Talaado, January 14, 2025 (HOL) - Hay’adda caalamiga ah ee badaha ayaa ku boorisay hawl-wadeennada maraakiibta shisheeye inay feejignaadaan marka ay isaga kala gooshayaan xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed, iyagoo sheegay in budhcad-badeednimadu ay weli tahay khatar.
Xafiiska Rugta Ganacsiga Caalamiga ah ee Badaha Caalamiga ah (IMB) ayaa warbixintii sannadlaha ahayd ee ugu dambaysay ku sheegtay in siddeed weerar oo budhcad-badeed ah laga soo sheegay badaha xeebaha Soomaaliya 2024-ka.
Sida ay sheegtay IMB, afduubka loo geystay labo markab oo kalluumeysi iyo markab xamuul ah qeybtii hore ee sanadka 2024-ka ayaa ka mid ahaa sideed dhado oo burcadbadeednimo ah oo la soo sheegay sannadkii hore.
Agaasimaha IMB Michael Howlett ayaa sheegay in aysan jirin meel lagu qanci karo maaddaama hanjabaadaha socda ee ku wajahan badbaadada shaqaalaha ay muujinayaan muhiimada taxadarka joogtada ah.
"Maamulayaasha iyo hawl-wadeennada maraakiibta waxaa si adag loogu dhiirri-gelinayaa inay si adag u feejignaadaan, una hoggaansamaan dhammaan talooyinka hab-dhaqannada maamulka ugu wanaagsan inta ay uga sii gudbayaan Gacanka Guinea iyo biyaha Bariga Afrika," ayuu yidhi Howlett.
IMB waxay sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ay ku beegsan karaan maraakiibta meel xeebaha Soomaaliya u jirta 1,000 mayl-badeed, iyagoo isticmaalaya doonyaha kalluumaysiga ee dheereeya.
Waxa ay sheegtay in dhacdooyinkii u dambeeyay ay muujinayaan awoodda sii socota ee burcad badeedda Soomaalida, in kasta oo ay weerarradu hoos u dhaceen tan iyo 2017.
Warkan ayaa kusoo beegmay, iyadoo maalmo ka hor lasii daayay markab kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu qafaashay xeebaha degaanada maamulka Puntland.