Arbaco, November 26, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in Xalay muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay deegaanka Philippi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo Xeebeedka Cape town.
Allah u naxariiste muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Qaasin Cabdi Xasan oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi u shaqa tagay.
newsinsideBurcad hubeysan oo u dhalatay Koonfur Afrika ayaa marxuumka ku dhex toogtay gudaha goobtiisa ganacsi oo ku taalay deegaanka Philipi oo ka mid ah deegaanada ugu halista badan ee lagu beegsado ganacsatada Soomaalida.
Dilka marxuumka kadib ciidamo ka tirsan Booliiska Koofur Afrika ayaa tagay goobta lagu dilay Marxuumka, waxaana halkaasi ay samyeen baaritaano la xiriira falkaas, hayeshee lama soo warin cid ay u soo qabteen dilka loo geystay muwaadinka Soomaaliyeed.
Marka la gaaro dhamaadka sanad walba waxaa si aad ah u kordha dilalka iyo boobka loo geysanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Koofur Afrika, maadama burcadu ay doonayaan dhaqaalo ay ku tamashleeyaan, taasina waxay keenta in muwaadiniin badan oo Soomaali ah ku waayaan dalkaas naftooda iyo maalkooda.