Hoggaamiyeyaasha kooxda RSF oo isku dayaya inay xakameeyaan fadeexaddii Xasuuqii El-Fasher

 

Jimco, November 7, 2025 (HOL) - Warbixin ay baahisay waaxda BBC Verify ayaa daaha ka qaaday in hoggaanka ciidamada RSF (Rapid Support Forces) ee Suudaan uu ku hawlan yahay olole lagu xakamaynayo dhaawac soo gaadhay sumcadooda kadib markii ay soo baxeen caddeymo muujinaya xasuuqyo ay ciidamadooda ka geysteen  gudaha magaalada El-Fasher ee waqooyiga Suudaan sida BBC-du qortay.

Maalmo kadib dhacdadan foosha xun, oo dad masaakiin ah ay ciidamada RSF ku xasuuqeen,  hoggaamiyaha RSF Jeneraal Maxamed Xamdaan (Hemedti) ayaa qirtay in ciidamadiisu sameeyeen “xadgudubyo” isla markaana sheegay in arrintaas la baadhi doono.

Sidoo kale, saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay in RSF ay sheegatay inay xidheen dhowr askari oo looga shakisan yahay dambiyadaas, waxaana ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedka lagu magacaabio Abu Lulu, oo BBC Verify horey u soo bandhigtay muuqaallo caddeynaya inuu dilal gaystay.

newsinsideMuuqaalo si taxadar leh loo duubay oo lagu baahiyey bogga rasmiga ah ee RSF ee Telegram-ka ayaa muujinaya Abu Lulu oo lagu wado xabsi ku yaalla duleedka El-Fasher. Dhanka kale, cilmi-baadhayaal ka tirsan Jaamacadda Yale ayaa ku eedeeyay RSF inay “baabiinayaan raadadka dambiyadooda dagaal”.

Ciidamada RSF ayaa la arkay iyaga oo dad shacab ah xasuuqaya, isla waqtigaas, RSF iyo taageerayaasheeda baraha bulshada ayaa bilaabay olole ay doonayeen inay ku beddelaan sheekada dhacdada. Waxaa lagu arkay sawirro iyo muuqaallo muujinaya dagaalyahanno RSF ah oo raashin siinaya dad rayid ah, iyo sidoo kale fiidiyowyo ay ku andacoonayaan inay si bani’aadamnimo ah ula dhaqmaan maxaabiista dagaalka.

Mid ka mid ah qoraallada lagu faafiyey Telegram-ka oo ay RSF soo dhigtay ayaa lagu qoray:
“RSF waxay xaqiijinaysaa in maxaabiista dagaalka ee ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan loo daweeyo si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada (IHL).”

Si kastaba ha ahaatee, olole kasta oo baraha bulshada ah ma qarin karo cadhada iyo cambaareynta caalamiga ah ee ka dhalatay ficillada RSF ay ka gaysteen El-Fasher.

BBC Verify ayaa sheegtay in ay isku dayday inay la xidhiidhto hoggaanka sare ee kooxda RSF si ay uga jawaabaan eedeymahan, balse kooxdu kamay bixin wax jawaab ah.