Axad, November 16, 2025 (HOL) - Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo garab ka helaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kumaandooska Danab ayaa fuliyey howlgal qorsheysan oo ballaaran ka dhacay tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan oo la sheegay in si heer sare ah loo qorsheynayey ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen tuulooyinka Muse-Xaaji, Arare, Kobon, Bangeeni, iyo Maleyleey oo ay u adeegsan jireen sidii ay uga soo abaabuli lahaayeen weerarro ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaanka iyo isku socodka bulshada.
newsinsideIntii uu howlgalka socday, ciidamada isgarabsanaya ayaa weeraray fariisimihii Kooxdaan Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa hawlgalka, waxaa halkaas lagu dilay 56 Dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 20 kale oo dagaalamayay nolosha lagu soo qabtay.
Saldhigyadii kooxda ee ku yaallay tuulooyinka la beegsaday ayaa gabi ahaanba la burburiyey, taas oo dhabar-jab weyn ku noqotay awooddii iyo dhaq-dhaqaaqii ay Al shabaab halkaasi ku lahayd sida ay xustay warbaahinta Jubaland.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgalladu sii socon doonaan ilaa laga xaqiijiyo in deegaanka laga sifeynayo khatarta argagixisada, loona soo celinayo nabadda iyo noloshii caadiga ahayd ee shacabka reer Jubbooyinka.