25, 2025 (HOL) - Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 25 Oktoobar 2025 lagu qabtay Hotel Sanaag ee magaalada Muqdisho shir sanadle ah oo dib loogu eegayay waxqabadka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo la qorsheeyay inuu socdo laba maalmood (25–26 Oktoobar 2025) ayaa lagu falanqeynayaa guulaha waxqabad ee la gaaray sanadkii la soo dhaafay, caqabadaha jira, iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee horumarinta howlaha wasaaradda.

newsinsideWasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Daahir Shire Maxamed ayaa si rasmi ah u furay shirka, isaga oo xusay muhiimadda uu leeyahay wada shaqeynta Hay'ada Batroolka iyo Wasaarada iyo dhammaan waaxyaha wasaaradda iyo hay’adaha ku shaqada leh si loo gaaro horumar muuqda oo ka tarjumaya danaha qaranka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo horumarinta kaabayaasha batroolka iyo macdanta dalka.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin sar sare oo ay ka mid yihiin: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Daahir Shire Maxamed, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda  Ismaaciil Shire Buraale, Wasiir ku xigeenka Cabdiwahaab Cabdi Cumar Caananuug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Xaashi Carabeey, Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (SPA) Cabdulkadir Aadan Maxamuud, Xoghayaha Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (SPA) Cabduqadir Maxamuud Diiriye, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda iyo khubaro madax bannaan.