1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2025
Soomaaliya oo ku baaqday in wax laga qabto sababaha keenay isku dhacyada Badda Cas
 

Khamiis, January 16, 2025 (HOL) - Soomaaliya ayaa codkeeda ku taageertay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee tirsigiisu yahay 2768 (2025), kaasoo ka hadlaya sida Golaha Ammaanku uga go’an yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Badda Cas.

Bayaan ay soo saartay oo la socotay codkeeda, ayay Soomaaliya ku sheegtay baahida loo qabo in wax laga qabto sababaha keenay iskahorimaadyada saameeya Badda Cas, kuwaas oo ay ka mid yihiin xasillooni darro siyaasadeed, kala duwanaansho dhaqaale, iyo dembiyada ka baxsan sida burcad badeedda iyo tahriibka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in la is ixtiraamo loona hoggaansamo madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xeebaha ah taasoo tiir-dhexaad u ah nabad iyo wadashaqeyn waarta.

Soomaaliya ayaa dhawaan 54 sano kadib si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo horay loogu doortay Kursiga aan joogtada ahayn ee 2025-2026.

Kamid noqoshada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fursad u siinaya in ay ka qayb qaadato doodaha ku saabsan iskahorimaadyada caalamiga ah, xasaradaha bini'aadantinimo, iyo ilaalinta nabadda caalamka.

Doorkaan wuxuu awood u siinayaa Soomaaliya inay si firfircoon uga qayb qaadato qaabaynta jawaabaha caalamiga ah ee arrimaha muhiimka ah ee saameeya bulshada caalamka.