Soomaaliya iyo Nigeria oo iskaashiga cusub ka yeelanaya la dagaalanka Argagixisada

 

Sabti, October 25, 2025 (HOL) - Taliyaha ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo loo yaqaano Jeneraal Khaalid ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Kigali ee dalka Rwanda dhigiisa Taliyaha ciidanka Lugta ee dalka Nigeria Major General Usman Abdulmumin Yusuf.

Kulanka labada taliye ayaa ahaa mid diirada lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinaca ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria, gaar ahaan dhanka la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

newsinsideLabada Taliye ayaa sidoo kale isla meel dhigay  is weydaarsiga khibradaha dagaal  iyo tababarada ciidamada, iyagoona isku raacay in la sii balaariyo iskaashiga labada ciidan ee Soomaaliya iyo Nigeria, maadaama labada dal ay ka siman yihiin la dagaalanka maleeshiyaadka loogu yeero argagixisada.

"Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaalada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo la-dagaallanka argagixisada" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya. 

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaalo mudooyinkii dambe dowladda Fedaraalka  ugu jirtay dhismaha iyo tayaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku xoojineysay iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.