2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2025
Wasiir Rooboow "Dadka jooga meelaha dowladda ka taliso cudur daar uma heli karaan iney dhahaan xoog ayaa lacag naloga qaaday"
 

Sabti, February 8, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay inaan laga aqbali doonin cudur daar kasta oo ku aadan maalgalinta Al-shabaab.

Wasiir Rooboow ayaa sheegay in ganacsatada laga yeeli doonin iney cabsi darteed lacag u siiyaan Al-shabaab, isagoona ugu baaqay iney la soo wadaagaan wixii macluumaad ah hay'daha qaabilsan dhinaca amaanka.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka in dowladda Fedaraalka ay diyaar u tahay ka jawaabista macluumaad kasta oo ay ganacsatada soo gudbiyaan oo ku aadan dadka lacagaha weydiiya.

“Dadka jooga goobaha dowladda ka taliso oo Suuqa Bakaaraha ka mid yahay cudur daar uma heli karaan iney dhahaan xoog ayaa lacag naloga qaaday, waan cabsoonay iyo wixii la mid ah, war qofka Mobeylkada ka soo wacaya ama ku imanaya ee lacag ku weydinaya oo wan ka cabsooday ledahay maxa ku diidaya inaad hay'adaha amaanka lasoo wadaavgto oo meel la idinka saaro” ayuu yiri Wasiirka Diinta iyo Arrimaha Diinta Islaamka Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ayaa sidoo kale sheegay in talaabo adag oo sharci ah laga qaadi doono cid walba oo lagu helo iney lacag siiso kooxda Al-shabaab oo ay horay Culimada Soomaaliyeed uga fadwoodeen inaan wax dhaqaale ah la siin karin.

Hadalka Wasiir Rooboow ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay marar badan digniino adag kasoo saartay inaan wax maalgalin ah la siin karin kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka.