Sabti, February 8, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalo khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan.
Muuse Salaad ayaa sheegay in dhamaan goobahii Shalay dagaaladu ka dhaceen ay gacanta ku hayaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawiisleeyda, kadib dagaal saacado badan qaatay oo ay la galeen Al-shabaab.
"Khawaariijta waan ku jabinay dagaalkii dhacay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa gacanta ku haya meelahii laga xureeyay Khawaariijta oo Shalay jab soo kabsasho laheyn la garasiiyay, godadkii iyo gambaadyadii dhagarta kasoo maleegi jireen waan ka saarnay wabiga ayaana ka gudbinay" ayuu yiri guddoomiye Muuse Salaad.
Guddoomiye Muuse Salaad ayaa sidoo kale boggaadiyay guulaha ciidamada iskaashanaya ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab, isagoona xusay iney sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka Al-shabaab ee looga xureynayo gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.
Si kastaba ha ahaatee dagaalkii Shalay ka dhacay deegaanada dhaca jiinka Wabiga Shabeelle ayaa ahaa kii ugu xoogana ee halkaas ka dhaca, waxaana guddoomiyaha uu sheegay iney dileen horjogayaal badan iyo maleeshiyaad kale oo Al-shabaab ka tirsan, iyagoona soo bandhigay xubno maxabiis ah oo kooxda looga qabtay dagaalka.