Jimco, February 7, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar si loo xoojiyo arrimaha ku saabsan sahminta shidaalka Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada sahminta iyo horumarinta Batroolka, waxaana wasiirka uu uga mahadceliyay Dowladda Turkida dadaalada horumarineed ay kawada Soomaaliya.
kulanka ayaa lagu sheegay in markabka sahminta ee Oruç Reis uu dhammeystiray 50% sahmintiisa seismic ee biyaha Soomaaliya, taasoo ah guul muhiim oo la gaaray, Wuxuu sidoo kale sameeyay dib u eegis ku saabsan istaraatiijiyadda sahaminta shidaalka dhulka Soomaaliya.
Wasiirka Batroolka Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in ay wasiirka Batroolka Soomaaliya ay isla qiimeeyeen habka mustaqbaliga ah ee hawlaha sahaminta iyo iskaashiga cusub ee lagu hormarin karo howlaha sahminta shidaalka, Waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay inay go'aansaden in labada Dowladood bilaabaan hannaan iskaashi oo cusub oo dhanka macdanta ah.
"Waxaan sii wadi doonaa dadaalkayaga ah in aan kor u qaadno iskaashigayada dhinacyada tamarta iyo macdanta ah" ayuu yiri Wasiirka Batroolka Turkiga.
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.