1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2025
Wasiir Cali Xoosh “Waxaan rabna doorasho qof iyo cod ah iyo in meesha ka baxdo Shilinka jeebka ku jira igu doorta"
 

Khamiis, January 23, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ku sugan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa si faahfaahsan uga hadlay dadaalada dowladda ay ku bixineyso in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.

Wasiir Cali Xoosh ayaa sheegay in dowladda ay ka go'an tahay iney dib ugu celiso awooda codeynta bulshada Soomaaliyeed, si ay u soo doortaan hogaan ay ku qanacsan yihiin laga soo bilaabo doorashooyinka golaha deegaanka ilaa tan madaxweynaha dalka.

“Waxaan rabna doorashada qof iyo codka ah iney dalkan ka dhacdo oo aan meesha ka saarno shilinka jeebka igu jiro igu doorta anaa uga tabar roon kan kale ee hala i doorto dhahaya, Siyaasiga qeylinaya oo qof kale soo kireystay dan idiinma hayo, doorasho qof iyo cod ah aan galno, kii idiin fiicana doorta” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in qorshuhu yahay in shacabka Soomaaliyeed ay la xisaabtami karaan qof walba oo ay iyaga soo doortaan.

"Waxaan rabna masuul kasto oo aad doorataan inaad la xisabtantaan oo aad xujeysataan, lakiin kan lasoo magacaabo aan doorasho ku iman  ma xujeyn kartaan, marka waxaan dooneyna inaad na xujeysan oo aad madaxweynaha xujeysaan, aniga oo idin baryaya aan idin imaado, maayarka oo idin baraya ha idin yimaado oo xata madaxweynaha oo idin baryaya ha idiin yimaado" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka dalka ay ku dhawaaqeen in ay billaawdeen howlaha doorashooyinka, islamarkaana marka hore la diiwaan galinayo Ururada dalka, kadibna ay tagi doonaan dhamaan goobaha Codeynta oo gaaraya 300 oo goobood.