2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2025
Goobaha Ganacsiga Suuqa weyn ee Bakaaraha oo maalintii labaad xiran
 

Axad, February 9, 2025 (HOL) - Waxaa maalintii labaad xiran dhamaan goobaha ganacsiga Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee loo yaqaano Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif ayaa sheegay in ganacsiyada Suuqa Bakaaraha ay u xiran yihiin maalintii labaad Caga jugleyn uga timid Askar ka tirsan Ciidanka Nabadsugida Qaranka.

"Suuqa Bakaaraha wuxuu u xirmay handadaad iyo caga jugleyn ka timid ciidamo ka tirsan Nabadsugida oo Khamiistii ugu hanjabay ganacsatada ineysan furi karin goobahooda ganacsiga, cidii furta goobteeda ganacsina ay la kulmi doonto cawaaqib xumo daran, taas ayaana keentay in Suuqa uu xirnaado maalinti labaad" ayuu yiri guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho in masuuliyada xirnaashaha ganacsiyada Suuqa Bakaaraha ay qaadanayaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Nabadsugidda, isagoona is fogeeyay ineysan jirin amar kasoo baxay guddiga ganacsatada oo lagu xiray Suuqa.

"Qof loogu hanjabay ganacsigada ma furi kartid hadad furtidna dhibaato daran ayaad la kulmi doonta sababtee ayuu ku furi karaa ganacsigiisa, bakhaar walba Khamiistii ayaa irida loo istaagay oo lagu yiri Sabti ma furi kartid ganacsigada ee ma jiro amar anaga naga soo baxay oo lagu xiray ganacsiyada ee handadaada askarta ayay u xiran yihiin.

Guddoomiye Xasan Mire ayaa tilmaamay in ganacsatada Suuqa Bakaaraha diidaneen bixinta Canshuurta, islamarkaana ay diyaar u yihiin iney bixiyaan, wuxuuna ugu baaqay Wasaaradda Maaliyadda iney la timaado qorshe ganacsatadu ku qanci karaan.