1/27/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 18, 2025
SODMA iyo WFP oo ka wada hadlay xaaladaha bani'aadanimo ee ka jira Soomaaliya
 

Sabti, January 18, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta iyo Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Maclin Cabdulle ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta dhexe ee Hay’adda SODMA ee magaalada Muqdisho madaxa hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Bariga Afrika Md. Laurent Bukera.

Labada masuul ayaa kulankooda si gaar ah uga hadlay xaaladaha bani'aadanimo ee waqtigaan ka jira meelo badan oo ka mid ah gobolada dalka, islamarkaana laga cabsi qabo iney saameyn taban ku yeelato nolosha dadka iyo duunyada.

"Kulanka labada masuul ayaa si dhaw loogu falanqeeyay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, sidii ay wada-shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo abuuridda jawi u fududeenaya bahwadaagta howlaha gargaarka in ay waajibaadkooda si fudud u gutaan" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafjiska Hay'adda SODMA.

Maxamuud Macallin Cabdulle guddoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa ka codsaday madaxa hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Bariga Afrika Laurent Bukera iney si dhaw ula shaqayaan hay’adda SODMA iyo Wasaaradaha Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee dowlad goboleedyada dalka.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha SODMA ayaa ugu baaqay guud ahaan hay’adaha gargaarka iyo deeq bixiyayaasha iney si gaar ah indhaha ugu hayaan xaaladdaha abaareed ee haatan ka jirta inta badan gobolada dalka Soomaaliya.