1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2025
Puntland: Dowladda Federaalka waxay hor istaagtay in dhaawacyada ciidanka Puntland ay helaan daryeel caafimaad oo dibadda ah
 

Khamiis, January 23, 2025 (HOL) - Puntland ayaa si adag u eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay caqabad ku tahay dadaallada lagu daryeelayo dhaawacyada ciidamada Puntland ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoo, oo ka hadlayay arrintaas ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan wax taageero ah siinin Puntland, isla markaana ay ku fashilantay kaalmada dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish.

“Dawladda Federaalka annagu ka codsan mayno taageero, wayna ku fashilantay inay gacan siiso dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish. Dhaawacii u dambeeyay ee la qaadi lahaa ayay hor istaagtay ogolaanshihiisa,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Lugatoor.

Askartii ugu dambeeyay ee ku dhaawacma dagaalka Daacish ayaa loo qaaday dalka Ethiopia, kaddib markii dowladda Ethiopia ay ka caawisay Puntland in ciidamada dhaawacyada culus qaba dalkeeda lagusoo daaweeyo.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa askar badan ku weyday dagaalka ay kula jirto kooxda Daacish tan iyo markii uu howlgalka bilowday bishii December ee sannadkii hore.

Daacish ayaa adeegsanaysa qaraxyo ay ku xireen diyaaradaha Droneska, iyagoo ku bartilmaameedsanaya meelaha ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland. Inkastoo ciidamadu ay ku guulaysteen inay fashiliyaan tiro badan oo qaraxyo ah oo lagusoo xiray diyaarado Drones ah.