Arbaco, November 26, 2025 (HOL) - Xulka qaranka Soomaaliya ayaa caawa wajahaya dhiggiisa Oman, kulan ka tirsan isreeb-reebka Koobka Carabta FIFA Qatar 2025, iyadoo labada dhinac ay sameeyeen diyaar garow xooggan ka hor ciyaarta ka dhici doonta Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdullaah Bin Khalifa.
Kulankan ayaa go’aamin doona kooxda u gudbeysa wareegga labaad ee tartanka, Macallinka xulka Soomaaliya, Yuusuf Cali Nuur, oo ka soo muuqday shir jaraa’id oo ka dhacay Doha, ayaa muujiyay rajo sare oo ku aaddan in Xulka Soomaaliya ay ka soo hoyn karto natiijo wanaagsan, inkastoo uu qiray in kulanka Oman uu yahay mid adag.
newsinsideYuu Cali, ayaa tilmaamay in xulka uu ka faa’iideystay khibraddii laga helay ciyaarihii tijaabada iyo tartamada Afrika.
“Diyaargarowgeennu wuxuu yahay mid wanaagsan, Ciyaartooyo badan ayaa muujiyey horumar, Hadafkeennu waa inaan soo bandhigno ciyaar geesinnimo leh oo natiijo wanaagsan keenta.”
Macallinka ayaa xusay muhiimadda ay guushu u leeyihiin ciyaartooyda iyo taageerayaasha Soomaaliyeed
“Waxaan rabnaa inaan farxad galino shacabka Soomaaliyeed iyo jaaliyadda ku sugan Qatar, Guushu waxay noo noqon doontaa dhiirigelin weyn oo na caawin doonta inaan dib ugu soo laabanno masraxa tartamada waaweyn.”ayuu yiri Tababare Yuusuf Cali.
Dhanka kale, tababaraha xulka Oman, Carlos Queiroz, oo 72 sano jir ah, ayaa muujiyay in kooxdiisu ay si buuxda u diyaar tahay, ayna ujeedadoodu tahay inay si awood leh ugu gudubto wareegga kooxaha.
Queiroz ayaa sheegay in Oman ay ka go’an tahay inay soo bandhigto ciyaar wanaagsan oo natiijo fiican keenta.