Jimco, November 7, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qaybgalay daahfurka Dukumeentiga Natiijada ee Guddiga Heerka Sare ee Ilaalinta Bulshada oo lagu qabtay magaalada Dooxa, dalka Qadar.
Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Rt Hon Baroness Chapman of Darlington, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Boqortooyada Ingiriiska, iyo Saalax Axmed Jaamac, iyagoo si rasmi ah u soo bandhigay ajandaha cusub ee lagu magacaabo “Catalytic Agenda”, oo diiradda saaraya nabadda, xasilloonida, iyo adkeysiga bulshada.
newsinsideWarbixinta ayaa tilmaantay in hadda hal qof afartii qofba midkood uu ku nool yahay deegaano ay saameeyeen colaado, kuwaas oo ah meelaha ugu daran ee saboolnimadu ka jirto, saameynta cimiladuna ay ku badan tahay, iyo halka halista barakaca khasabka ah ay sii kordhayso.
Guddigan heerka sare ah ayaa loo dhisay si loo xoojiyo caddaynta muujinaysa in nidaamyada ilaalinta bulshada ee gudaha dalalka laga hirgeliyo ay yihiin maalgelinta ugu waxtarka badan ee nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay gacan ka geystaan in qoysasku ay ka gudbaan dhibaatooyinka oo ay dib u dhistaan noloshooda si sharaf leh.
Ajandaha Catalytic ayaa soo jeediyay qorshe ficil ah oo loogu baaqayo dowladaha, hay’adaha horumarinta, ururrada caalamiga ah, iyo bulshada rayidka inay si degdeg ah u wada shaqeeyaan si loo aqoonsado muhiimadda ay nidaamyada ilaalinta bulshada u leeyihiin dhismaha nabadda, soo kabashada, iyo horumar waara.
Gabagabadii, labada guddoomiye ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga iyo dhammaan khubarada ka qaybqaatay ururinta xogta iyo waayo-aragnimada, iyagoo carrabka ku adkeeyay in maalgelinta ilaalinta bulshada ay tahay maalgashi lagu xoojinayo xasiloonida iyo nabadda caalamka, si qof walba uu ugu noolaado sharaf iyo nabad.