1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2025
Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Galgaduud
 

Khamiis, January 23, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysna oo Xalay Fiidkii hore ciidanka deegaanka ka fuliyeen deegaanka Ceel garas ee gobolka Galgaduud, kaasoo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab.

Ciidamada difaaca deegaanka ayaa la sheegay in howlgalka ka dhacay Ceel garas ay ku dileen horjooge lagu magacaabo Mirre Cagdheer iyo laba kale oo ka tirsanaa Saraakiisha kooxda ee deegaankaas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalka lagu dhaawacay ilaa lix xubnood oo ay ka mid yihiin horjoogayaal magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Salmaan oo ahaa horjoogahii deegaanka Ceel garas iyo Madaxii Maaliyadda Kooxda ee deegaankaas oo magaciisa lagu soo koobay Jabriil.

Maxamed Faarax Geeddi oo howlgalkaan  hoggaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dhaawacyadii kooxda Al-shabaab ay ula carareen dhanka magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan khasaaraha xoogan lagu gaarsiiyay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsana kooxda Al-shabaab ee deegaanka Ceel garas ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgalada ka dhanka ah kooxda oo mudooyinkii lasoo dhaafay hakad ku jiray.