Isniin, November 24, 2025 (HOL) - Xidigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17-ka sano ayaa maanta guul weyn ka gaaray dhigooda dalka Rwanda oo ay isaga hor yimaadeen kulan ka tirsan Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka socda dalka Itoobiya.
Kulankan ayaa Soomaaliya u ahaa kii afaraad oo ay ciyaarto, waxaana Xidigaha Ocean Stars ay muujinayeen awood ciyaareed iyo isku xirnaan u suurta gelisay iney kaga adkaadaan dhigooda dalka Rwanda 3–0.

newsinsideSadaxda Gool Soomaaliya waxaa u kala dhaliyay Ciyaaryahan Anaa Box oo labo gool dhaliyay iyo Ciyaaryahan Giridhi oo goolka sadaxaad dhaliyay.
Guushan galabta ay gaareen da'yarta Qaranka Soomaaliya ayaa ka dhigan inaysan wali wax guuldarro ah kala kulmin dhamaan afartii kulan oo ay soo ciyaareen.
Wadarta guud ee dhibacaha ay heystaan Xidigaha Qaranka Soomaaliya noqoneysa 6 dhibcood oo ku kala yimid sadax kulan oo barbaro ahaa iyo kulanka galabta ay ka guuleysteen dalka Rwanda.
Rajada 17 jirada Soomaaliya ee ah iney u soo gudbaan wareega afar dhamaadka tartanka ayaa ku xiran kulan isla maanta dhex mari doona xulalka Kenya iyo South Sudan, waxaana haddii ciyaarta laga adkaado Kenya, rajada Soomaaliya ay noqon doonta mid wanaagsan, hayeeshee haddii ay Kenya guuleysato Soomaaliya ayaa isaga soo hari doonta tartanka Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka socda dalka Itoobiya.