Sabti, November 15, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u dhagax-dhigay dib-u-dayactir iyo dhismaha 18 xarumood oo caafimaad oo casri ah, kuwaas oo lagu qalabeyn doono agab caafimaad oo dhammaystiran, si kor loogu qaado adeegyada caafimaadka ee bulshada ku nool caasimadda.
Munaasabadda dhagax-dhigga oo ka dhacday Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee degmada Waaberi, ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, maamulka gobolka Banaadir iyo howlwadeenno caafimaad, kuwaas oo sheegay in mashruucani uu wax weyn ka tari doono baahiyaha caafimaad ee bulshada.
newsinsideMashruucan cusub ayaa ka kooban 4 isbitaallo waaweyn iyo 14 rugo caafimaad (MCH), kuwaas oo laga hirgelinayo 11 degmo oo Muqdisho ka tirsan.
Ujeeddada guud ee mashruuca ayaa ah in la xoojiyo kaabayaasha caafimaad ee hooyada iyo dhallaanka, loona hubiyo in haweenka uurka leh, carruurta iyo qoysaska danyarta ahi ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Duqa Muqdisho Muungaab oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhammaan xarumaha la dhisayo ay bixin doonaan adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah, taas oo hoos u dhigi doonta ku tiirsanaanta adeegyada gaarka loo leeyahay ee qaali ah.
“Mashruucani waa mid bulshada danyarta ah u hiilinaya, waxaanan hubin doonaa in adeegyada caafimaad ee aas-aasiga ahi aysan noqon kuwo lacag lagu xiro,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Mashruucan caafimaad ayaa noqday mid dhabbaha u xaaraaya ballanqaadka maamulka gobolka Banaadir ee ku aaddan xaqiijinta adeegyo caafimaad oo loo siman yahay, iyadoo bulshada Muqdisho ay rajo wanaagsan ka muujisay hirgelinta xarumahan cusub.