Gabdho Soomaali ah oo ku biiray Daacish oo xukun xabsi lagu riday dalka Norway
Sabti, January 25, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Norway ayaa sheegaya in Maxkamad ku taal dalkaasi ay xabsiga dhigtay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib markii lagu helay inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish (IS), kaddib markii ay si qarsoodi ah ugu safreen dalka Suuriya iyagoo da’yar ah sannadkii 2013-kii.
Labada gabdhood oo hadda kala jira 27 iyo 31 sano, ayaa lagu helay dambiga ah inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, oo ah koox argagixiso oo liiska madow kaga jirta dalka Norway iyo waddamada reer galbeedka, wararku waxa ay tibaaxeen in Gabadha weyn lagu xukumay afar sano oo xarig ah, halka walaasheed ka yar lagu riday xukun laba sano ah, oo mid ka mid ah sannadahaas uu yahay mid la hakiyay.
Sida ay qoreen warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa shaaca ka qaadaya in Xukunnadan ay waafaqsanaayeen codsigii xeer-ilaaliyeyaasha, Maamulka Norway ayaa dib u soo celiyay labada gabdhood bishii Maarso 2023, iyagoo sabab uga dhigay daryeelka carruurtooda oo hooyooyinkood lala geeyay xabsiga Roj oo ay maamulaan Kurdiyiinta, kaasoo loogu talagalay maxaabiista jihaad doonka ah ee ku yaalla waqooyi-bari Suuriya.
"Maxkamaddu waxay go'aamisay in si shaki la’aan ah loo caddeeyay in labada eedaysane ay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, si la mid ah intii ay awoodeen haweenka ee looga baahnaa, iyagoo ahaa xaasas iyo hooyooyin guri," ayay go’aamisay maxkamadda degmada Oslo.
Gabdhahan oo ah muwaadiniin Norwegian ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa beeniyay dambiyada lagu soo oogay, iyagoo ku adkaystay in lagu qasbay inay ku biiraan kooxda, ayna ku sugnaadaan Suuriya, Waxay si qarsoodi ah uga baxsadeen Norway dabayaaqadii 2013-kii, iyagoo jira 16 iyo 19, si ay - sida ay markii dambe ku sharraxeen email - uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah nidaamka Bashaar al-Assad, Markii ay tageen Suuriya, waxay guursadeen dagaalyahannada Daacish. Gabadha ugu weyn ayaa markii dambe dhashay laba gabdhood, halka tan ugu yarna ay dhashay hal gabar.