2/10/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2025
Puntland oo beenisay in dowladda Federaalka ay carqalad galisay baasaboorka askarta ku dhaawacmay dagaalka Daacish
 

Sabti, February 8, 2025 (HOL) - Puntland ayaa caddeysay in aanay jirin wax caqabad ah oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala kulantay oo ku saabsan adeegga baasaboorka ee askarta ku dhaawacmay dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad.

Axmed Hurre oo xubin ka ah Guddiga Taakulada Ciidamada Puntland ayaa sheegay in aysan jirin wax is-hortaag ah oo ay sameysay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka.

"Anigoo ku hadlaya afka guddiga taakulada ciidamadeenna, waxaan cadeynayaa in aaney jirin wax caqabad ah oo xagga baasaboorka ah, mana jirto is-hortaag ay samaysay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha JFS," ayuu yiri xubinta guddigu.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jireen warar baraha bulshada lagu faafiyay oo la xiriiray in dowladda Federaalka ay is hor istaag ku sameysay in si degdeg ah Boosaboorka Soomaaliya loogu sameeyo askarta ku dhaawacmay dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Sarkaal ka tirsan hay’adda socdaalka ayaa u sheegay HOL in muddo hal maalin ah ay qaadato in askarta dhaawacmay loosoo saaro baasabooradooda.