Jimco, January 17, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in Kooxaha Argagexisada sida Al shabaab iyo Daacish ee ka dagaalamaya Soomaaliya ay dhibaato weyn ay ku yihiin amaanka, nafta iyo maalka Shadabka Soomaaliyeed.
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto sidii Kooxahaasi dalka looga ciribtiri lahaa waxaana uu yiri "Khawaarijta waa khatarta ugu weyn ee muwaadinka Soomaaliyeed amnigiisa iyo naftiisaba halista ku ah."
“Xukuumaddu waxay baaris ku samaysay kadibna ay oggaatay in waxyaabaha waaweyn ee halista galiyey jiritaanka dalkeenna ay ka mid tahay argagixisada oo dhibaato ku ah amniga, nafta iyo maalka. Waxaa kale oo ka mid ah dhibaatooyinka jira aragtida gooni u goosatada, maadaama ay tahay mid gurracan oo halis galinaysa jiritaanka dalkeenna, iyo nugaylka dowladnimadda, waxaannu isla qaadanay in xalka laga raadiyo dadka wax-bartay oo aad qeyb ka tihiin”. Ayuu yiri Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Dhanka kale Ra'iisul Wasaaraha waxa uu tilmaamay in Xukuumadiisu ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo waxbarashada dalka, si ay ubadka Soomaaliyeed u helaan tacliin tayo sare leh.
Hadalkaan ayuu xalay ka sheegay isagoo ka qeybgalay munaasabadda qalin jabinta arday dhameysatay barnaamijka daraasaadka sare ee Jaamacadda Muqdisho, waxa uu soo hadal qaaday in ay socdaan qorsheyaal lagu tayeynayo waxbarashada sare ee dalka iyo guud ahaan hey’addaha waxbarashada heer walba, si loo helo jiil aqoon iyo xirfad sare leh oo door muhiim ah ka qaata dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.