Isniin, November 24, 2025 (HOL) - Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Somaliland ayaa maanta soo saaray warbixin faahfaahsan oo ku saabsan kiisas kufsi ah oo bishii 4aad ka dhacay magaalada Burco, kaas oo loo haysto nin macallin Qur'aan ah oo lagu helay inuu kufsaday wiil iyo gabadh da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 11 sano jir.
Warbixinta oo ku taariikhaysan 24-ka November 2054, kuna socota warbaahinta madax-bannaan, ayaa lagu sheegay in macallinku uu xoogay wiil 9 jir ah, oo inta uu gaadhi ku qaatay uu magaalada kala baxay iyo gabadh 11 jir ah, oo uu sidoo kale baabuur ku qaatay.
Faahfaahinta Kiisaska
newsinsideSida ku cad qoraalka Xeer Ilaalintu, dhacdada koowaad ayaa dhacday 10/04/2025, waxaana ninka kufsiga gaystay lagu helay inuu wiil yar ka qaatay agagaarka xabsiga dhexe ee Burco, isagoo ka codsaday inuu guri u tilmaamo lacagna siinayo. Eedaysanaha ayaa la sheegay inuu wiilka geeyay meel cidlo ah oo uu ku kufsaday, isaga oo tukaan sii mariyay oo uga iibiyay sharaab ka hor inta aanu kufsan.
Dhacdada labaad ayaa dhacday 21/04/2025, halkaas oo ninkan lagu helay inuu gabadh 11 jir ah oo u socotay gurigooda ka codsaday in ay baabuurkiisa soo fuusho oo ay guri u tilmaanto, isaga oo gabadha sii mariyey tukaan uu sharaab uga iibiyey, ka dibna geeyay meel cidlo ah oo uu kufsaday.
Caddaymaha Baadhista Lagu Helay
Xeer Ilaalintu waxay sheegtay in baadhis qoto dheer ka dib ay soo baxeen caddaymo muhiim ah oo ay ku jiraan:
• Lambarka gaarka ah ee eedaysanuhu lacagta uga diray tukaannada uu carruurta uga iibiyay sharaabka.
• Saf aqooneed ay ciidamada sameeyeen oo carruurtu si gaar gaar ah ugu aqoonsadeen eedaysanaha, sida nooca baauurkiisa iyo isaga shakhsi ahaan.
• Warqado caafimaad oo muujinaya in labada carruur ahba uu jidhkoodu muujinayo calaamado kufsi, iyaga oo caruurtu sheegeen in uu isku meel ku kufsaday.
• Diiwaanka CCTV qabatay oo muujinaya gaadhiga eedaysanaha iyo dhaqdhaqaaqyadiisa maalmaha ay dhacdooyinku dhaceen.
Go’aannada Maxkamadaha
Maxkamadda Gobolka Togdheer ayaa markii hore sii daysey eedaysanaha, iyadoo sheegtay inaysan u cadaan in falka kufsiga uu isaga geystay, inkasta oo maxkamaddu ay qiratay in kufsi dhacay.
Hase yeeshee, Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer ayaa kiiska dib u eegis ku samaysay, waxayna ku heshay eedaysanaha dambiyada labadii fal kufsi, waxaana lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah midkiiba iyo bixinta xuquuqaha dhaawacyada ka soo gaadhay labada carruur ah.
Xeer Ilaalinta Guud ayaa sheegtay in kiisku weli u furan yahay racfaan muddo 30 cisho gudahood ah.