Axad, November 16, 2025 (HOL) - Guddiga Arrimaha Gudaha, Maamulada Gobolada iyo Amniga ee Golaha Shacabka ayaa maanta kulan su’aalo weydiin ah kula yeeshay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi.
Kulankan ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa waxaana shir-guddoominaysey Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh.
newsinsideKulanka sidoo kale waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey), iyo Xoghayaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xasan.
Mas’uuliyiinta wasaaradda amniga iyo taliska booliska ayaa guddiga siiyey warbixin guud oo ku saabsan xaaladda amniga dalka, howlaha u socda wasaaradda Amniga, iyo qorsheyaasha taliska Booliska ee ku aaddan sugidda amniga caasimadda iyo gobollada.
Intii kulanku socday, xubnaha guddiga ayaa su’aalo kala duwan oo la xiriira amniga weydiiyay wasiirka iyo taliyaha Booliska, kuwaas oo dhankooda ka jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyey.
Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku raacay in la joogteeyo kulamada noocan oo kale ah, si kor loogu qaado isla xisaabtanka, loona dardargeliyo howlaha qaranka ee ay mas’uuliyadda u hayaan wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh, oo kulanka soo xirtay, ayaa uga mahadcelisay Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska sida ay uga soo qeyb galeen kulanka, iyadoo ku bogaadisay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.