2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2025
Wasiir Fartaag " Axmed Madoobe waa fallaagoobey, waana laiska dhicinayaa"
 

Sabti, February 8, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland uu yahay qofka diidan in Al-shabaab laga saaro degaanada Jubooyinka waxaana uu tusaale usoo qaatay dagaalkii Ciidamada Jubaland ay ku qaadeen Ciidankii Qaranka ee ku sugnaa Raaskambooni oo 300Km u jirta Kismaayo qaabkii ay usoo dhex mareen Ciidankaasi dhul ay Al shabaab ku xoogan yihiin.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay waaran xarig ah ay u jartay Axmed Madoobe uu dambiile yahay ayna iska dhicin doonaan, waxaana uu ku eedeeyay in wixii dhowaan ka dhacay Magaalada Baardheere uu isagu ka dambeeyay.

"Axmed Madoobe looma sacabtumeenin inuu Madaxweynaha Jubaland yahay anigaba kuxigeenkiisa ayaan ahaa, Dowladnimada waxa ay kujirtaa in laisku hogaansamo, Axmedna waxa uu ka baxay nidaamka Dowladnimo wuuna fallaagoobay waana laiska dhicinayaa" ayuu yiri wasiirka amniga Soomaaliya General Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Sidoo kale waxa uu xusay wasiirka uu sheegay in booqashadii ay ku joogeen Gobolka Gedo ay ahayd sidii la iskaga celin lahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubalanad ayna meel fiican mareeyso, waxaa uu wasiir Fartaag sidoo kale xusay inay jiraan dad tabashooyin qabay Degmada Baardheere taasna ay dhowaan ay xal ka gaari doonaan.

Khilaafka Dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa gaaray meeshii ugu xumeeyd ebid maadama Madaxweyne Axmed Madoobe oo qabsaday doorasho ay diidadeen Dowladda Soomaaliya taa oo qorsheeneysay in guud ahaan dalka ay ka qabato doorasho Qof iyo Cod ah.