Sabti, January 25, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo aroorninadii hore ee saakay ka dhacay magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud, kaasoo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ku qaaday gudaha magaaladaas, waxaana xigay dagaal toos ah oo halkaasi ku dhexmaray labada dhinac.
Wali si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka oo lasoo warinayo inuu ahaa mid aad u xoogana, waxaana wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan iney jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaas iyo qaraxa ka horeeyay.
Dowladda Fedaraalka ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada is kaashanaya ay fashilyeen weerar gaadmo ahaa oo kooxda Al-shabaab ku qaaday Masagawaa.
"Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Kuwa Difaaca ee Ku Sugan Magaalada Masagaway Ee Gobolka Galgaduud ayaa Fashiliyey Weerar Gaadma ah oo ay khawaarijtu Soo Qaadeen Waxaana lagu dhuftay Dharbaaxo Kulul" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.
Waxaa hawada ka maqan Isgaarsiinta magaalada Masagawaa deegaanada kale ee hoostaga, taasoo sii adkeyneysa in si dhab ah loo helo warar madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo dagaalka is xigay.
Lasoco wixii kusoo kordha wararkaan.