2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 9 , 2025
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo go'aan ka gaartay kiiska Lamaane ka tirsana Al-shabaab
 

Axad, February 9, 2025 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa go'aan ka gaartay kiiska lamaane ka tirsana kooxda Al-shabaab oo maalmahii lasoo dhaafay kasoo muuqday Maxkamadda.

Maxkamadda ciidamada ayaa sii deysay Xafso Maxamed Macalin oo gacanta lagu soo dhigay dhawaan iyada oo u socotay degmada Ceel buur oo uu ku sugnaa Seygeeda Abshir Aadan Maxamed.

Sii deysmada lamaanahaan ayaa timid kadib markii Abshir Aadan Maxamed uu arkay in xaaskiisa ay saaran tahay maxkamadda ciidamada, taasina ay keentay inuu go’aansado inuu kasoo baxo Al-Shabaab oo uu isku soo dhiibo dowladda.

Abshir Aadan Maxamed oo ay hareerahiisa taagnaayeen Xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay go’aanka Maxkamada, wuxuuna farriin u diray saaxibadiisii ku jira kooxda Al-Shabaab.

“Waan ku faraxsanahay sida ay maxkamadda noo sharaftay aniga iyo xaaskeyga oo ay xornimo na siisay, waxaan u mahadcelinayaa dadkii ka qayb qaatay. Dowladda si wanaagsan ayay noo soo dhaweysay waxaan leeyahay dadka arinta na haysatay ay haysato ka faa’iideysiga fursaddan idin muuqato” ayuu yiri Abshir Aadan Maxamed.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sii deysmada lamaanahaan kadib ku dhawaaqday iney taageereyso guurkooda oo haatan la qorsheynayo, waxaana sidaas si la mid ah ah dhankooda taageeray guurka lamaanahaan wasiiro iyo xildhibaano ku sugnaa maxkamadda ciidamada, kuwaas oo lacag ku wareejiyay lamaanaha si ay u dhameystiraan guurkooda.

"Abshir waa nin dhalinyarro ah, waana la marin habaabiyay balse hadda waxaa uu arkay in hadda ay dowladnimo jirto” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Cumar Cali Cabdi.

Ugu dambeyntii kiiska lamaanahaan ayaa ka mid noqonaya kiisaska la yaabka leh ee la horkeeno Maxkamadda ciidanada qalabka sida, waxaana kiiskaan uu ahaa maalmahii lasoo dhaafay mid si weyn u qabsaday hadal heyntiisa baraha bulshada.