Hiiraan Online
2/10/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2025
Madaxweynaha Koofur Galbeed oo saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani'adamnimada
Axad, February 9, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdıcasııs Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koofur Galbeed ku Saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada oo ay soo diyaarisay Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfur Galbeed.
Muhiimada ku jirta Hindise Sharciyeedkan ayaa ah inuu Xoojin doono Iskaashi ku Salaysan Ilaalinta Gargaarka iyo Isla Xisaabtan Qaabka Cusub ee Maaraynta Gargaarka iyo Gaarsiinta Gargaarka Dadkii loogu talagalay.
Munaasabadda Saxiixa Hindise Sharciyeedka waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiiro ka tirsan Xukuumada Koonfur Galbeed oo uu kamid yahay Wasiirka Gargaarka, mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Hay’addaha Caalamiga ah, iyo kuwa maxalliga ah. oo uu kamid yahay ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya.
Saxiixa kadib ayuu warbaahinta la hadlay Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen waxaana uu yiri "Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sharci u sameeneyo gargaarka bini'adamnimo si ay si cadaalad ugu gaaran dadka taabalaysan, waxaan ugu mahadcelinayaa cid waliba oo kasoo shaqeeysay, waxaana uu noqon doona sharci muhiim ah oo noqon doono mid dhaqan gala isla maanta".
Degaanada Koofur galbeed waxa ay kamid tahay meelaha ugu badan ee dadku ku saameeyeen abaaro xoogan iyadoona meelaha qaar ay kasoo yeerayeen dhaliilo ku saabsan inaan gargaarka si guud uusan u gaarin shacabka deganadaasi ku nool.