Somaliland oo sheegtay in hadda kadib aan dal-ku-galka Soomaaliya lagu xujayn doonin dadka u safraya Hargaysa

 

Sabti, November 15, 2025 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in hadda kadib aan shacabka Somaliland lagu xujayn doonin in ay qaataan dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya, arrintaasina ay dhammaatay shalay.

Xubno wasiiro ah oo xukuumadda Somaliland u xilsaartay arrimaha hawada iyo ka hortagga fiisaha danabaysan ee Soomaaliya ayaa sheegay in hadda kadib aan dadka u safraaya Somaliland laga weydiin doonin fiisaha Soomaaliya, kaddib dadaallo ay sameeyeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in Somaliland ay la xidhiidhay waddamada caalamka, isla markaana ay u sheegeen in dowladda Soomaaliya aanay wax maamul ah ku lahayn hawada Somaliland.

Waxa uu sheegay in xidhiidhada ay sameeyeen ay horseedeen in Ururka Caalamiga ah ee Duulimaadyadu (IATA) uu ku qanco in Somaliland ay awood buuxda u leedahay maamulka hawadeeda.

newsinside"Waxay IATA xaqiijisay in Somaliland ay awood buuxda u leedahay maamulka madaarradeeda, badqabka diyaaradaha iyo nabadgelyada rakaabka, waxaana sii socon doona xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dhammaan waddamada," ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in barnaamijkii E-Visa-ha ee dowladda Soomaaliya ay ku soo rogtay dadka u socda Somaliland uu shalay ku ekaa, isla markaana dadka imanaya Somaliland ay hadda dal-ku-galka ka qaadanayaan madaarrada dalka.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay isku dayday in ay caddaadis saarto Somaliland, sida in dadka reer Taiwan laga mamnuuco in ay u safraan Hargaysa, balse dhammaan isku dayadii ay samaysay ay fashileen, Somalilandna ay guulaysatay iyada oo adeegsanaysa awoodeeda diblomaasiyadeed iyo xeerarka caalamiga ah.

"Waxa ku xigtay tallaabadii E-Visaha oo iyaduna shalay dhammaatay, marka waxa farxad ah in intii xukuumaddan joogtay aanay Soomaaliya u suurtagelin arrin hawada la xidhiidha oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland," ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in hawshu aanay wali dhammaan, balse ay doonayaan in si buuxda ula wareegaan maamulka hawada, iyaga oo wadi doona tallaabooyin lagu dhamaystirayo shuruucda hawada. Waxa kale oo uu sheegay in laga soo bilaabo 10-kii November ay Somaliland si buuxda u maamulaysay hawadeeda, diyaaradaha u socda hawadeeda marayana ay si buuxda uga amar qaadanayeen.

Wasiirku waxa uu sheegay in shacabka Somaliland ay qaadeen olole ay ku doonayaan in maamulka hawada loogu celiyo Somaliland, balse arrimaha hawadu yihiin kuwo xasaasi ah oo u baahan in shuruucda loo raaco, isla markaana tallaabooyinkii ay qaadeen ay ku salaysnaayeen sharciga caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya wali dhankeeda kama hadlin arrimaha fiisaha, balse Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in la jabsaday nidaamka fiisaha Soomaaliya, oo xogtooda laga xaday dad ku dhow 35,000 oo ruux. Waxa kale oo jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay ka guurtay shabakaddii hore ee dal-ku-galka oo ay hadda mid cusub furtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in nidaamka cusub ee dal-ku-galka danabaysan uu wax ka tarayo amnigeeda, isla markaana loo baahan yahay in qof kasta oo u safraya Soomaaliya – oo ay Somaliland ku jirto – uu bar internet ah ka dalbado dal-ku-galka.